Rooble oo dhagaha ka fureystay baaqii xil wareejinta ee uga yimid Kheyre

Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa iska indha tiray baaqa uga yimid ra'iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ee ahaa inuu isaga xilka ku warejiiyo.
Munaasabad xil wareejin ah o maanta lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaliya ayuu Rooble xilka kala wareegay sii hayihii xilka ra'isul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka ra'isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii 25 bishii agoosto ay golaha shacab ay kalsoonida kala laabteen xukumadda hore ee uu hogaaminayay ra'isulwasaarihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre.
Xasan Cali Kheyre oo sharci darro ku tilmaamay tallabaadaasi ayaa shegay inuu iskiis go'aansaday inuu is casilo.
Munaasabada waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiwali Ibaraahim Sheekh Muudey iyo xubno ka tirsan wasiirada sida ku meel gaarka ah xilka u sii haya.

Dalabkii Kheyre
Qoraal uu soo saaray shalay ayuu Ra'iisal wasaarihi hore, Xasan Cali Kheyre ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka xafiiska ra'isal wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya uu ku wareejiyo Ra'iisal wasaraha cusub
" Si waafqasan dastuurka, shuruucda dalka iyo dhaqanka dowladnimo, waxaan kugu wargelinayaa inaan diyaar u ahay inaan kugu wareejiyo xilka xafiiska Ra'iisal wasaaraha kulana wadaago nuqullada xil wareejinta iyo warbixin guud o ku saabsan halka ay marayaan dhaqangelinta hawlaha waaweyn," ayuu ku yiri xasan Cali Kheyre warqadda uu u diray Rooble.
Sida oo kale wuxuu warqadda uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilwareejin uu ku sameeyo muddo usbuuc gudahiis ah, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda dadaallada loogu jiro horumarinta dalka.
Abukaato Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan ayaa ku doodaya ina ahayd in Xasan Cali Kheyre uu wereejiyo xilka badelkii mahdi o ahaa sahqadiisa uun aahayd xil gaarsiin.
"Ra'isal wasaarihi codka kalsoonida baarlamaanka siiyey ay baarlamaanka ku ogaayeen inuu sharciyan uu hoggaamiyo dowladda federaalka isagaa laga rabaa inuu xil wareejinta sameeyo, maadaamaa isaga marka horaba loo dhaariyey codka kalsoonidana lagu siiyey hadda marka codka kalsoonida laga laabtayna isagaa laga rabaa sharciga sida uu tilmaamaya waa saas" ayuu yiri Abukaata Zakariya Yuusuf.
Ra'iisal wasaraha cusub wax war ah kama uusan soo saarin muranka ku aadan xil warejinta iyo dalabka uga yimid mas'uulkii uga horreeyay xilka.

Waa kuma Ra'iisal wasaaraha cusub
Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.
Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990.
Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden.
Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga.
Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay'adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay'adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO).










