Qaab halis galinaya miyay hablaha Soomaalidu u raacaan mootooyinka?

Muna Saleebaan oo kamid ah gabdhaha Soomaalida ee isticmaala Mootada.
Qoraalka sawirka, Muna Saleebaan oo kamid ah gabdhaha Soomaalida ee isticmaala Mootada.

Wadamo badan oo ku yaalla Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Uganda iyo Kenya waxaa ku soo badanaya isticmaalka gaadidka mootada laba shaaglayda ah. Kenya dadka gaadiidkan ku isticmaala waxaa ka mid ah bulshada Soomaalida ah.

Darawallada gaadiidka mootada ee magaalada Nairobi ayaa la sheegaa inay helaan suuq fiican sababtana waa in ay macaamiishooda waqtiga u beekhaamiyaan maadaama inta badan waddooyinka magaaladu ay saxmad yihiin, iyo iyagoo isticmaalo waddooyin fudud halka dhaqaalaha lagu raacana uu ka hooseeya kuwa gaadiidka tagaasida.

Balse mootooyinka waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin ay ka mid tahay in shilalka ay ku badan yihiin iyo qaar ka mid ah darawallada oo aanan si fiican u wadi karin mootada taas oo horseedda khasaare nafeed iyo nololeedba.

Dhibaatooyinkaas ayaa waxa ay horseedeen inay soo baxaan walaac laga qabo khatarta shilalka ka dhasha raacista mootada marka ay raacayaan dumarka Soomaalida oo aan u raacin sidii loogu tala galay ee ah in laga kala rito labada lugood si mootadu ay isugu dheeli tirnaato.

''Way jiraan in gabdhaha aan Soomaalida ahayn in ay lugaha ka kala ritaan laakiin gabdhaha Soomaalida badanaa uma raacaan sidaas sababta oo ah diin ahaan uma fiicna in nin ajanabi ah aad ku dhagto ama lugaha ka ridato markaa waa in aan dinac dhinac u fadhiisto tan oo halis galinkarta naftayda, Hada ka hor ayay ila dhacday mooto dhaawac fudud ayaa isoo gaaray waan ka soo kabsaday, kama maarmo 24 saac waan raacaa'' ayey tiri Muna Saleebaan Qoordheere.

Mid kamid ah wadayaasha mootooyinka oo ka hadlaya halista habka ay gabdhaha Soomaalidu u raacana mootada.
Qoraalka sawirka, Mid kamid ah wadayaasha mootooyinka oo ka hadlaya halista habka ay gabdhaha Soomaalidu u raacana mootada.

Khatarta mootooyinka waxa sii kordhiya inta badan gabdhaha Soomaalida oo xidhan xijaab sabab u noqda in dharka ay xidhan yihiin uu qabsado katiinda wareejiya taayirka mootada. Walaacana kuma koobkana Soomaalida ee waxaa la qaba walaaca darawallada mootooyinka oo ka hadlay walwalka ay qabaan marka ay qaadayaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Fred 44 waxa uu ka mid yahay darawallada mootooyinka waxa uu sharaxayaa halista ay wajahaan gabdhaha Soomaalida marka ay qaadayaan: "Dhibaatada na soo wajahdaa waxa ka mid ah in gabdhahan geesgees u raacaan mootada taas oo isu dheelitirkii mootada meesha ka saaraysa oo waxaa ugu daran marka la marayo askari jiifa iyo godod badan oo sababi kara in ay mootadu dhacdo."

Gabdhaha Soomaalida ee raaca mootooyinka waxa ka soo wajaha bulshada Soomaalida culays lagu muujinayo in laga fiican yahay in ay raacaan gaadiidkan: "Bulshada Soomaalida waxaan kala kulannaa fowdo badan adiga oo jidka socotid ayaa lagugu qaylinaya, waxaa lagu dhahayaa ka dag mootada, qaar waxay ku leeyihiin anaga ayaa ku qaadayna waxyaabo badan ayaan kala kulanaa" ayey Muna BBCda u sheegtay.

Xiiray(Bigi Bigi) oo kamid ah gudida badbaadi walaashaa.
Qoraalka sawirka, Xiiray(Bigi Bigi) oo kamid ah gudida badbaadi walaashaa.

Dhalinyaro iskood isu abaabushay ayaa waxa ay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka bilaabeen olole ay ugu magac dareen (Badbaadi Walaashaa), ujeedkana waxa ay ku sheegeen in ay qayb ka noqdaan badbaadinta gabdhaha Soomaalida ah ee raaca mootooyinka.

Cabdiwali Xiiray( Bigi Bigi) waxa uu ka mid yahay dhalinyaradaas la baxay badbaadi walaashaa, waxa uu sharaxayaa qaabka ay hablaha ula hadlaawaxa ololahan ku dhaliyay "Dhowr siyaabood ayaan ula kulannaa, marka ay raacayso waxaan u sheegnaa in laga fiican yahay raacista mootooyinka, sidoo kale marka ay saxmadda ku jiraan waan la hadalnaa in ay ka dagto haddii ay na ogolaato waa Ok, haddii kale jeebkeena ayaan isticmaalnaa, marka saddexaad waxan la kulannaa marka ay ka dagayaan'' Cabdiwali ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

Bulsho badan ayaa ka faa'iidaysata raacista mootooyinka oo kamid ah gaadiidka ugu badan ee laga isticmaalo magaalooyin badan oo ku yaala bariga Afrika, waaxda badbaadada gaadiidka ee (NTSA) ayaa sheegtay in sannadkii 2018 ay ku dhinteen shilalka mootada dad gaaraya ilaa 511 qof jidadka kala duwan ee magalada Nairobi.