Kumuu ahaa Ayatollah Cali Khamenei, oo lagu dilay duqayn Maraykanka iyo Israel ka fuliyeen Iiran?
Xigashada Sawirka, AFP
Telefishinka Qaranka Iiran, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in la dilay hoggaamiyihii sare ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei. Ilmada oo ka qubanaysa ayuu wariye ka tirsan TV-ga dowladda oo ku dhawaaqay geerida Khamenei iyo dalku uu geli doono 40 maalmood oo baroordiiq ah.
Mar sii horreysay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran Cali Khamenei, qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.
"Khamenei, mid ka mid ah dadka ugu xun taariikhda, waa dhintay. Tani ma aha oo kaliya mid Cadaalad u ah shacabka Iiraan, laakiin sidoo kale waa mid Cadaalad u ah dhammaan Mareykanka weyn, iyo dadka ka soo jeeda dalal badan oo adduunka ah, kuwaas oo uu Khamenei iyo kooxdiisu ku dilay ama ku dhaawacay." sida uu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.
Maraykanka iyo Israa'iil ayaa weerarro ku qaaday Iran, iyagoo mar kale meesha ka saaray wada xaajoodkii barnaamijka nukliyeerka ee Iran, waxayna sare u qaadeen su'aalo ku saabsan dadaallada lagu bartilmaameedsanayo amniga iyo hoggaanka dalkaas.
BBC-da qeybteeda Verify ayaa heshay sawirro dayax-gacmeed oo laga qaaday Tehraan, kuwaas oo muujinaya burbur weyn oo soo gaaray qayb ka mid ah guriga hoggaamiyaha, ahna xafiiska Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.
Xigashada Sawirka, Airbus
Kumuu ahaa Khamenei?
Wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan Iran ee Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.
Wuxuu ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Wuxuuna lahaa awooda amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa.
Ayatollah Khamenei wuxuu sidoo kale oo uu gacanta ku hayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabbinta Basij.
Sidoo kale, wuxuu ahaa qofka ugu awoodda badan marka ay timaaddo amarrada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.
Ninakn oo 86-jir ahaa ayaa ahaa caalim ahaana hogaamiyaha ugu sareeya Iran tan iyo 1989-kii, isagoo bedelay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee geeriyooday, Ayatollah Ruhollah Khomeini, oo ka soo laabtay masaafuristii, wuxuuna waday kacaankii Iran ee 1979-kii ee afgambiyey xulafadii Mareykanka iyo Shah, Mohammad Reza Pahlavi. Wuxuu uu awood u lahaa dhammaan laamaha dowladda, ciidamada iyo garsoorka, isagoo sidoo kale u dhaqmayay sidii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muddadii 36-ka sano ahayd ee uu ku xukumayey magaca Islaamka, waxa uu waday siyaasado ka dhan ah Maraykanka iyo reer galbeedka, isaga oo ku tiirsanaa badbaadada Ruushka iyo Shiinaha. Wuxuu ku dhaqaaqay siyaasad nukliyeer ah oo oo dalka u sababtay cunaqabataynta caalamiga ah ee labaad ee ugu cuslayd taariikhda kadib Ruushka, taas oo dalka ka dhigtay mid faqiir ah.
Isku daygiisa uu ku doonayay in uu awood ku yeesho Bariga Dhexe ayaa dab qabadsiiyay gobolka. Baaqiisa ku aaddan burburinta Israa'iil waxay horseedeen dagaallo lala galo Israa'iil.
Mudaaharaadyadii ugu dambeeyay, Ayatullah Khamenei ayaa u fasaxay ciidamada ammaanka si ay u xasuuqaan dibadbaxayaasha.
Xiritaanka Internetka ee dalka Iran ayaa adkeynaya in si cad loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhiigga daadanayaybalse kumannaan qof ayaa ciidamada ammaanku ku laayeen, ma ahan oo kaliya magaalooyinka iyo tuulooyinka, taasoo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay dibadbaxyada.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Cali Khamenei waxa uu ku dhashay magaalada Mashhad ee waqooyi bari sanadkii 1939-kii, waana wiil uu dhalay caalim dhanka diinta ah, Cali Khamenei waxa uu wax ku bartay machadyo ku yaalla magaaladii uu ka soo jeeday ka hor inta uusan u wareegin magaalada Qom ee ay Shiicada barakeystaan.
Sannadkii 1962-kii, waxa uu ku biiray dhaqdhaqaaqa mucaaradka diineed ee Ayatollah Khomeini ee ka soo horjeeday Shah Mohammad Reza Pahlavi.
Cali Khamenei oo da'da yar wuxuu noqday taageere daacad u ah Khumeyni. Sida laga soo xigtay xogtiisa, wax kasta oo uu sameeyay oo uu aaminsanaa waxay ka soo jeedaan aragtida Khumeyni ee Islaamka.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo