Maraykanka oo markii ugu horreysay u adeegsaday Iran diyaarad aan duuliye lahayn oo u ek "Shahed"

Xigashada Sawirka, US CENTCOM
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan CENTCOM ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku u adeegsaday dagaalka Iran diyaarado cusub oo masaafo dheer gaaraya. Diyaaradahan ayaa qaab-dhismeed ahaan la mid ah kuwa Iran sameyso ee loo yaqaan "Shahed".
Marka la eego sawirada la qaaday, waxaa suuragal ah in diyaaradahan ay ku qalabeysan yihiin qalab isgaarsiineed oo dayax-gacmeed-ka ku xiran.
Falanqeeyayaal badan ayaa diyaaraddan qiimaha yar lagu sameeyay ee loo yaqaan "Lucas" ku tilmaamay "koobi sharcidarro ah oo laga sameeyay Shahed-136", waxayna aaminsan yihiin in diyaaraddan lagu sameeyay hab loo yaqaan "farsamada koobiyeenta," taas oo micnaheedu yahay in la sameeyay diyaaraddan kaddib markii la baaray diyaarado burburay.
Ugu yaraan dhinaca qaab-dhismeedka, waxaa jira isku ekaansho iyo sida matoorka u sameysan yahay.
Mareykanku si rasmi ah ayuu u xaqiijiyay markii ugu horreysay isticmaalka diyaaradahan lagu weeraray Iran, balse ma uusan sheegin adeegsiga qalabka dayax-gacmeedka ee ku jira qaab-dhismeedkeeda.
Sidoo kale lama oga nooca saxda ah ee qalabka lagu rakibay diyaaradaha Lucas. Diyaaradahan ayaa istcmaal shabakadda internetka ee Starlink.

Xigashada Sawirka, US CENTCOM
Adeegsiga diyaarado ku qalabeysan qalab isgaarsiineed oo ku xiran dayax-gacmeedka ayaa u oggolaanaya in la xakameeyo diyaarada inta ay hawada ku jirto. Haddii diyaaradda lagu rakibo kaamero, hagiddaas waxaa lagu sameyn karaa muuqaal toos ah.
In la carqaladeeyo signallada dayaxgacmeedka ma ahan mid sahlan. Duuliyaha haga diyaaradahan waxa uu ku duulin karaa joog hoose si uu uga fogaado in radaarada qabtaan. Tani waxay aad u adkeyneysaa in la qabto ama la burburiyo diyaarad noocaan ah.
Nidaamkan lagu kordhiyay drone-ka waxa uu kor u qaadayaa awoodda diyaaradda, isla markaana wuxuu xoojinayaa saxnaanta hawlgalka iyo madax-bannaanida diyaarada.
Khibraddii laga helay Ruushka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Diseembar, ciidamada Ruushka ayaa diyaarado ku qalabeysan Starlink u adeegsaday dagaalka Ukraine.
Serhiy Beskrestov, oo ah la-taliyaha wasiirka difaaca Ukraine, ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo sheegay in la xaqiijiyay weeraro loo adeegsaday Starlink.
"Maxay tahay khatartu? Qiyaas diyaarad qofka hagaya uu jooga gudaha Ruushka kaas oo toos ula socda meesha ay mareyso diyaarada. Dhammaanteen waxaan ognahay in Starlink u si fiican u shaqeyso oo uu leeyahay awood uu ku diro sawirro iyo hagid sax ah. Sidaas darteed tani waa mid ka mid ah caqabadaha aan wajaheyno oo ay tahay in aan wax ka qabanno," ayuu yiri.
Horraantii bishii Febraayo, Wasaaradda Difaaca ee Ukraine waxay heshiis la gashay soo-saaraha diyaaradan si loo joojiyo qalabka isgaarsiineed ee dayax-gacmeedka ee aan ka diiwaangashneyn Ukraine.
Ciidamada Ruushka ma aysan lumin oo kaliya awooddii ay ku adeegsan lahaayeen diyaaradaha wata qalabkan, balse sidoo kale waxay lumiyeen helitaanka internet-ka meelo badan oo jiidda hore ah, maadaama Starlink ay bixiso isgaarsiin ay adeegsadaan cutubyo badan oo Ruush ah.
Ruushku ma awoodo in uu beddelo isgaarsiinta dayax-gacmeedka ee Starlink maadaama uusan haysan nidaam dayax-gacmeed oo la mid ah.
Shirkad gaar loo leeyahay oo Ruush ah oo lagu magacaabo Boro 1440 ayaa sameyneysa dayax-gacmeedyo isgaarsiineed oo ku wareega meeraha hoose kuwaas oo la mid ah kuwa Starlink. Shirkaddu waxay qorsheysay in ay bilowdo dirista dayaxgacmeedyadii ugu horreysay sanadkii hore ee 2025, balse qorshahaas ma shaqeyn.
Waa kuwo raqiis ah oo badan
Ma jiro macluumaad guud oo ku saabsan cidda markii ugu horreysay la timid fikradda ah in qalabka Starlink lagu rakibo diyaaradahan dorenska.
Markii ugu horreysay 15-kii Disembar sanadkii hore ee 2025, Sergey Beskrestov, oo ah khabiir sare, una dhashay Ukraine ayaa ku dhawaaqay in la helay diyaarad Ruush ah oo ku qalabeysan Starlink.
Laba toddobaad ka hor, 3-dii Diseembar, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sii daayay sawirro muujinaya diyaaradaha Lucas oo dhammaystiran, kuwaas oo ay ku rakiban yihiin qalab u eg kuwa Starlink.
Si kastaba ha ahaatee, fikradda ku saabsan isticmaalka diyaarado weerar oo jaban asal ahaan waxay ka timid Iran iyo Ruushka.
Ruushku wuxuu bilaabay in uu Ukraine weeraro sanadkii 2022 isagoo adeegsanaya diyaaradaha Iran ee "Shahed", kuwaas oo uu ugu magac daray "Geranium-2", wuxuuna si joogto ah u kordhiyay soo saarista qalabkan.
Marka laga reebo waxyeellada tooska ah ee ay droneskan gaarsiiyaan bartilmaameedyada, diyaaradahan weerarka ah waxay sidoo kale ku khasbaan radaarada difaaca in ay lacag badan ku bixiyaan gantaalada looga hortago.
Mararka qaarkood, kharashka ku baxa soo rididooda ayaa ka sarreeya qiimaha ay ku fadhiyaan diyaaradahan drones-ka.
In diyaaradahan qiimahoodu uu jaban yahay waxaad ka arki kartaa magaca ay Mareykanku u bixiyeen oo ah "Diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ee qiimahoodu jaban yahay". Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, sameynta halkii diyaarad waxaa ku baxaya qiyaastii $35,000.
Si loo adeegsado diyaaradahaan, cutub gaar ah ayaa laga sameeyay Mareykanka, waxaana loo diray Bariga Dhexe iyadoo loo bixiyay magac gaar ah.













