TOOS, Turkiga oo sheegay in ay soo rideen gantaal balastig ah oo laga soo ganay Iiraan

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan kuna wajahnaa Turkiga la soo riday.

Kooban

Tebin toos ah

Abdishukri Haybe - Xuseen Xuska

  1. Suudaan oo ku eedeysay diyaaradaha (drone-ka) ee kasoo kacaya Itoobiya dhibaato ku hayaan dalkeeda

    Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn

    Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn

    Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo.

    Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay.

    Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale.

    Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

  2. War deg deg ah, Diyaarad ayaa lagu soo riday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad

    Diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ayaa lagu soo riday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad maanta oo arbaca ah, sida ay werisay AFP iyadoo soo xiganaysa laba ilo oo amni.

    Sida ku cad wararka, ma jiraan wax khasaare naf ama hantiyeed ah oo lasoo sheegay.

    Garoonka ayaa ku dhex yaalla saldhig ciidan oo martigeliya xarun diblomaasiyadeed oo Mareykan ah, waxaana horey u deggenaa ciidammo isbahaysi uu hoggaaminayay Mareykanka.

    Ciraaq waxay sheegtay inaysan doonayn inay ku lug yeelato dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, balse kama aysan badbaadin saameynta dagaalkaas.

  3. War deg deg ah, Aaska Khamenei iyo Israa’iil oo ku goodinaysa dilka qofka beddeli doona

    Ayatollah Ali Khamenei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ayatollah Ali Khamenei

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in maanta magaalada Tehraan lagu qaban doono munaasabad aaska Hoggaamiyihii sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei.

    Khamenei ayaa lagu dilay markii weerarro wadajir ah oo Mareykan iyo Israa’iil ah ay Sabtidii ku qaadeen Iiraan. Sida ay warbaahinta dowladda sheegtay, munaasabadda ayaa bilaaban doonta 18:30 GMT, waxayna socon doontaa saddex maalmood ka hor inta aan la qaban socodka janaasada.

    Wargeyska New York Times ayaa, isaga oo soo xiganaya mas’uuliyiin Iiraani ah, ku warramay in wiilka Khamenei, Mojtaba Khamenei, uu noqday musharraxa ugu horreeya ee hoggaamiyaha sare cusub loo dooran karo — iyadoo go’aanka laga yaabo in la gaaro xitaa subaxnimadan.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku dhawaaqay in qof kasta oo beddela oo sii wada “qorshaha lagu burburinayo Israa’iil, ee hanjabaada ku ah Mareykanka” iyo “caburinta shacabka Iiraan” uu noqon doono “bartilmaameed si cad loo beegsanayo oo la cirib tirayo.”

  4. War deg deg ah, Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

    Dena (lambarka 75)  oo maraya Brazil sannadkii 2023

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dena (lambarka 75) oo maraya Brazil sannadkii 2023

    Ciidamada badda iyo hawada ee Sri Lanka ayaa loo diray inay badbaadiyaan ciidamada ilaalada xeebaha Iiraan oo diray wicitaan gurmad deg-deg ah kadib markii markabkoodu ku bilaabay inuu quuso agagaarka jasiiradda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sri Lanka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda, Vijitha Herath, ayaa baarlamaanka u sheegay in calaamad deg-deg ah oo ka timid markabka “IRIS Dena” la helay waaberigii. Waxaa la sheegay in 180 qof ay saarnaayeen markabka.

    Herath ayaa intaa ku daray in 30 ka mid ah ciidamada badda dhaawacmeen lana geeyay isbitaal ku yaalla dekedda Galle ee Sri Lanka.

    Sababta quusidda markabka lama oga weli. Xildhibaanno mucaarad ah ayaa weydiyay in markabka la qarxiyay qayb ka mid ah weerarada Mareykanka–Israel ee ka dhan ah Iran, laakiin jawaab rasmi ah weli lama bixin.

  5. War deg deg ah, Aaway saaxiibadii Iiraan ee Shiinaha iyo Ruushka?

    Iyadoo UK ay u ogolaatay Washington in ay u isticmaasho saldhigyadeeda hawada "difaaca" weerarrada inta lagu guda jiro dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, ayaa waxaa indhaha lagu hayaa taageerada ay Tehran dibadda ka heli karto.

    Ruushka iyo Shiinaha labaduba waxay xiriir diblomaasiyadeed, ganacsi iyo mid militari la leeyihiin Jamhuuriyadda Islaamiga ah, laakiin khilaafka hadda jira ayaa diiradda saari doona ilaa inta ay doonayaan inay taageeraan.

    Hoos ka akhri warbixino kale

  6. War deg deg ah, Gantaal ka yimid Iiraan oo ku dhacay saldhigga cirka Mareykanka ee Qadar

    Qadar ayaa lala beegsaday labo gantaal oo nooca balaastikada oo ay soo tuureen Iiran, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda difaaca ee dalkaas.

    Mid ka mid ah gantaallada waxaa qabtay nidaamyada difaaca cirka ee Qadar, halka kan kale uu ku dhacay saldhigga cirka Mareykanka ee Al Udaid – oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ee gobolka.

    Qatar ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhimasho ah.

  7. War deg deg ah, Israa’iil oo weerartay ‘xarumo amni’ oo ku yaalla Tehran, sida ay sheegtay IDF

    Israa’iil ayaa duqaysay tobanaan bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Tehran, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Israa’iil ee ku hadla Afka-Carabiga, Avichay Adraee.

    Weerarradu waxay bartilmaameedsadeen xarumaha Basij – oo xarun ah ciidamada is-xilqaam ah oo la xiriira Ilaalada Kacaanka Iiran iyo sidoo kale meelaha laga tuuro gantaallada iyo nidaamyada difaaca, iyo sidoo kale “waaxda sahayda iyo saadka ee la xiriirta ciidamada dhulka ee nidaamka”.

    Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in IDF ay sii wadi doonto “inay xoojiyaan weerarrada” ka dhan ah kaabayaasha nidaamka ee Iiran.

  8. War deg deg ah, Daawo Muuqaal muujinaya qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai oo dab ka holocayo

    Tan iyo markii weerarada Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah ay bilaabmeen Sabtidii, Iiran ayaa bilowday taxane weeraro ah oo lagu qaaday saldhigyada Mareykanka iyo xulafadiisa guud ahaan gobolka.

    Sawirro ay xaqiijisay BBC Verify ayaa muujinaya dhismaha qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai oo dab ka holcayo ka dib markii (drone) ku dhacday fiidnimadii Talaadada.

    Mid ka mid ah muuqaallada, oo laga duubay isgoys dhowr mitir u jira qunsuliyadda, ayaa muujinaya waxa u muuqda drone ku dhacaysa qunsuliyadda, halka mid kale uu muujinayo dab ka holcaya gudaha dhismaha iyo qiiq madow oo cirka isku shareeray.

    Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha habeenkii xalay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa xaqiijiyay in drone lagu duqeeyay “meel baabuur la dhigto” oo ku xigta dhismaha qunsuliyadda.

    “Dhammaan shaqaaluhu waa la tiriyay,” ayuu yiri Rubio, isaga oo intaa ku daray: “Waxaan nasiib wanaagsan u helnay, dabcan, laakiin safaaradahayaga iyo xarumaha diblomaasiyadeed waxay si toos ah weerar ugu jiraan nidaam argagixiso.”

    Qoraalka Muuqaalka, Dab ka kacaya agagaarka qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai ka dib markii lagu qaaday weerar
  9. War deg deg ah, Dalalka muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka iyo waxa ay samaynayaan

    Duulimaadyad diyaaradaha Imaaraatka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Duulimaadyad diyaaradaha Imaaraatka

    Boqortooyada Ingiriiska (UK) ma aha dalka keli ah ee diyaarinaya in dib loogu celiyo muwaadiniinta ku xayiran dibadda dalkooda. Halkan waxaa ku qoran waxa waddamada kale ay ka sheegeen xaaladda:

    Australia

    Wasiirka Arrimaha Dibadda, Penny Wong, ayaa sheegtay in Australia ay wadahadallo la leedahay shirkadaha diyaaradaha si ay u caawiyaan 115,000 oo muwaadiniin Australian ah oo ku xayiran Bariga Dhexe, laakiin in la sameeyo daad-gureyn ay adkaan doonto iyadoo qayb badan oo hawada gobolka ah ay xirantahay.

    Faransiiska

    Sarkaal ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa sheegay in ku dhawaad 400,000 oo muwaadiniin Faransiis ah ay saameysay xaaladda. Ka dib markii lagu booriyey inay iska diiwaangeliyaan nidaamka "Ariane" ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in ka badan 25,000 ayaa iska diiwaangaliyay, ayuu sarkaalku sheegay.

    Jarmalka

    Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in warshadaha dalxiiska ay mas’uul ka yihiin soo celinta inta badan 30,000 oo muwaadiniin Jarmal ah oo ku xayiran gobolka, isla markaana dib-u-soo-celinta ciidanka ay tahay xalka ugu dambeeya oo keliya.

    Talyaaniga

    Diyaarad kireysan oo ugu horreysay oo sidday 127 muwaadiniin Talyaani ah oo ku xayiran Oman, ama halkaas laga keenay Dubai, ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Fiumicino ee Rome habeenimadii Isniinta. Safarka Rome soo gaaray ayaa u mahadceliyay safaaradda Talyaaniga caawimaadda ay siisay.

    Spain

    Isbaanishku wuxuu bilaabay daad-gureynta muwaadiniintiisa ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jose Manuel Albares Talaadadii.

    Mareykanka

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Isniintii ku baaqday in Maraykanka ay si degdeg ah uga baxaan in ka badan toban waddan oo Bariga Dhexe ah, laakiin weli ma aysan shaacin duulimaadyada dib-u-soo-celinta.

  10. War deg deg ah, Duqaymihii u dambeeyay ee dhacay halka lala beegsaday iyo cidda fulisay

    Nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil, Iron Dome, ayaa qabtay gantaallo ku dul dhacayay Tel Aviv.

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil, Iron Dome, ayaa qabtay gantaallo ku dul dhacayay Tel Aviv.

    Iiraan

    Milatariga Israa’iil wuxuu sheegay in Iiraan ay ka jawaabaysay taxanaha cusub ee weerarada. Saacadihii ugu dambeeyay, Israa’iil waxay bixisay digniin, iyadoo ka digtay gantaallo ka yimaada dhanka Iiraan.

    Lubnaan

    Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay la socotay gantaallo laga soo riday dhanka Lubnaan, halkaas oo weerarada Israa’iil ay ku beegsanaysay Xizbullah. Gantaallada iyo rasaasta waa la qabtay, mana jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaaro nafeed, sida ay Israa’iil sheegtay.

    Shixnadaha/Badeecadaha badda

    Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) waxay sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan “rasaas aan la aqoon” oo ku dhacday markab xeebta Fujairah, Imaaraadka Carabta.

    Waxaa la sheegay in rasaastu waxyeelo gaarsiisay birta markabka, laakiin “ma jirto dab ama biyaha gudaha u galay”. Shaqaalaha markabka waa nabad qabaan, waxaana baaritaan ku socda, sida UKMTO sheegtay.

    Kuwait

    Gabar 11-jir ah ayaa dhimatay ka dib markii rasaas kusoo dhacday hareeraha guryaha deegaanka ah ee Kuwait, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in afar xubnood oo qoyska ka tirsan, oo ay ku jirto hooyadeed, la geeyay isbitaal.

  11. War deg deg ah, Dowladdaha Khaliijka oo sheegay in Iiraan ay ka gudubtay khad cas

    Dekedaha Jebel Ali ee Dubai ayaa dab qabsaday ka dib markii qashinka gantaal la qabtay uu ku dhacay.

    Xigashada Sawirka, reu

    Qoraalka sawirka, Dekedaha Jebel Ali ee Dubai ayaa dab qabsaday ka dib markii qashinka gantaal la qabtay uu ku dhacay.

    Dowladaha Khaliijka ayaa isu arka inay dhexda ka galeen safka hore ee dagaalka ugu dambeeyey ee Bariga Dhexe, waxaana ka muuqata caro ay ka qabaan arrinkaasi.

    Iiraan ayaa ka jawaabtay duqeymihii cirka ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ay fuliyeen, iyadoo qarxisay boqolaal gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku wajahan deriskeeda Carabta — iyadoo bartilmaameedsatay saldhigyo milateri oo Mareykanku ku leeyahay dhulkooda, iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka iyo tamarta.

    Tallaabadan waxay ku beegsaneysaa sumcadda Khaliijka sidii meel ammaan ah, hodan ah oo loo safro, dalxiis lagu tago, iyo maaliyad lagu shaqeeyo, isla markaana carqaladeynaysa warshadaha saliida iyo gaaska ee muhiimka u ah gobolka.

    Dagaalkan waa mid aan dowladaha Carabta dooneyn oo ay isku dayeen inay ka hortagaan. Su’aashu waxay tahay inay ku dhici doonaan in lagu soo jiido, iyadoo la tixraacayo waxa ay ugu yeereen weerarrada “khayaanada” ah ee Iiraan.

  12. War deg deg ah, Maxaa dhacay ilaa saaka oo Arbaco ah?

    Xaaladda Bariga Dhexe oo si degdeg ah isu beddeshay, subaxnimadii Arbacada iyada Israa’iil ay qabatay gantaallo laga soo tuuray Iiraan, isla markaana Sacudi Carabiya waxay ku dhawaaqday inay qabatay laba gantaal oo nooca kruuska iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

    Dhanka caalamka, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay abaabuleyso duulimaadyo lagu soo saarayo muwaadiniinteeda gobolka, tallaabo ka tarjumeysa welwelka sii kordhaya ee ku saabsan xaaladda ammaanka ee sii xumaanaysa.

    Dhinaca dhaqaalaha, qiimaha saliida ayaa sii waday kororka, iyada oo walaac laga qabo carqaladeynta sahayda, gaar ahaan iyadoo laga hadlayo khataraha suurtagalka ah ee maraakiibta marin-biyoodka Hormuz, oo ah meel muhiim u ah tamarta adduunka.

    Xaaladdan, Reuters ayaa sheegtay in ilo wareedyo ah ay sheegeen in Saudi Aramco ay baareyso wadooyin kale oo laga dhoofiyo saliida marin-biyoodka Hormuz, iyadoo la diyaarinayo wax kasta oo carqalad ah.

    Dhinaca siyaasadda, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan si xooggan loo garaacay, isla markaana keydka gantaallada ee dalka uu gabaabsi yahay.

  13. War deg deg ah, Askartii ugu horreysay ee Mareykan ah ee ku dhimatay colaadda Iiraan oo la aqoonsaday

    Ciidamada dhintay ee Maraykanka ee la aqoonsaday

    Xigashada Sawirka, US Army Reserve Command

    Qoraalka sawirka, Ciidamada dhintay ee Maraykanka ee la aqoonsaday

    Ciidamada Mareykanka ayaa magacaabay askartii ugu horreysay ee ku dhimatay colaadda u dhaxaysa Mareykanka-Israa'iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Lix askari ayaa dhintay markii “nidaam diyaaradeed oo aan duuliye lahayn” uu ka baxsaday difaacyada cirka si uu u garaaco xarun amar ku taal Port Shuaiba, Kuwait, Axaddii.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa markii hore sheegay in saddex askari ay ku dhinteen weerarka, laakiin mas’uuliyiinta ayaa Isniintii xaqiijiyey in tirada dhimashada ay laban laabantay, kadib markii hal qof uu u dhintay dhaawacii iyo laba mayd oo kale lagu helay burburka.

    Afar ka mid ah dhintay, oo dhammaantood ahaa askarta Kaydka Ciidanka Mareykanka, ayaa Talaadadii lagu aqoonsaday ciidanka Mareykanka: Kabtanka Cody Khork, 35, Sargaal Noah Tietjens, 42, Sargaal Nicole Amor, 39, iyo Sargaal Declan Coady, 20.

    Khork, oo degan Florida, ayaa horey ugu soo shaqeeyay Sacuudi Carabiya, Guantanamo Bay iyo Poland.

    Amor, oo ka yimid Minnesota, ayaa horey ugu howlgalay Kuwait iyo Ciraaq.

    Tietjens, oo degan Nebraska, ayaa laba jeer hore ka soo shaqeeyay Kuwait. Saddexduba waxay ahaayeen askar bilad sharaf la siiyey.

  14. War deg deg ah, Qadar oo xabsiga dhigtay unugyo looga shakisan yahay jaajuusnimo

    Wakaaladda wararka ee dowladda Qadar ayaa ku sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalka ay “si guul leh u burburiyeen laba unug” oo la xiriiriyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) isla markaana ay xabsigeeda dhigeen xubnahooda Arbacadii subaxnimo.

    Wakaaladda wararka ayaa sheegtay in toddobada ka mid ah dadka la tuhunsan yahay ay ahaayeen “wakiillo fulinayey howlgallo sirdoon si ay u ururiyaan macluumaad ku saabsan kaabayaasha muhiimka ah iyo xogta milateri ee dalka.”

    Wakaaladda wararka ayaa intaa ku dartay in saddex kale oo ka mid ah dadka loo haysto falalka sirdoonka “lagu tababaray isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).”

    Wakaaladda wararka dowladda Qadar ayaa sheegtay: “Intii baaritaanka socday, dadka la tuhunsan yahay waxay qirteen inay xiriir la leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan waxayna sheegeen in lagu faray inay fuliyaan howlgallo sirdoon iyo burburin.”

  15. War deg deg ah, Dad ka qaxay Urdun oo gaaray Slovakia

    Dadka ayaa ka soo degaya duulimaad ay dowladda Slovak kaga soo qaaday Urdun iyaga oo ku sugan Bratislava

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Dadka ayaa ka soo degaya duulimaad ay dowladda Slovak kaga soo qaaday Urdun iyaga oo ku sugan Bratislava

    Iyada oo duqeymo ka socda Bariga Dhexe ay sii socdaan, dalal badan oo ka baxsan gobolka ayaa diyaarinaya duulimaadyo dib loogu soo celinayo muwaadiniintooda si ay ugu laabtaan guryahooda.

    Sawirradan ayaa muujinaya dadka loo soo celinayo Bratislava iyaga oo ka imanaya Urdun, duulimaadyadaas oo ay abaabushay dowladda Slovak.

    Zuzana oo 53 jir ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in seerinooyinka “hal mar iyo hal mar ay dhaqaajiyaan. Gantaallo ayaa si toos ah inaga dul marayay. Xitaa qaar baan aragnay oo la toogtay.”

    Anton, 23 jir ah, ayaa sheegay in digniinaha duqeymaha cirka “ay noqdeen kuwo aad u xoog badan.”

    “Gantaallada ma aanan arkin xitaa, waxay ahayd wax cabsi leh, mana qiyaasi karo in si maalinle ah loo soo maro,” ayuu yiri.

    Dadka oo ka degeya Bratislava

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dadka oo ka degeya Bratislava
  16. War deg deg ah, Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

    Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah kuwaas oo ku wajahnaa koonfurta caasimadda Riyadh, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

    Dhanka kale, Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee Sacudi Carabiya ayaa sheegtay in sagaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) la qabtay.

    Mas’uuliyiinta Sacudi Carabiya ma aysan sheegin halka laga soo tuuray gantaallada iyo diyaaradahaas.

  17. War deg deg ah, Israa’iil oo qabatay gantaallo looga soo riday Iiraan

    Nidaamka difaaca gantaallada ee “Iron Dome” ee Israa’iil ayaa sawirkan lagu arkayaa iyaga oo qabtay walax la soo tuuray habeenkii Talaadada.

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Nidaamka difaaca gantaallada ee “Iron Dome” ee Israa’iil ayaa sawirkan lagu arkayaa iyaga oo qabtay walax la soo tuuray habeenkii Talaadada.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay Iiraan soo qaaday weerar jawaab celin ah oo ay uga jawaabayso weerarada dhankooda ka imaanaya.

    Saacadihii u dambeeyey, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday digniino, iyadoo ka digaysa gantaallo laga soo tuuray Iiraan.

    Dhawaaqyada digniinta ayaa yeeray, waxaana dadka Israa’iil lagu wargeliyey farriimo taleefannadooda gacanta ah oo lagu farayo inay galaan meelaha gabaadka ah oo ay halkaas ku sugnaadaan ilaa amar dambe laga bixiyo.

    Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay la socotay walxo gantaallo ah oo laga soo tuuray Lubnaan, halkaas oo duqeymaha Israa’iil ay ku beegsanayeen Xisbullah.

    Gantaallada iyo walxaha la soo tuuray waa la qabtay, mana jirin warar degdeg ah oo ku saabsan khasaare naf ah, sida ay Israa’iil sheegtay.

  18. War deg deg ah, Markab lagu duqeeyay xeebta UAE, sida ay sheegtay hay’ad kormeerta badda ee UK

    Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan “walax aan la garanayn” oo ku dhacday markab ku yaalla xeebta Fujairah, Imaaraadka Carabta.

    UKMTO waa hay’ad ay hogaan Ciidanka Badda Boqortooyada Ingiriiska oo ka shaqaysa xiriirka u dhexeeya maraakiibta ganacsiga iyo xoogagga militariga si loo xaqiijiyo ammaanka badda.

    Waxay sheegtay in waxyeello ka soo gaartay markabka, laakiin “aanay jirin dab ama biyo soo galay.”

    Shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay badbaadeen, baaritaanno ayayna wadaan maamulku, sida ay xustay UKMTO.

  19. War deg deg ah, Qatar ayaa sheegtay inay xirtay 10 qof oo lagu tuhunsan yahay inay basaas u ahaayeen Iraan

    Wakaaladda wararka dowladda Qatar ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Qatar ay “si guul leh u xireen laba unug” oo u shaqeynayay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) saacadihii hore ee Arbacada.

    Toddobo ka mid ah tuhmanayaasha ayaa “loo xilsaaray hawlo basaasnimo si ay u ururiyaan xog ku saabsan kaabeyaasha muhiimka ah iyo kuwa milatari ee dalka,” ayay wakaaladdu sheegtay.

    Saddex kale oo sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo ayaa “lagu tababaray adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone),” ayay raacisay.

    “Intii lagu jiray baaritaannada, tuhmanayaashu waxay qirteen xiriirkooda Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxayna sheegeen in loo igmaday inay fuliyaan hawlo basaasnimo iyo falal lagu carqaladeynayo amniga,” ayay wakaaladda wararka dowladda sheegtay.

    Doha

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  20. War deg deg ah, Sacuudiga oo sheegay inuu diyaar u yahay ka jawaabidda weerarada Iiraan

    sacuudiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sacuudiga oo sheegay inay diyaar u yahay inuu ka jawaabo weerarada Iiraan

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda, Sacuudi Carabiya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo amnigeeda una ilaaliso dadka deggan dalka.

    Golaha wasiirrada boqortooyada ayaa adkeeyay “diyaargarowga lagu abaabulayo dhammaan awoodaha” si loo taageero dalalka xulafada ah marka ay ka jawaabayaan weerarro kasta oo suurtagal ah oo kaga yimaada Iiraan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.