Duullimaadkii BA 149: Diyaaraddii Rakaabka Britain ee gacanta u gashay ciidamadii Ciraaq ee qabsaday Kuwait

Flight BA149 destroyed on runway

Xigashada Sawirka, Colin Davey/Getty Images

Qoraalka sawirka, Kaddib markii rakaabka laga dajiyay, diyaaraddii waxaa lagu burburiyay isla goobta

Muddo sannado badan ah ayuu jahwareer ka taagan yahay arrinta xaqiiqdeeda la garan la'yahay ee ku saabsan diyaaraddii British Airways ee ku degtay dalka Kuwait sanadkii 1990-kii, xilligaas oo ay ciidamada Ciraaq qabsadeen waddankaas.

Waxaa la isladhex marayay warar sheegayay in diyaaradda rakaabka ah oo duullimaadkeedu ahaa 149 ay dowladda UK u adeegsatay howlgal sirdoon ah, kaasoo ay natiijadiisu noqotay in la dhibaateeyo rakaabkii iyo shaqaalihii la socday diyaaradda oo muddo shan bilood ah afduub loo heystay.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Bishan oo kale ayay ku aaddaneyd dhacdadaas jahwareerka dhalisay ee aan xogta badan laga heynin.

Diyaaradda British Airways ee uu duullimaadkeedu ahaa 149 waxay ka kacday garoonka magaalada London maqribnimadii ay taariikhdu ku beegneyd 1-dii bishii August ee sanadkii 1990-kii, waxayna ku wajahneyd dalka Kuwait oo ay kusii hakaneysay ka hor inta aysan usii gudbin qaaradda Aasiya.

Isla habeenkaas ayuu dhacay weerarkii ay ciidamada Ciraaq ku qabsadeen dalka Kuwait. Diyaaraddu waxay cago dhigatay subaxnimadii 2-da bisha August - waxayna ahayd diyaaradda kaliya ee halkaas ku degtay xilligaas maadaama diyaaradihii kale oo dhan ay weeciyeen duullimaadyadooda.

Anthony Paice waxaa loo diray Kuwait sanadkii 1988-kii. Wuxuu hayay wax uu ugu yeeray "mas'uuliyadda sirdoonka siyaasadda", inkastoo horay loogu tilmaamau inuu ahaa xubin ka tirsan sirdoonka UK ee M16 oo si qarsoodi ah ula shaqeynayay safaaradda Britain.

Wuxuu sheegay in markii hore uusan awood u helin inuu ka hadlo "eedeymaha been abuurka iyo caddaalad darrada ah" sababo la xiriira xeerka sirdoonka, laakiin hadda uu doonayo inuu wax walba fashilo isagoo u damqanaya dadkii ay dhibaatadu gaartay.

"Waxaan aaminsanahay in uu dhacay ku daneysiga sirdoonka ee diyaaradda British Airways, duullimaadkeedii 149, inkastoo marar badan si rasmi ah loo beeniyay," ayuu yidhi Mr Paice.

Waxa uu BBC-da u sheegay in uu rumeysan yahay jiritaanka "isku day ku talogal ahaa oo ciidamo sirdoon ah lagu geynayay goobtaas" kaasoo ay sameeyeen militariga iyo ciidamada gaarka ah, isaga iyo safiirkuna aysan ka war qabin.

"Waxba ma aannaan ogeyn," ayuu yidhi, isagoo ku dooday in ujeeddadu ay tahay "in howlgalka laga dhigo mid la inkiri karo".

Waxaa jiray eedeymo Mr Paice loogu jeediyay inuu isagu ku lug lahaa howlgalkaas ama uu diyaaradda British Airways ku khalday inay cago dhigan karto. Balse wuxuu sheegay in eedeymahaas aysan waxba ka jirin.

Flight BA149 destroyed on runway

Mr Paice wuxuu sheegay inuu la hadlay mid ka mid ah wakiillada British Airways galabnimadii 1-dii bishii August, xilli xiisadda Ciraaq iyo Kuwait ay sii xoogeysaneysay, laakiin markaas ay ahayd ka hor inta aysan ciidanka Ciraaq gudaha u galin Kuwait.

"Haddii ay jirto diyaarad soo galeysa caawa saqda dhexe, waxay u badan tahay inay gudbi doonto," ayuu yidhi sida uu xasuusto.

Balse wuxuu sheegay inuu uga digay in farogalinta militari ay dhici karto waqti kasta oo ka mid ah aroornimada hore, markaasna aysan diyaaradda u suurtagali doonin inay cago dhigato isla xilligaas maalinta xigta.

In gaashaan laga dhigto bani'aadanka

Clive Earthy, oo ah agaasimaha howlaha gudaha diyaaradda ee duullimaadka British Airways, ayaa xasuusta in nin ku labisan dharka militariga Britain uu ku salaamay albaabka diyaaradda markii ay ku degtay Kuwait.

Ninka waxa uu sheegay inuu u yimid si uu ula kulmo 10 nin oo duullimaadka kasoo raacay garoonka Heathrow.

"Waxaa jirtay mudnaan koowaad oo la siinayay in la tago Kuwait, dadkeyga isugu jiray ragga, dumarka iyo carruurtana waxay ahaayeen mudnaanta labaad," ayuu Mr Earthy ku yidhi BBC-da.

Wuxuu sheegay in dowladda uu u heysto mas'uuliyadda wixii dhacay markaas kaddib, maadaama rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ay afduubteen Ciraaqiyiinta.

Qaarkood waa la sii daayay balse kuwo kale ayaa loo geystay tacaddiyo isugu jira si xun ula dhaqmid, kufsi iyo in la gaarsiiyay xaalado ku dhow inay gaajo u dhintaan.

In badan oo ka mid ah Ciraaqiyiinta ayaa ka dhiganayay gaashaan bani'aadan ah oo ay ku gabbadaan marka ay ku sugan yihiin meelaha muhiimka ah, si ay ciidamada reer Galbeedka uga celiyaan inay ku duqeeyaan. Dadkii afduubka loo heystay waxaa la sii daayay shan bilood kaddib.

Haddaba yay ahaayeen ragga aan la aqoonin ee la socday diyaaradda?

Stephen Davis, oo ah qoraa ku howlan buug cusub, oo lagu magacaabo "Operation Trojan Horse", ayaa sheegay in uu wareysi la yeeshay xubno ka tirsan kooxdaas oo magacyadooda qariyay iyo waliba dadkii qorsheeyay howlgalkaas. Wuxuu aaminsan yahay in howlgalku uu ahaa mid koox ka tirsan ciidamada khaaska ah lagu geynayay halkaas si ay warbixinno u siiyaan sirdoonka.

Waxaa kale oo uu aaminsan yahay in dowladda Britain aysan fileynin in garoonkaas uu si dhakhso ah gacanta ugu galo ciidamadii ciraaq ee qabsaday Kuwait, balse ay ula wareegeen si ka deg deg badan sidii la filayay.

Qorshuhu wuxuu ahaa in ragga ay diyaaradda ka dagaan kaddibna ay sii wadato duullimaadkeeda ay ku aadeysay goobta u socotay.

Wuxuu sheegay in kharashkii ay raggaas diyaaradda ku raaceen ay bixiyeen militariga, wuxuuna aaminsan yahay in maamulka British Airways uu ka war qabay howlgalkaas.

Journalist and author Stephen Davis poses with his new book Operation Trojan Horse

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wariyaha, ahna qoraaga lagu magacaabo Stephen Davis wuxuu wadaa baaritaanno ku saabsan duullimaadkii BA 149 oo uu ka qorayo buug

Wasaaradda Difaaca Britain oo arrintan ka jawaabeysa ayaa soo xigatay warbixin ay horay ugu gudbiyeen Aqalka Wakiillada, oo lagu yidhi: 2Sanadkii 2007-dii, dowladda UK waxay si cad ugu xaqiijisay baarlamaanka in dowladdii xilka heystay 1990-kii aysan ku daneysanin duullimaadkaas, wax howlo militari ahna aysan u adeegsanin."

British Airways ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan, iyadoo xuseysa inkiraado ay horay u sameysay dowladda.

Dalabka raalligelinta

Jinny Gill oo ahayd 18 jir waxay qaybta dambe ee diyaaradda la fadhisay walaasheed. Waxay xasuusataa in labo nin ay fadhiyeen kursiga ku xiga, midna ma usan hadleynin. Waxay sheegtay inay aaminsan tahay in raggaas ay ka tirsanaayeen kooxda ciidamada khaaska ah.

Markii ay diyaaradda cago dhigatay, waxay sheegtay in garoonka aysan joogin diyaarad kale oo aan ahayn kuwa Kuwait Airways. Iyada iyo walaasheed waxay u baxeen si ay lugaha usoo kala baxsadaan markii ay aragtay qaraxyo ka dhacayay meel u dhow garoonka.

"Markaas ayaan ogaannay in ay wax khaldanaayeen," ayay ku tidhi BBC-da. "Ma aannaan aqoonin meel aan aadno iyo wax aan sameyno." Dib dambe uma aysan arkin labadii nin ee agteeda fadhiyay.

2Waxaan rabay inaan runta ogaado markii aan kusoo laabannay UK, laakiin waxba ma dhicin, albaabbada ayaa nalaga xirtay," ayay tidhi.

Buugga Mr Davis waxaa lagu daah furay shir jaraa'id oo London ka dhacay markii la xusayay sanad guuradii 31-aad ee kasoo wareegtay markii ay diyaaraddaas cago dhigatay, rakaabkeedana la afduubtay, Mr Paice-na wuxuu hadlay markii ugu horreysay.

Mr Paice Wuxuu sheegay in rakaabka aysan helin wax sharraxaad ah oo ku aaddan "sababta loo galiyay khatartaas" wuxuuna sheegay in loo baahan yahay raalligelin.