Maxamed Pakpour, kumuu ahaa taliyihii ku hanjabay in Israa'iil uu "albaabbada naarta" u furi doono ee lagu dilay weerarka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta Iiraan ayaa xaqiijisay dilka Sarreeye Guud Maxamed Pakpour, oo ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC).
Maalintii koowaad ee Dagaalkii 12ka Maalmood , oo ku beegnayd Juun 23, 2025, ka dib dilkii Hossein Salami, Mohammad Pakpour waxaa heerka darajada looga dallacsiiyay Janaraal loona dallac siiyay Sarreeye Guud, isagoo noqday Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka.
Isla maalintaas, Sarreeye Guud Mohammad Pakpour wuxuu warqad u qoray Cali Khamenei isagoo yiri: "Si loo fuliyo ballan-qaadkii Imaamkeenna aan jecelnahay iyo qaaciddadiisii, loogana aarguto dhiigga taliyeyaashii, saynisyahannadii, iyo dadkii dhiiggooda u hibeeyay dalka, albaabbada naarta ayaa dhowaan loo furi doonaa nidaamkan carruurta xasuuqa."
Siddeeddii bilood iyo maalmihii yaraa ee uu ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka, wuxuu had iyo jeer xoogga saari jiray u diyaargarowga dagaalka, horumarinta awoodda gantaallada, iyo hanjabaadaha tooska ah ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa'iil.
Mohammad Pakpour wuxuu dhowr jeer ka digay in ciidamada IRGC ay joogaan "heerka ugu sarreeya ee diyaargarowga" iyo in "farteennu ay saaran tahay kiciyaha gantaalka," isagoo sheegay in khalad kasta oo ay sameeyaan Washington ama Talaabiib ay kala kulmi doonaan jawaab degdeg ah.
Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay joogto meeshii ugu sarreysay ee awooddeeda is-difaaca, uuna jawaab "ka daran kana burbur badan" bixin doonto haddii mar kale la soo weeraro. Pakpour ayaa xitaa uga digay in haddii hanjabaaduhu sii socdaan, Iiraan ay "dagaalka ka sii bilaabi doonto halkii uu uga joogay" isla markaana aysan u naxariisan doonin kuwa soo weeraray.
Khudbadihiisa iyo farriimaha rasmiga ah, wuxuu xoogga ku saaray horumarinta teknoolajiyadda milatariga, oo ay ku jirto awoodda gantaallada iyo adeegsiga teknoolajiyadda dagaalka ee casriga ah. Wuxuu ku sifeeyay Dagaalkii Labo-iyo-tobanka Maalmood inuu ahaa "dagaal teknoolajiyadeed" oo ay Iiraan la kulantay isbahaysi ka kooban quwado caalami ah.
Mawqifyada gobolka, Mohammad Pakpour wuxuu sidoo kale ka hadlay ballaarinta iskaashiga milateri ee lala leeyahay xoogagga xulafada la ah ee gobolka, isagoo ku adkeeyay in "dhidibka iska caabintu" ay sii wadayaan ka hortagga "cadawga gobolka."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guud ahaan, muddadii koobnayd ee Mohammad Pakpour uu ahaa taliyaha IRGC-da waxaa weheliyay hadallo kulul oo dagaal iyo hanjabaad xambaarsan; hadalladaas oo ku billowday ballanqaadkii ahaa "furitaanka albaabbada cadaabta" maalintiisii ugu horreysay ee xilka, ilaa laga gaaro muddadiii ugu dambeysay ee hoggaanka IRGC-da, isagoo mar walba xoogga saarayay u diyaargarowga iska horimaad milateri.
20-kii Maajo, sanadkii hore, xilligaas oo Mohammad Pakpour uu ahaa taliyaha Ciidanka Dhulka ee IRGC, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya "shirka maamulka raadinta" si loo helo Ebrahim Raisi iyo saaxiibbadiis, kaas oo dhaliyay falcelin badan. Shirkan, Mohammad Pakpour, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee IRGC, iyo Hossein Salami, oo ahaa taliyihii hore ee IRGC, ayaa diiradda saarayay khariidad warqad ah oo muujinaysa goobta ay helikobtertu ku burburtay iyagoo baaraya fursadaha jira, waxaana dhaleeceyn loo soo jeediyay qaabka iyo hab-maamuuska uu shirkaas u dhacay.

Xigashada Sawirka, ETEMADONLINE
Maxamed Pakpour billow ilaa dhammaad
Jeneraal Maxamed Pakpour, oo ku dhashay magaalada Arak ee dalka Iiraan sannadkii 1961-kii, wuxuu ahaa taliye muddo dheer ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC). Ka hor intaan loo magacaabin taliyaha guud ee ciidanka, wuxuu muddo 16 sano ah ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga. Pakpuur wuxuu door firfircoon ka qaatay qalalaasihii amniga ee horraantii kacaankii Iiraan, gaar ahaan Kurdistan. Intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, wuxuu ahaa taliyaha cutubka gaashaaman ee IRGC, dagaalka ka dibna, wuxuu la wareegay taliska Qaybta 8-aad ee Najaf Ashraf iyo Qaybta 31-aad ee Ashura. Waxaa kale oo uu ku dhaawacmay dagaalkii, wuxuuna ka mid ahaa taliyayaasha khibradda u leh dagaalka rasmiga ah iyo kan jabhadeynta.
Dagaalka ka dib, Pakpuur wuxuu qabtay mas'uuliyado badan oo ka dhex jiray qaab-dhismeedka taliska IRGC, oo ay ku jiraan taliska saldhigyada Nusrat iyo Shomal, ku-xigeenka madaxa hawlgallada guud ee IRGC, iyo madaxa shaqaalaha ee Ciidanka Dhulka. Sannadkii 2009-kii, isagoo amray Cali Khamenei, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada dhulka ee IRGC. Muddadaas, wuxuu horumariyay cutubyo gaar ah, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray amniga xudduudaha iyo ka hortagga "hanjabaadaha gudaha iyo kuwa gobolka."
Wuxuu haystaa shahaadada mastarka ee juqraafiga oo uu ka qaatay Jaamacadda Tehran iyo dhakhatarnimo (PhD) dhanka juqraafiga siyaasadda ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Tarbiat Modares. Wuxuu ka helay Shahaadada Guusha, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, wuxuuna ka mid ahaa taliyayaasha magacyadooda ku qoran liiska cunaqabataynta Mareykanka. Sannadkii 2021, Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku soo rogay cunaqabatayn doorkii uu ku lahaa caburinta mudaaharaadyadii Noofambar 2019 dartood.
Wareysiyadiisa iyo faallooyinkiisa, Maxamed Pakpuur wuxuu xoogga saaray arrimo ay ka mid yihiin baahida loo qabo u diyaar garowga dagaalka isku-dhafka ah iyo doorka IRGC ee ilaalinta amniga gudaha. Wuxuu kaloo ahaa u-doodaha ugu weyn ee doorka IRGC ee qaybaha rayidka.













