TOOS, Turkiga oo sheegay in ay soo rideen gantaal balastig ah oo laga soo ganay Iiraan

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan kuna wajahnaa Turkiga la soo riday.

Kooban

Tebin toos ah

Abdishukri Haybe - Xuseen Xuska

  1. War deg deg ah, Safaaradda Maraykanka ee Riyadh oo lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in safaaradda Maraykanka ee Riyadh lagu weeraray laba diyaarad oo aan duuliye lahayn (drone), sida ku cad qiyaasaha hore.

    War-saxaafadeed lagu daabacay barta X, safaaraddu waxay sheegtay in tani ay sababtay “dab xaddidan iyo khasaare yar oo hantiyeed oo ku yimid dhismaha.”

    Xarunta Maraykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay ogeysiis ah in dadka ay joogaan meelaha ay hadda ku sugan yihiin ee gabaadka ah magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Dhahran, waxayna sheegtay inay xaddidi doonto safarrada aan muhiimka ahayn ee lagu tagayo xarumaha milatari ee gobolka.

  2. War deg deg ah, Saldhig baddda oo ay isticmaaleen ciidamada Australia oo ku yaala agagaarka Dubai oo la duqeeyay

    Wasiirka difaaca Australia ayaa xaqiijiyay in saldhig badda ah oo ay ciidamada Australia isticmaalaan kuna yaala agagaarka Dubai lagu dhuftay drone dhamaadkii toddobaadka, isagoo intaa ku daray inaysan wax reer Australia ah ku dhaawacmin weerarka.

    “Habeenkii ugu horreeyay waxaa weerar lagu qaaday Saldhigga Diyaaradaha Al Minhad, laakiin dhammaan Australian-ka halkaas joogaa waa nabad qabaan,” ayuu Richard Marles u sheegay wariyeyaasha.

    Saldhigga cirka ee Imaaraatka Carabta ayaa ay adeegsadaan ciidan badan oo reer Galbeed ah, wuxuuna yahay xarunta dhexe ee Ciidanka Difaaca Australia ee Bariga Dhexe. Marles ayaa sheegay in Australia ay leedahay 100 shaqaale oo ku sugan Bariga Dhexe, inta badanna UAE ku sugan

    Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa hore u sheegay in dalkiisu uu taageersan yahay tallaabada Mareykanka iyo Israa’iil “si looga hortago in Iiraan hesho hub nukliyeer ah iyo in laga hortago Iiraan inay sii wado khatar gelinta nabadda iyo amniga caalamka.”