Muxsin iyo doorashadii Qardho: "Xaaskeygaa ku riyootay anigoo ku guuleystay doorashada"

Qoraalka Codka, Muxsin oo ka hadlay guusha uu ka gaaray Qardho

Muxsin Cabdullaahi Xaaji, waxa uu dhawr sano ka hor ka mid ahaa dadka deggan xeryaha dadka soo barakacay ee ku nool magaalada Qardho, oo ka mid ahayd saddexdii degmo ee shalay ay ka dhacday doorashada golaha deegaanka ee Puntland oo qof-iyo-cod ahayd.

Muxsin waxaa loo doortay xubin ka mid ah golaha deegaanka ee Qardho.

Waxa uu sheegay in markiisii hore uusan fileyn in uu ku guuleysan karayo doorashada balse markii dambe uu dhiirigelin ka helay riyo ahayd in uu doorashada ku guuleysan doono, taa oo sida uu sheegay u rumowday Alle-bari badan kaddib.

"Aniga ma fileyn balse iyada oo doorashada ay ka dhiman tahay dhawr isbuuc baa aniga oo ka fikirahayo doorashada in aan ku soo bixi doono mise waayi doono, baa qoyskii aan la noolaa habeen habeennada ka mid ah waxay igu tiri waxaan ku riyooday adiga oo meeshaas joogo oo iska raaxeysanaya.

"Markii dambana anigana waan abshireystay, waan tukaday. Habeen Jimca ah bey ahayd ilaa iyo dhawr sunno ah baan tukaday, kaddibna waan isa siiyay oo xagga Ilaahey baan ka rajeeyay, ilaaheyna wuu ii hirgeliyay," ayuu yiri Muxsin.

Muxsin waxa uu ku dhashay magaalada Qalaafe ee dalka Itoobiya ka hor inta uusan u wareegin dalka Kenya, ka dib markii sida uu sheegay colaad sokeeye ay ka qixisay deegaankii uu ku dhashay.

Kenya ayuu inta badan ku qaatay waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed balse shan sano ka hor ayuu ku laabtay deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Qardho oo uu ka mid noqday dadka deggan xeryaha dadka soo barakacay.

Muxsin

"Qardho waxaan tagay shan sano ka hor. Waxaan ku dhashay Qalaafe oo Itoobiya ah. Qalaafe waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, waa la iga kaxeeyay, Kenya ayaan soo aaday.

"Kenya ayaan ka soo waxbartay ilaa iyo heer jaamacadeed ah ka dibna dib baa la ii soo celiyay, markii aan soo noqdayna toos waxan u soo aaday halkan", ayuu yiri Muxsin oo BBC-da la hadlay.

Muxsin waxa uu sheegay in dadka uu golaha deegaanka Qardho ku matalaya ee ku jira xeryaha dadka soo baracay ay aad ugu faraxsan yihiin guusha uu ka gaaray doorashadii dhawaan dhacday.

Wuxuuna ballanqaaday in uu ka shaqeynayo danahooda gaar ahaan sidii ay kaga bixi lahaayeen guryaha jiingadaha ah ee ay ku nool yihiin.

"Qorshaha koobaad oo aan ku han weynahay waxaa weeye, guryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha waa meel iska yara caddiban oo waxay ku nool yihiin sandaqado, marka qabowgana dhaxan ayey noqdaan, xilliyada kuleelka ahina kuleel ayey isu badalaan," ayuu yiri Muxsin.

Saddex bilood ka hor ayuu sida uu sheegay ku biiray urur siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu sheegay in uu ku soo dhaweeyay xisbigaasi.

Muxsin iyo taageerayaashiisa

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Muxsin wuxuu tilmaamay in shaqooyin dhawr ah uu ka soo qabtay magaalada Qardho muddadii uu ku noolaa halkaas.

"Horaantii aniga waxaan ahaan jiray nin tagsiila ah, marna waxaan ahaan jiray nin iskool gaar loo leeyahay ka shaqeeyo oo macallin ka ahaa. Kaddib waxaana akay in hooyga aan ku soo hoyanayay iyo dadka aan la noolahay ay yihiin dad daciif ah oo u baahan in wax loo qabto.

"Kaddibna nasiibka ayaa icaawiyay, dadkana waan la kaashaday oo waa la ii aqbalay," ayuu yiri mar uu ka hadlayay waxa ku dhiirigeliyay in uu u tartamo xilka xubinnimada golaha deegaanka Qardho.

Muxsin haatan wuxuu ka mid yahay xubnaha golaha deegaanka ee ku soo baxay doorashadii 25-kii bishan ka dhacday Qardho, arrintaa oo keentay in dad badan ay baraha bulshada ku xiriirto ku wareejiyaan sawirradiisa.