Maxaa kasoo baxay kulankii RW Rooble iyo musharraxiinta mucaaradka?

.

Xigashada Sawirka, TQS

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho heshiis ku gaaray rai'sul wasaaraha Soomalaiya iyo midowga musharaxiinta mucaaradka.

Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen in guddi loo saaro wixii dhacay 19 feberaayo iyo in dib loo dhigo mudaaharaadkii barito loo ballansanaa.

Kulanka lagu gaaray heshiiska ayaa waxaa tan iyo maanta uu ka socday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ay goobjoog ahaayeen rai'sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle .

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaan ka qeyb gelin shirkan, oo ay ka dhex muuqdeen inta badan musharraxiinta kale oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud , Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geele , Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo xubnno kale oo mucaaradka ak mid ah.

Maxaa kasoo baxay shirka?

Labada dhinac ee musharaxiinta mucaaradka iyo dowladda ayaa waxay isku afgarteen dhowr qodob oo uu horey muran uga taagnaa.

Waxaa lagu heshiiyay qodobada soo socda

  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.
  • Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.
  • Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.
  • Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib loo dhigo Mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.
  • Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wada jir ah.
  • Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Rai'sul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay natiijada kulanka ka soo baxday.

"Farxad weyn ayay ii tahay in aan caawa xal ka gaarnay waxyaabihii ka dhashay dhacdadii 19-kii Febraayo 2021 ee la xiriiray dibadbaxyada, amniga iyo doorashooyinka,,". ayuu yiri.

Daahir Maxamuud Geele oo ka mid ah midowga musharaxiinta ayaa dhankiisa ku tilmaamay heshiiskan mid laabta u qaboojinaya dadkii ka walwalsanaa dibadbaxa barito dhici lahaa.

"Waxaan caawa qaadannay heshiis qaraar si aan ugu laab qaboojinno hooyooyinka iyo caruurta ka walwalsanaa waxa berri dhici doona," ayuu yiri Mr Geele.

.

Xigashada Sawirka, TQS

Tan iyo 8-dii bishan February - markii uu dhacay muddo xileedka dowladda federaalka - waxaa soomaaliya ka taagneyd xiisad siyaasadeed, waxaana xubnaha mucaaradka ay sheegayeen in aysan aqoonsaneyn madaxweynaha iyo xukuumadda.

Dhinaca kale, waxaa wali jiray khilaafkii hannaanka doorashada, oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaadhin, kaddib markii ay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ku gacan seyreen in ay ka qeyb galaan shirkii Muqdisho uga furmay madaxweynaha federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxweyneyaasha maamullada federaalka iyo gobolka Banaadir.

Dowladda ayaa sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Hase yeeshee ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Muxuu yahay doorka Beesha Caalamka ee Arrimaha doorashada Soomaaliya?

Xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka ayaa weli wada dedaallo ay ku qancinayaan maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qeybgalaan shir madaxeedka Muqdisho ee looga arinsanayo doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

.

Xigashada Sawirka, JSH

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la'aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan 18-kii bishan ayaa la filayay in dhinacyada ay ku kala saxiixan doonaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada.

Jibril Cali Aw Maxamed oo culuunta Afrika ka dhiga jaamacadda Ohio ayaa qaba in Beesha Caalamka ee ku lugta leh Soomaaliya aanay sidii hore ahayn.

"Doorashooyinkii hore waxaa gacanta kula jiri jiray beesha caalamka oo kaalin muuqata ku lahaan jirtay. Beesha caalamka hadda waxaa ku dhacay isbedal oo Igad, gaar ahaan Itoobiya dhibaato ayaa dhaxdeeda ka taagan. Maraykanka iyo Ingiriiskana dhibaatooyin u gaar ah ayaa soo maray oo bedalay hadafkooda. Marka beeshii caalamka ayaa kala aragti ah marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya," ayuu yiri Jibril.

Aqoonyahankan ayaa rumaysan in faragelinta beesha caalamka ay lama huraan tahay.

"Inta badan beesha caalamka waxa ay aaminsan yihiin in arimaha Soomaaliya Soomaalida faraha looga qaado, oo ay go'aan ka gaaraan sida masiirkooda ay ka yeelayaan, halkii markii hore ay ahaan jirtay in wax loo yeeriyo Soomaaliya. Wey soo faragelin doontaan, balse saameyntii hore ma yeelan doonaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.