Hadal hayn ka dhalatay ereyga "InshAllah " ee uu isticmaalay Joe Biden

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Joe Biden
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haya ereyga 'Inshaa Allah' ee u isticmaalay musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden mar uu dood la lahaa madaxweyne Trump.

Joe Biden ayaa yiri 'Inshaa Allah' kaddib markii Trump uu ku yiri , 'Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay'

Ereygan oo ah mid ka yimid luqadda Carabiga oo micnahiisu yahay " Haddii uu Alle idmo"

"Inshaa Allah" waxaa inta badan adeegsadaa dadka Muslimiinta ah, waxayna la yaabeen markii uu yiri ereygan ninkan 77 jirka ah ee ka tirsan madhabta Catholic kana soo jeedo gobolka Pennsylvania.

Barta Twitter-ka ayaa si weyn looga hadal hayay hadalka Biden. Wajahat Cali ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ereyga Inshaa Allah ay inta abdan adeegsadaan dadka Muslimiinta ah.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Wuxuu sheegay in isticmaalka 'Inshaa Allah' aanay ka dhignayn in dadka Muslimiinta oo kali ah ay isticmaali karaan.

Inta badan Muslimiinta waxay 'Inshaa Allah' u weeciyaan dhinaca diinta gaar ahaan qofka marka uu ka hadlayo arrin aan dhicin oo mustaqbal ah si loo talo saarto Alle.

Amro Ali oo kamid ah dadka adeegsada Twitter-ka ayaa sheegtay in mararka qaarkood 'Inshaa Allah' laga dhigo arrin jees jees ah gaar ahaan marka la fulin waayo ballan ama arrin aan weligeed la dhaqan gelin doonin.

Waxay ku andacootay in isticmaalka ereygan uu yahay mid looga goolleeyahay xoojinta xiriirka bulshada.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Sanadkii 2016-kii, warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysay markii ardey kasoo jeedo Ciraaq heystana dhalashada Mareykanka laga saaray diyaaradda kaddib markii qof rakaab ahaa uu sheegay in ardeygaas uu ku dhawaaqay ereyga "Inshaa Allah"

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay inay tahay arrin jees-jees ah in Joe Biden uu isticmaala Inshallah.