Maxay ragga jirdhiska sameeya u isticmaalaan maaddooyinka murqaha kobciya?

Josh Bridgman muddo 3 sano ah ayuu isticmaalayay daawada steroids

Xigashada Sawirka, Josh Bridgman

Qoraalka sawirka, Josh Bridgman muddo 3 sano ah ayuu isticmaalayay daawada steroids

Halista dhanka caafimaadka ee lala xiriiriyay qaadashada daawada murqaha dhista ee steroids ayaa ah mid ballaaran oo si weyn loo diiwaangeliyay sida dhalmo la'aanta, tababar darri ku timaadda xubinta taranka ee ragga, qabatinka iyo bidaarta, sida laga soo xigtay waaxda adeega qaran ee Ingiriiska.

Inkasta oo laga digay tani, hadana waxaa jiraa in ka badan hal milyan oo qof oo u badan rag oo daawada steroid ku isticmaasha gudaha UK, sida laga soo xigtay hay'adda ka hortagta dawooyinka sare u qaada tamarta.

Josh Torrance oo ah cilmi baare ayaa sanado badan ku qaatay in uu daraasaad ku sameeyay suuqyada iiibiya daroogada mamnuuca ah, xilli uu ku howlanaa shaqadan wuxuu arkay dhalinyaro badan oo saaxibadood ay kula taliyeen inay qaataan daroogada.

Josh Torrance oo cilmiga PHD-ga ka dhigta jaamacadda Bristol ayaa sheegay in baraha bulshada ay ka qeyb qaateen isticmaalka daawooyinka kala dysmorphia iyo steroid

Mr Torrance wuxuu yiri bulsho ahaan, "waxaan u baahanahay inaan si dhab ah wax uga qabano [dysmorphia] haddii aan rajo ka qabno inaan ragga dhallinyarada ah ku qancinno inaysan bilaabin qaadashada steroids marka horeba".

Josh Bridgman oo ku nool London oo sanadkii 2019 bilaabay qaadashada dawooyinka tamarta kordhiya ayaa BBC u sheegay in dhibaatada ay ka dhalato balse uu jirkiisa u hurayo si uu u kobciyo murqahiisa.

Josh Bridgman wuxuu sheegay in 90% asxaabtiisa ay isticmaalaan daawadan

Xigashada Sawirka, Josh Bridgman

Qoraalka sawirka, Josh Bridgman wuxuu sheegay in 90% asxaabtiisa ay isticmaalaan daawadan

Wuxuu BBC u sheegay, "Weydii qof ciyaaryahan kasta oo ka qeybgala Olympic, waxay kuu sheegayaan in 'waa in aad naftaada u hurtid'

Mr Bridgman waxa uu sheegay in uu baaray dawooyinka uu qaadanayo, waxaa uu qaatay cuntooyin.

Dad badan uu cilmi baaristiisa ku wareystay Josh Torrance, ma qabtaan wax jimicsi ah sida kaxeynta baaskiil, halka dadka ay iska joojiyeen qaadashada daawooyinka muddo dheer si jirkoodu uu usoo kabsado.

"Dadka murqahooda dhisa ma sameeyaan waxyaabihii looga baahnaa inay sameeyaan, sida ay qaatan cunto caafimaad leh maalintii iyo in wakhti ay ku qaataan jimicisga"

"Waxay dadaal ugu jiraan sidii ay jirkooda ku dhisi lahaayeen, haddii aad qaadato daawada Steroids ama aad qaadaninba dhisidda murqaha dadaal bey u baahan yihiin"

Sanadkii 2020-kii, warbixin ay soo saartay Emily Robinson, oo ah agaasimaha waxbarashada iyo istraatiijiyadda ee hay'adda UKAD ayaa lagu sheegay in isticaamlka khaldan ee daawada Steroid ay haatan halis caafimaad oo saameyneysaa bulshada.

Isticmaalka daawada Steroid waxaa ka dhashaa bidaarta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isticmaalka daawada Steroid waxaa ka dhashaa bidaarta
Presentational grey line

Halista ka dhalata daawada steroid

Hay'adda UKAD waxay sheegtay in cudurro dhowr ah ay ka dhashaan isticmaalka badan ee steroids.

  • Gynaecomastia (man-boobs)
  • Genitourinary (shrinking of testicles)
  • Tababar darri ku timaadda xubinta taranka.
  • Dhalmo la'aan
  • Wadno xanuun
  • Feyraska saameya dhiigga sida (HIV, hepatitis B, hepatitis C)
  • Xanuunka faalig.
  • murugo
  • Dagaal iyo qalalaase
Presentational grey line
Dad lagu qiyaasay hal milyan ayaa daawada steroid ku isticmaalaa gudaha UK

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dad lagu qiyaasay hal milyan ayaa daawada steroid ku isticmaalaa gudaha UK

Mr Bridgman wuxuu ka tirsan yahay qeyb kamid ah bulshada jir dhiska ee sida cad uga hadasha daawada steroids ee qofka ka caawiyo in murqahiisa ay kobcaan.

Waa sharci in la haysto oo la isticmaalo si kastaba ha ahaatee, waa sharci-darro in la haysto, la soo dejiyo ama la dhoofiyo steroids waa haddii la ogaado in aad ka ganacsaneyso.

Mr Bridgman waxa uu bilaabay tababarka miisaanka 10 sano ka hor waxa uuna ku andacoodey in in ka badan 90% asxaabtiisa ay qaadanayaan steroids.