"Raggu waxay igu naceen inaan dumarka u caqli celiyo"

Xigashada Sawirka, BBC3
Si kasta oo ay mashquul ugu jirto, Dami Oloniskin, oo 29 sano jir ah, waligeed ma aysan ka fogaanin qofkasta oo uga baahan inay siiso talo ku saabsan nolosha dhinaca shukaansiga iyo lamaanaha.
"Mararka qaar waxaan u maleeyaa inaan saacad walba howshaas ku dhex jiro", ayey tiri iyadoo qosleysa.
Dami waxay taageerayaasheega u yaqannaan magaca "Oloni".
Iyadoo ka warrameysa mar ay qof ka mid ah dadka taageera la kulantay ayey tiri: "Shalay, waxaan tagay farmashi, islamarkiiba waxaan billaabay inaan adeegto alaabta loogu talagalay musqusha, ka dib gabar meesha taagneyd ayaa igu tiri 'Adiga ma waxaa tahay Oloni?"
Oloni waxay baraheeda Instagram-ka iyo Twitter-ka ku leeyahay dad ka badan 200k oo ku taxan. Hadda waxay leedahay barnaamij Telefishinka ka baxa oo mowduucyadaas gaar u ah.
Waxay gabadhaha kala hadashaa sida ay u wajihi lahaayeen xiriirka dhinaca gogosha. Xitaa waxay mararka qaar taageerayaasha ku taxan ka codsataa inay la wadaagaan sheekooyinkooda dhinaca xiriirka ee ugu macaan, iyo waliba kuwa ku saabsan xilliyo ay galmo sameeyeen.
Haween badan oo arrimahaas daneeya ayaa ku soo xirmay, si joogto ahna ula socda. Mar kastana waxay jeceshahay inay dadku su'aalaheeda uga jawaabaan si daacad ah.
Laakiin ma aha wax lagu wada faraxsan yahay.

"Rag badan waxay dhib u arkaan inaan anigu si fudud ula hadli karo dumarka", ayey ku tiri wareysiga ay siisay BBC-da. "Waxay ila tahay inay necebyihiin sida aan ula taliyo oo ugu caqli celiyo, anigoo sabab u noqonaya inay go'aanno fiican qaataan marka ay galmada ka fikirayaan ama xitaa shukaansiga".
Oloniskin waxay barnaamijkeeda dhinaca internet-ka ee ay uga hadasho arrimaha nolosha gogosha billowday sanadkii 2008-dii, xilligaasoo ay aad u da' yareyd.
Waxaa barnaamijkeeda dadka badan soo jiitay lagu magacaabaa Simply Oloni.
Markii ugu horreysay ee ay billaabeysay waxay wax ka qortay arrimo ku saabsan iyada iyo saaxiibbadeed. Sheekooyinkaas qaarkood waa kuwo aad looga xishoodo oo ay adagtahay in lasoo bandhigo.

"Arrin noocaas ah ma sahlana inaad dadka la wadaagto marka aad tahay qof reer Nigeria ah oo masiixi ah", ayey tiri.
"Mar walba waan jeclaa inaan ka hadlo arrimaha xiriirka ragga iyo dumarka, waxaana rabay inaan haweenka wax baro, sababtoo ah waxaan dareemay in mowduucaas uu yahay mid aan inta badan lagu soo hadal qaadi jirin bulshadeyda dhexdeeda".
"Dadku waxay u maleeyaan mar haddii aan arrimaha galmada ka hadlo inaan ka tirsanahay haweenka jirkooda ka ganacsada, laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha. Waxaan ahay qof aqoon u leh arrimahaas, oo doonaya inuu dumarka kale u faa'ideeyo".
Gabadhan waxay haweenka kala talisaa go'aannada ay ka baqaan.












