War deg deg ah, Israa’iil oo weerartay Xafiiska Madaxweynaha Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen Xafiiska Madaxweynaha ee Iiraan
Waxaan helnay war cusub oo ka yimid ciidanka Israa’iil oo sheegaya in ciidamadooda cirka ay garaaceen xarunta hoggaaminta nidaamka Iiraan.
Bayaan ay soo dhigeen Telegram, ciidanka IDF waxay ku sheegeen in “hub fara badan” lagu riday Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka ee Iiraan.
Waxay intaa ku dareen in hay’ad tababar milatari iyo “kaabayaal muhiim ah oo kale oo nidaamka ah” sidoo kale la garaacay.
Hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa la sheegay inuu isticmaali jiray xaruntaas, sida ay IDF sheegtay. Khamenei ayaa la dilay xaruntiisa intii lagu jiray weeraro ay wada qaadeen Maraykanka iyo Israel dhammaadkii toddobaadkan.
















