Sawirrada munaasabadda Ciida iyo Soomaalida

Ciid wanaagsan, meel kasta oo dunida aad ka joogtaa. Deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika ayaa si wayn looga ciiday maanta oo ah munaasabadda ciidul fitriga tahay.

Balse meelaha qaar, sida deegaannada Soomaalida ee Kenya iyo Nairobi ayaan sidii hore looga ciidin, sababo la xiriira xayiraadaha jira iyo in dowladda aysan ogoleyn isu imaatinka shacabka, taas oo looga hortagayo cudurka COVID-19. Masaajidda iyo goobo kooban ayey dad tiro yar isugu tageen oo ku tukadeen salaadda ciidda.

Waa kuwan sawirrada munaasabadda ciida ee Soomaalida iyo madaxdooda.

Ra'iisul Wasaare Rooble

Xigashada Sawirka, OPM Somalia

Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa boqollaal qof kula tukaday salaadda ciidda, magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Biixi oo canug yar salaamaya

Xigashada Sawirka, Somaliland

Qoraalka sawirka, Dhanka Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa barxad ku taalla magaalada hargeysa kula tukaday kumannaan qof oo si wayn ugu mashxaraday Ciidul Fitriga.
Hargeysa Somaliland

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Kumannaanka isugu soo baxay hargeysa ee munaasabadda ciidda.
Jigjiga iyo Mustafa Cumar

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Dowlad Deegaank Soomaalida, Mustafa Cumar iyo kumannaan qof ayaa Jigjiga ugu dabaldegay munaasabadda ciidda, waxayna ku tukadeen garoonka kubadda ee magaalada.
Jigjiga iyo Mustafa Cumar

Xigashada Sawirka, SRTV

Qoraalka sawirka, Goobta ay shacabka Jigjiga ku tukadeen salaadda ciidul Fitriga.
Jigjiga, ka dib markii dadka ay ka soo dareereen fagaarihii ay salaadda ciidda ku tukadeen, waxay mareen wadada bartamaha magaalada.

Xigashada Sawirka, SRTV

Qoraalka sawirka, Jigjiga, ka dib markii dadka ay ka soo dareereen fagaarihii ay salaadda ciidda ku tukadeen, waxay mareen wadada bartamaha magaalada.
Lafta gareen iyo baydhabo

Xigashada Sawirka, Koonfur Galbeed

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Baydhabo kula ciidan qaar ka mid ah shacabka iyo masuuliyiinta kale ee maamulka.
Hirshabeelle iyo Mudane Cali Guudlaawe Xuseen

Xigashada Sawirka, Hirshabelle TV

Qoraalka sawirka, Dhanka Hirshabeele, Madaxweyne Cali Guud ayaa dad kooban kula tukaday salaadda ciidda, magaalada Jowhar
Galmudug iyo Qoor Qoor

Xigashada Sawirka, Galmudug

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Dhuusamareeb kula tukaday qaar ka mid ah shacabka.
Magaalada Garisa, in kastoo aan isu imaatinka badan la ogoleyn, haddana Maayarka Garisa ayaa dad kooban kula tukaday magaalada.

Xigashada Sawirka, Garissa County

Qoraalka sawirka, Magaalada Garisa, in kastoo aan isu imaatinka badan la ogoleyn, haddana Maayarka Garisa, Cali Bunow Qorane, ayaa dad kooban kula tukaday magaalada.
dadka uu la tukaday cali Bunow Qorane

Xigashada Sawirka, Garissa County

Qoraalka sawirka, Dadka uu la tukaday cali Bunow Qorane
Jabuuti, waxaa hoggamiyay madaxweynaha, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana lagu tukaday fagaare ku yaalla Magaalada iyadoo la dhowrayay kala fogaanshaha looga hortagayo cudurka Coronavirus

Xigashada Sawirka, Djibouti

Qoraalka sawirka, Jabuuti, waxaa hoggamiyay madaxweynaha, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana lagu tukaday fagaare ku yaalla Magaalada iyadoo la dhowrayay kala fogaanshaha looga hortagayo cudurka Coronavirus
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Xigashada Sawirka, Djibouti

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle