Bohosha Madow: Xog laga helay god weyn oo hawada sare lagu arkay

Black hole

Xigashada Sawirka, EHT

Khubaro cirbixiyeenno ah ayaa soo bandhigay sawirkii ugu horreeyay ee abid laga soo qaado god madow oo lagu arkay hawada sare.

Godkan oo lagu magacaabay "Sagittarius A*" ayaa afar milyan oo jeer ku labanlaabmaya cufka Qorraxda.

Marka aad sawirka eegto waxaad argaysaa in qaybta dhexe ay madow tahay, halkaasoo ah meesha uu godku ku yaallo, waxaana ku wareegsan iftiinka ka imaanaya gaaska aadka u kulul ee uu sawirku qabtay.

Cabir ahaan, godkan wareegsan waxa uu la eg yahay qiyaasta uu ku fadhiyo meeraha Mercury-ga ee ku hareereysan xiddigaha.

Qiyaastaasi waa ilaa 60 milyan oo kiiloo mitir ama 40 milyan oo mayl oo isdhaaf ah.

Nasiib wanaag waxan cabsida leh aad iyo aad ayuu u fog yahay - waxa uuna jiraa 26,000 oo sanadilays (meel uu iftiinku u safri karo 26,000 oo sano) - sidaas awgeedna suurtagal ma aha in uu khatar na geliyo, sida ay cirbixiyeennadu sheegeen.

Sawirka laga soo qaaday waxaa shaaciyay koox caalami ah oo lagu magacaabo iskaashatada Event Horizon Telescope (EHT).

Kani waa sawirkii labaad ee noocan ah oo ay soo bandhigaan kaddib markii ay sanadkii 2019-kii soo saareen sawir kale oo laga soo qaaday god madow oo ku dhex yaalla meere kale, kaasoo lagu magacaabo Messier 87, ama M87.

Sheygaas waxa uu kun jeer ka waynaa kan hadda lasoo sawiray, waxaana uu 6.5 milyan ka weynaa cufka qorraxda.

Galactic centre

Xigashada Sawirka, ESO/S.Gillessen et al

Qoraalka sawirka, Xiddigaha ku wareegta meel u dhow godka madow ee Sgr A* waxay ku socdaan xawaare layaab leh

"Balse sawirkan waa mid khaas ah, sababtoo ah kani waa godkeenna madow ee aadka u wayn," ayuu yidhi Barfasoor Prof Heino Falcke, oo ka mid ah khubarada reer Yurub ee gacanta ku haya mashruuca EHT.

"Kani waa mid 'dusheenna jooga', haddii aad doonayso inaan fahanto sida ay u shaqeeyaan godadka madow-na, kani waa midka kuu sheegi doona wax kasta, sababtoo ah waxaan ugu jeednaa si faahfaahsan," ayuu BBC-da ku yidhi seynisyahankan u dhashay waddanka Jarmalka, kana tirsan macallimiinta Jaamacadda Radboud Nijmegen.

Godka madow ee lagu magacaabo Sagittarius A*, ama loo soo gaabiyo Sgr A*, waxa uu dhulka u jiraa 26,000 sano oo masaafaha iftiinka ah, waana shey yar oo ku dhex yaalla cirka. Si toos loogu arko wax noocaas ah waxaa loo baahan yahay qalab aad u tayo badan.

Mashruuca EHT waxa uu adeegsaday xeelad lagu magacaabo bartilmaameedsiga aadka u fog (VLBI).

Sawirka ayaa loo yaaqadaa si ballaadhan oo loo adeegsanayo qalabka waxyaabaha fog lagu arko ee loo yaqaanno "telescope".

JWST artwork

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Farshaxan: Qalabka waxyaabaha fog lagu arko ee shirkadda James Webb waxa uu daraasayn doonaa agagaarka Sgr A*

Habkan waxa uu mashruuca EHT u suurtagelinayaa in hal dhinac laga sawiro cirka kaddibna lasii kala shaandheeyo.

Kooxda khubarada ah ee ka howl gasha EHT waxay sheegeen in sheygani uusan lahayn hab si sax ah loo tilmaami karo.

Waa maxay godka madow?

  • Godka madoobi waa meel ka mid ah hawada sare oo aan waxba ka gudbi karin, xataa ilaysku
  • Walow magacu tilmaamayo god, hadana ma aha kuwo madhan ee waxa ka buuxa maatar badan oo bed yar aad ugu cufan, waxaanay taasi siisay cuf jiidad aad u badan.
  • Meeshani waa meel ka shishaysa godka madow oo la yidhaa Event Horizon. Goobtaasina waa "barta aan laga soo noqon" oo ay adag tahay in cuF jiidadkeda laga muruxsado.
Qoraalka Muuqaalka, Waxaa loo malaynayaa in godkan uu ka daboolan yahay dhinaca sare

Haddii sawirkan cusub lala barbar dhigo kii hore ee M87, waxaa laga yaabaa inaad iswaydiiso waxa uu uga duwan yahay. Balse waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo ay ku kala duwan yihiin.

"Maadaama Sagittarius A* uu yahay mid aad uga yar godka kale ee 2019-kii la arkay - waxa uu ka yar yahay qiyaastii kun jeer - muuqaalkiisa sida faraantiga u samaysan ayaa sidoo kale kun jeer ka deg deg badan waqti ahaan," ayuu ku yiri sharraxaad ayuu ka bixiyay Dr Ziri Younsi oo xubin ka ah kooxda seynisyahannada ah, barena ka ah xarunta waxbarasho ee University College London ee ku taalla waddanka UK.