Qalalaasaha Beledweyne: Saddexda nin ee ku loollamaya Hiiraan

Siyaasadda gobolka Hiiraan ayaa isu baddashay qalalaase kaddib markii ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xarunta maamulka ee Beledweyne. Haddaba yaa isku haya Hiiraan?
Xaaladdu way daggan tahay hadda, balse waxaa tan iyo xalay taagneyd xiisad ka dhalatay tallaabada ay qaadeen ciidamada ka tirsan militariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka.
Cabdullaahi Barre oo ah sarkaalkii howlgalkaasi hoggaaminayay oo saaka BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aanay qaadi doonin tallaaba kale oo dheeraad ah, maadama sida uu sheegay uu la soo xiriiray ugaaska deegaanka oo ka dalbaday inaan xiisadda intaasi looga sii darrin.
Durbadiiba waxaa magaalada ka dhacay dibadbaxyo ay qaar ka mid ah shacabka ku soo dhaweynayeen ciidamadaas.
Saddex nin oo xuddun u ah loollanka Hirshabeelle
Inkastoo khilaafka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan uu salka ku hayo maamul goboleedka Hirshabeelle, waxaa la hadal hayaa inay ku lug leeyihiin saddex siyaasi oo uu loollan gaar ah ka dhaxeeyo.
Siyaasiyiintan waxa ay isugu jiraan kuwo raadinaya xilal siyaasadeed iyo kuwo xilalkooda difaacanaya labadaba.
1- Goodax Barre

Xigashada Sawirka, Abdullahi Godah Barre
Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan.
Hadda waa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, xilkii ugu dambeeyay ee uu xukuumadda kasoo qabtayna waxa uu ahaa Wasiirka Waxbarashada.
Horay waxa uu sidoo kale wasiir uga soo noqday wasaaradaha Qorsheynta iyo Arrimaha Gudaha.
Godax waxa uu ku dhashay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, qayb ka mid ah waxbarashadiisa jaamacadeedna waxa uu kusoo qaatay dalka Canada, halkaasoo uu kusoo bartay cilmiga horumarinta dalalka dunida saddexaad.
Doorkiisa siyaasadeed ee gobolka Hiiraan ayaa la aaminsan yahay inuu leeyahay saameyn aad u ballaaran.
Goodax Barre waxa uu bartiisa Facebook ku caddeeyay inuu taageersan yahay ciidamada la wareegay xarunta Maamulka ee magaalada Beledweyne.
Waxa uu soo dhigay sawirro muujinaya askarta xarunta la wareegtay iyo geel la sheegay inay ciidankaas u geeyeen odayaasha deegaanka.

Xigashada Sawirka, Abdullahi Godah Barre
Waxaa hadal-heynta shacabka ka mid ah in uu ilaashanayo kursigiisa Baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa kursiga golaha Shacabka loollan ku galin kara Goodax Barre inkastoo uusan wali si cad u shaacinin inuu daneynayo.
Goodax waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta fakar ahaan kasoo horjeeda madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Horaantii Bishii July ayay Beledweyne ka dhaceen xiisado kaddib markii uu iska hor imaad dhex maray ciidamada maamulka iyo maleyshiyaad ka amar qaadanayay Janaraal lagu magacaabo Abuukar Xuud.
Janaraal Xuud ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii dhowr iyo toban wasiir oo yimid Beledweyne ay doonayeen inay shir ku qabtaan magaalada, isagoo sheegay "inay isku ogaayeen inaysan soo gelin magaalada".
2- Cali Cabdullaahi Cosoble

Xigashada Sawirka, Hirshabeelle
Cosble waxa uu soo noqday madaxweynaha maamul goboleedka Hir shabeelle ka hor inta aan la baddalin.
Aaabihiis Cabdullaahi Cosoble Siyaad ayaa horay wasiirka Warfaafinta uga soo noqday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii.
Bishii October ee sanadkii 2016-kii ayaa Cali Cabdullaahi Cosoble loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle. Hal sano kaddib waxaa xil ka qaadis ku sameeyay xildhibaannada baarlamanaka hoose ee maamulkaas, inkastoo arrintaas uu ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo xoog leh.
Hadda waxaa lagu soo warramayaa in Cosoble uu kaalin ku leeyahay loollanka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan, waxa uuna u xusul duubayaa inuu helo kursiga Aqalka Sare.
Arrintaas waxay Cosoble ka dhigeysaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ay isku safka yihiin madaxweyne Guudlaawe.
3- Yuusuf Dabageed

Xigashada Sawirka, Yuusuf Dabageed
Yuusuf Axmed Xagar "Yuusuf Dabageed" waa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, waxa uuna ka mid yahay siyaasiyiinta muddada dheer saameynta ku leh gobolka Hiiraan.
Isaga iyo iyo Gudoomiyihii gobolka Cali Jayte ayaa wali ku sugan Beledweyne gaar ahaan xerada Lamagalaay halkaas oo ay ku haystaan ciidamo ilaalo u ah.
Yuusuf Axmed Hagar (Daba-Geed) oo afar jeer soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa marar badan laga qaaday xilkaas, inkastoo haddana dhowr jeer oo kale dib loo magacaabay. Ugu dambeyntiina waxa uu noqday madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka.
Waxaa uu sidoo kale Daba-Geed soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan xiligii hogaamiye kooxeedyada ay ka talin jireen Soomaaliya.
Dabageed iyo Cosoble waxa ay kasoo jeedaan hal dhinac, halka dhanka kalena ay kasoo jeedaan Goodax Barre iyo janaraalka hoggaaminaya ciidanka la wareegay xarunta maamulka.
Odeyaasha Dhaqanka ayaa ku dadaallaya in xiisadda la qaboojiyo, wadahadalna lagu dhameeyo khilaafka ka taagan Beledweyne.
Ciidamada Beledweyne Qabsaday ayaa sheegay inay diidan yihiin wax au ku qeexeen "caburin dadweynaha gobolka lagu hayo" kadib markii ay ka hor yimaadeen qaabka awood qaybsiga ee Hirshabeelle lagu dhisay, waa sida ay hadalka u dhigeene.












