TOOS, Turkiga oo sheegay in ay soo rideen gantaal balastig ah oo laga soo ganay Iiraan

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan kuna wajahnaa Turkiga la soo riday.

Kooban

Tebin toos ah

Abdishukri Haybe - Xuseen Xuska

  1. Ciidamada Cirka ee Israa’iil oo sheegay in ay Iran ku soo rideen in ka badan 5,000 oo rasaas ah

    Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa sheegay in ay Iran ku rideen in ka badan 5,000 oo rasaas ah tan iyo markii uu dagaalka bilowday Sabtidii.

    Xogtan lagu soo dhigay baraha bulshada, ayay lagu sheegay in ay xoogga saarayso aagga Tehran.

    Dhanka kale, ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay aqoonsadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socday Israa’iil wax yar ka hor intaan lasoo dirin.

    Qoraalka lasoo dhigay barta X, ayaa intaa ku daray in nidaamyada difaaca ay u shaqeynayaan si ay uga hortagaan khatarta.

  2. War deg deg ah, Siddeetan meydad oo la helay kadib markabka Iran ee quusay

    Ilaa 80 mayd ayaa la helay kadib markii uu quusay markab Iran laga leeyahay, sida loo sheegay BBC.

    Meydadka 80 qof oo saarnaa markab laga leeyahay Iran oo ku degay badweynta Hindiya ayaa la helay, sida uu BBC Sinhala u sheegay xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Air Vice Marshal Sampath Thuyyakontha.

  3. Raysal wasaare Abiy oo digniin diray maahmaahyada adeegsaday

    Abiy

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxda kooxda TPLF iyo dowladda Eritrea inay u dhaqaaqeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dagaalladii ka dhacay dalkaasi.

    Wuxuu ku dhaleeceeyay madaxda TPLF ee Tigray-ga inay door ku leeyihiin ka hortagga isbedellada siyaasadeed iyo kuwa horumarka ee Tigray-ga.

    Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay dhibaato weyn u geysatay dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha intii lagu jiray dagaalkii Tigray ee 2022 .

    Waa markii labaad oo dowladda Itoobiya ay ku eedeyso ciidamada Eritrea xadgudubyada noocaan ah.

    Eritrea ayaa mar sii horreysay cambaareysay hadallada la midka ah ee ra’iisul wasaaraha oo ku tilmaamay “wax laga xishoodo oo laga yaqyaqsado”.

    Sidoo kale akhri:

  4. "Iraan waxay isku dayday in ay disho Trump"

    Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth oo hadda wariyeyaasha kula hadlayay Pentagon-ka, oo uu weheliyo Madaxa Ciidammada Isku-dhafka Mareykanka Dan Caine ayaa yidhi:

    "Iiraan waxay isku dayday in ay disho Madaxweyne Trump," ayuu yiri Hegseth, wuxuuna intaa ku daray, "Madaxweyne Trump waa uu ku qoslay arrintaasi."

    Wuxuu sheegay in Salaasadii, Mareykanku uu "uu ugaadhsaday oo uu dilay" "hoggaamiyihii unugga ee isku dayay inuu dilo Madaxweynaha Trump".

  5. Maxaa ka jira in la weeraray warshaddii ugu weynayd ee shidaalka Sucuudiga?

    Shidaalka Sucuudiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in la isku dayay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn lagu beegsado warshad weyn oo sifeysa shidaalka dalkaasi.

    Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday warshad sifaysa shidaal oo ku taalla Ras Tanura, taas oo la rumeysan yahay inay tahay xarunta ugu weyn ee sifeynta shidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Sida ay Wasaaradda Difaacu sheegtay, “Qiimaynta hordhaca ah waxay muujinaysaa in weerarkan loo adeegsaday diyaarad drone ah, balse wax khasaare ah ma uusan geysan.”

  6. Aaskii Aayatollah oo dib loo dhigay

    Ayatollah Ali Khamenei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa ku warrantay in dib loo dhigay aaska qaran ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

    Aaskan oo qorshuhu ahaa in uu socdo muddo saddex maalmood ah ayaa la filayay inuu bilaabmo maanta, iyadoo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen diyaargarow lagu qabanayo munaasabadda.

    Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay sheegayaan in qabanqaabiyayaashu ay sheegeen in munaasabadda dib loo dhigi doono ilaa laga helo kaabayaal iyo diyaargarow buuxa oo lagu qaban karo.

    Illaa iyo hadda lama shaacin taariikh cusub oo loo asteeyay qabashada aaska.

  7. War deg deg ah, Markab ay Iiraan leedahay oo ku quusay Sri Lanka

    Marakab ay leedahay Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada badda ee Sri Lanka ayaa xaqiijiyay in ay soo badbaadiyeen 32 qof kadib markii ay soo waceen markabka ciidamada badda Iran ‘IRIS Dena’ subaxnimadii hore ee saaka.

    Budhika Sampath, oo ah afhayeenka ciidamada badda ee Sri Lanka ayaa yiri: "In kasta oo ay ka baxsan tahay biyaheenna, waxay ku jirtay gobolkeenna goobidda iyo samatabbixinta. Markaa waxaa nagu waajib ah inaan uga jawaabno sida ku cad waajibaadka caalamiga ah."

    Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan helnay dad dul sabbeynaya biyaha, waanu soo badbaadinnay, ka dib markii aan weydiinnay waxaan ogaannay in dadkaas ay ka yimaadeen markab laga leeyahay Iran."

    Waxa uu sidoo kale sheegay in sida ku cad warqadaha markabka 180 qof la rumeysan yahay in ay saarnaayeen, inkastoo aan la ogeyn tirada saxda ah ee la la'yahay.

  8. War deg deg ah, Turkiga oo sheegay in ay qabteen gantaal laga soo ganay Iiraan

    Turkish flag

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan kuna wajahnaa Turkiga la soo riday.

    Wasaaraddu waxay shaacisay in gantaalka ballistic-ga ah ee laga soo ganay Iiraan uu ka gudbay hawada Ciraaq iyo Suuriya ka hor inta aanu u jihaysan hawada Turkiga, halkaas oo ay ku soo rideen cutubyada difaaca hawada iyo gantaallada ee NATO ee ku sugan Bariga Badda Mediterranean-ka.

    Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in qayb ka mid ah difaaca hawada ee lagu burburiyay gantaalka ka yimid Iiraan ay ku dhacday degmada Dörtyol ee gobolka Hatay, balse aysan jirin wax khasaare naf ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdada.

  9. Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay dastuurkii lagu muransanaa

    Baarlamaanka Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Xildhibaannada iyo Senatorrada labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyey Dastuurka Soomaaliya oo wax ka beddelkiisa lagu muransanaa. Sida uu ku warramay telefishanka Soomaaliya, 223 xubnood oo kala ah 186 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Dastuurka Dalka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoomiyey.

    Sidoo kale akhri:

  10. War deg deg ah, Wiilka Aayatollah oo badbaaday iyo diyaar garowga doorashada hoggaanka sare

    Iiraan ayaa u diyaar garoobaysa inay doorato hogaamiyaha sare ee cusub, warbixinnadu waxay sheegayaan in wiilka Aayatollah-gii dhintay uu badbaaday

    Wiilka Aayatollah, Ali Khamenei, ayaa sida laga soo xigtay laba ilo oo Iiraani ah oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ay sheegeen inuu ka badbaaday weerarradii ka dhacay gudaha Iiraan.

    Mojtaba Khamenei waa ilmaha labaad ee ugu weyn Ali Khamenei – oo Sabtidii lagu dilay weerar Israeli ah – waxaana loo arkaa inuu noqon karo Hogaamiyaha Sare ee Iiraan ee xiga.

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa kusoo warramaysa in maanta la qaban doono xaflad janaasadeedka Ali Khamenei, waxaana wariyahaheena caalamiga ah ee ugu weyn, Lyse Doucet, ka warbixinaysaa cidda u noqon karta hogaamiyaha Iiraan xiga.

    Qoraalka Muuqaalka, Who will be Iran's next supreme leader?
  11. War deg deg ah, Kuwait oo la tacaalaysa hirar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn – ciidamada

    Ciidamada qalabka sida ee Kuwait ayaa soo sheegay in ay la tacaalayaan hirar weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

    War lagu baahiyay barta X, ciidanka Kuwait ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan oo joojin doonaan weerarradan.

  12. Trump waxa uu u maamuley wadahadallada sidii “gorgortan guri” – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran

    Abbas Araghchi

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Abbas Araghchi

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiran, Abbas Araghchi, ayaa ku eedeeyay Donald Trump in uu “miiska wadahadalka uu ugu tuuray si ula kac ah”, sida uu ku sheegay qoraal cusub oo uu soo dhigay barta bulshada.

    “Marka wadahadallo nukliyeer oo adag loo maamulo sidii gorgortan guri, isla markaana been weyn ay mugdi ku samayso xaqiiqooyinka, filashooyinka aan macquulka ahayn marnaba lama gaari karo,” ayuu yiri.

    Araghchi wuxuu intaa ku daray in Trump uu “diblomaasiyadda iyo dadka Mareykanka ee doortay uu khiyaamay.”

  13. War deg deg ah, Mareykanka iyo Kurdida oo ka wada hadlay hawlgal lagu qaado Galbeedka Iiraan

    Sida aan kasoo xiganay Reuters Ciidamada Kurdida Iiraan ayaa maalmahan la tashanaya Mareykanka iyaga oo ka wada hadlaya in la weeraro ciidamada ammaanka ee Iran qaybta galbeed ee dalka iyo sida loo fulin lahaa, sida ay sheegeen saddex ilo oo xog-ogaal ah.

    Isbahaysiga kooxaha Kurdida Iiraan ee jooga xuduudka Iiraan iyo Ciraaq, gaar ahaan gobolka ismaamul-hoosaadka ah ee Kurdistaan ee Ciraaq, ayaa qaatay tababar ay k ugali karaan dagaal noocaas oo kale ah, iyaga oo rajeynaya in ay daciifiyaan ciidamada milatari ee dalka, iyadoo Mareykanka iyo Israa’iil ay bartilmaameedyo Iiran ku garaacayaan bombo iyo gantaallo.

    Ujeedadu waxay ahaan lahayd in la abuuro fursad ay muwaadiniinta Iiran ee ka soo horjeeda dowladda ay kacaan, maadaama Hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei iyo mas’uuliyiinta kale ee sare la dilay tan iyo markii weerarka Mareykanka-Israa’iil uu bilaabmay Sabtidii, sida ay sheegeen laba ka mid ah ilahaasi.

    Ilaha ayaa intaa ku daray in go’aan kama dambeys ah aan weli laga gaarin hawlgalkan iyo waqtiga uu dhici karo, iyagoo ka hadlay shuruudaha qarsoodiga ah si xor ah uga warbixiya qorshaha milatari ee xasaasiga ah.

  14. Isbahaysiga dagaalka Netanyahu iyo Trump oo wajahaya imtixaan adag

    Netenyahu iyo Trump

    Xigashada Sawirka, REUTERS/Jonathan Ernst

    Qoraalka sawirka, Netenyahu iyo Trump

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa fuliyay hamigiisii ahaa in uu hoggaanka Iiran uu rido, laakiin iswaafajintiisa dhow ee uu la leeyahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaysa imtixaan, iyadoo olole milatari oo wadajir ah uu halis ugu jiro inuu sii socdo, isla markaana ujeedooyinkiisu ay isbeddeli karaan toddobaadyada soo socda.

    Ujeedada Mareykanka ayaa ahayd in la burburiyo gantaallada iyo ciidamada badda ee Iiran, isla markaana laga hortago in ay hesho hub nukliyeer ah. Madaxa Pentagon-ka, Pete Hegseth, ayaa isla maalintaas shir jaraa’id ku sheegay in hawlgalku uusan ahayn “dagaal loogu talagalay beddelidda maamulka.”

    Dhanka kale, Netanyahu ayaa si toos ah ugu baaqay muwaadiniinta Iiran inay wadooyinka u soo baxaan oo ay ka tuuraan hoggaamiyayaashooda, isagoo xitaa Isniintii habeenkii yiri: “Waxaan abuuri doonnaa xaaladaha, marka hore, si shacabka Iran ay gacanta ugu dhigaan mustaqbalkooda,” sida uu u sheegay Fox News.

  15. War deg deg ah, Qarax ayaa laga maqlayaa Tehraan iyada oo Israa’iil ku dhawaaqday weerarro cusub

    Qarax weyn ayaa ka dhacay bariga Tehraan, sida ay sheegayaan warbaahinta dowladda Iiraan iyo wariyeyaasha wakaaladda wararka ee AFP ee kasoo waramaya magaalada.

    Arrintan ayaa timid iyadoo Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay ku dhawaaqeen in ay bilaabeen weerarro ballaaran oo hawada ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo la xiriira maamulka magaalada.

    Wararka ayaa tilmaamaya in qaraxyadani ay qayb ka yihiin hawlgallada milatari ee Israa’iil iyo Maraykanku ka wadaan Iiraan, kuwaas oo ay ku jiraan duqeymo lagu bartilmaameedsanayo xarumo milatari iyo goobaha maamulka.

  16. Suudaan oo ku eedeysay diyaaradaha (drone-ka) ee kasoo kacaya Itoobiya dhibaato ku hayaan dalkeeda

    Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn

    Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn

    Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo.

    Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay.

    Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale.

    Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

  17. War deg deg ah, Diyaarad ayaa lagu soo riday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad

    Diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ayaa lagu soo riday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad maanta oo arbaca ah, sida ay werisay AFP iyadoo soo xiganaysa laba ilo oo amni.

    Sida ku cad wararka, ma jiraan wax khasaare naf ama hantiyeed ah oo lasoo sheegay.

    Garoonka ayaa ku dhex yaalla saldhig ciidan oo martigeliya xarun diblomaasiyadeed oo Mareykan ah, waxaana horey u deggenaa ciidammo isbahaysi uu hoggaaminayay Mareykanka.

    Ciraaq waxay sheegtay inaysan doonayn inay ku lug yeelato dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, balse kama aysan badbaadin saameynta dagaalkaas.

  18. War deg deg ah, Aaska Khamenei iyo Israa’iil oo ku goodinaysa dilka qofka beddeli doona

    Ayatollah Ali Khamenei

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ayatollah Ali Khamenei

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in maanta magaalada Tehraan lagu qaban doono munaasabad aaska Hoggaamiyihii sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei.

    Khamenei ayaa lagu dilay markii weerarro wadajir ah oo Mareykan iyo Israa’iil ah ay Sabtidii ku qaadeen Iiraan. Sida ay warbaahinta dowladda sheegtay, munaasabadda ayaa bilaaban doonta 18:30 GMT, waxayna socon doontaa saddex maalmood ka hor inta aan la qaban socodka janaasada.

    Wargeyska New York Times ayaa, isaga oo soo xiganaya mas’uuliyiin Iiraani ah, ku warramay in wiilka Khamenei, Mojtaba Khamenei, uu noqday musharraxa ugu horreeya ee hoggaamiyaha sare cusub loo dooran karo — iyadoo go’aanka laga yaabo in la gaaro xitaa subaxnimadan.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku dhawaaqay in qof kasta oo beddela oo sii wada “qorshaha lagu burburinayo Israa’iil, ee hanjabaada ku ah Mareykanka” iyo “caburinta shacabka Iiraan” uu noqon doono “bartilmaameed si cad loo beegsanayo oo la cirib tirayo.”

  19. War deg deg ah, Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

    Dena (lambarka 75)  oo maraya Brazil sannadkii 2023

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dena (lambarka 75) oo maraya Brazil sannadkii 2023

    Ciidamada badda iyo hawada ee Sri Lanka ayaa loo diray inay badbaadiyaan ciidamada ilaalada xeebaha Iiraan oo diray wicitaan gurmad deg-deg ah kadib markii markabkoodu ku bilaabay inuu quuso agagaarka jasiiradda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sri Lanka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda, Vijitha Herath, ayaa baarlamaanka u sheegay in calaamad deg-deg ah oo ka timid markabka “IRIS Dena” la helay waaberigii. Waxaa la sheegay in 180 qof ay saarnaayeen markabka.

    Herath ayaa intaa ku daray in 30 ka mid ah ciidamada badda dhaawacmeen lana geeyay isbitaal ku yaalla dekedda Galle ee Sri Lanka.

    Sababta quusidda markabka lama oga weli. Xildhibaanno mucaarad ah ayaa weydiyay in markabka la qarxiyay qayb ka mid ah weerarada Mareykanka–Israel ee ka dhan ah Iran, laakiin jawaab rasmi ah weli lama bixin.

  20. War deg deg ah, Aaway saaxiibadii Iiraan ee Shiinaha iyo Ruushka?

    Iyadoo UK ay u ogolaatay Washington in ay u isticmaasho saldhigyadeeda hawada "difaaca" weerarrada inta lagu guda jiro dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, ayaa waxaa indhaha lagu hayaa taageerada ay Tehran dibadda ka heli karto.

    Ruushka iyo Shiinaha labaduba waxay xiriir diblomaasiyadeed, ganacsi iyo mid militari la leeyihiin Jamhuuriyadda Islaamiga ah, laakiin khilaafka hadda jira ayaa diiradda saari doona ilaa inta ay doonayaan inay taageeraan.

    Hoos ka akhri warbixino kale