3 qodob oo ku saabsan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee Deni iyo Karaash
Iyadoo khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa uu cirka isku sii shareerayo ayaa madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxa uu maanta tegay magaalada Gaalkacyo si uu u xalliyo iska hor imaad todobaadkii hore halkaa ka dhacay oo sababay in uu dhaawacmo nabadoon afur u samaynayey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Axmed Karaash iyo Siciid Deni ayaa baraha ay bulshadu ku wadaxiriiraan waxa ay tan iyo shalay isku weydarsanayeen qoraallo ay isku naqdinayaan.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa meel adag gaaray, kadib markii ay hawada isu mariyeen muran ku aaddan cidda awoodda u leh magacaabidda iyo xil ka qaadista mas'uuliyiinta maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa habeen hore saqdii dhexe bartiisa Facebook ku daabacay war qoraal ah oo uu ku sheegay in mas'uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland.
Dhanka kale Siciid Deni oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabista uu sameeyay Karaash.
Arrintaan ayuu Karaash u daliishaday qodobbo dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq dastuuri maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro. Waxa uu soo xigtay qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad.
Dastuurka Puntland muxuu ka qabaa fasiraadda labada hogaamiye ay ka kala bixinayaan qodobada ay cuskanayaan?
Saciid Cabdi Samatar oo horay uga mid ahaa Golaha sharci dejinta ee uu Puntland oo BBC-da la hadlay ayaa yiri:
"Dastuurka waa uu cad yahay oo waxaa waajib ah in labada mas'uul ay wada shaqeeyaan haddii ay kala maqan yihiin iyo haddii ay wada joogaanba taas oo macneheedu yahay haddii uu madaxweynaha joogo waxaa waajib ku ah inuu la tashto madaxweyne ku xigeenka sidoo kale haddii madaxweynaha uu maqan yahay waxaa ku xigeenka waajib ku ah inuu la tashto madaxweynaha sababtoo ah hadda adduunka waxaa aad u fudud in la wada xiriiro."
Dhanka kale Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodobka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxweynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo.
"Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u lahaa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, maaddaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashquulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duruufo aad u badan ayayna leedahay, madaxweynaha kama wadi karo halkaas," ayuu yiri.
Arrintan oo kale waxay Puntland ka dhacday xilligii Cabdullaahi Yuusuf, sidee ayaa loo xalliyay?
Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay xilligaasi uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxayay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, in madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi uu xilka sii hayay.
"Howsha dowladda isaga ayaa waday, ilaa xad wasiirrada qaarkood uu shaqada ka qaaday, oo qaar kale uu ku beddelay qaar kalena uu meel kale geeyay oo dalka shaqadiisu si toos ah ayay u socotay." Ayuu yiri siyaasi Cali Xaaji Warsame.
Khilaafkii horey u dhexmaray labada mas'uul
Intii lagu guda jiray Sanadkii 2020-kii Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo shaaciddiisa kohor la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Khilaafkooda ayaa salka ku hayay xilligaas kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas'uul.
Karaash ayaa ku eedeeyay waqtigaas Deni in aanu kala tashan magacaabis uu sameeyay oo isugu jirtay taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay maalmihii khilaafku taagnaa BBC-da laanta Af-Soomaaliga ayaa sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan saalanta iska qaadin llabadoodu kuwaa oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.
Khilaafka labada nin ayaa baryahaas bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishii May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabistii taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.
"Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah," ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.
Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay xilligaas ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January sanadkii 2019-kii.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo