Maxaa gabdhahan ku qasbaya in ay dhaldhalaalka dunida ka jeedsadaan?

Qoowmiyadda Jain ee Hindiya ayaa 'uf yiri adduunyada'
Qoraalka sawirka, Qoowmiyadda Jain ee Hindiya ayaa 'uf yiri adduunyada'

Boqolaal ka tirsan qoowmiyadda Jain ee dalka Hindiya ayaa bilaabay in ay adduunyada ka tanaasulaan si ay u noqdaan waddaado diimeed macbadyada ku uruura iyaga oo kabo la', oo aan qubeysanin, kaliya cuna waxa la siiyo, islamarkaasna aanan adeegsanin tiknoolajiyadda casriga ah.

"Mardambe gabadhayda hab ma siin doono, mar dambane indhaheena isma qaban doonaan" ayuu yiri Indravadan Singhi oo gabadhiisa ay ka mid tahay kuwa xushay dariiqan dhibta badan.

Ka hor inta aysan guriga ka tagin waxaa isugu imanaya dhammaan qaraabada si ay xaflad ugu sagootiyaan.

Magaceeda waa Dhruvi, waalidkeed hadda kadib aabbe iyo hooyo uguma yeeri doonto, ma fuuli doonto gaari, mana ku hadli doonto taleefoonka gacanta.

Dhruvi
Qoraalka sawirka, Dhruvi

Qoomiyadda Jain waa kuwa diin ahaan laga tiro badanyahay, waxa ay ka koobanyihiin illaa 4.5 milyan oo aaminsan diintan gaarka ah.

Waa kuwa sida ay tahay u raaca waxyaabaha ay diintooda dhigto, waxaana ka mid ah waxa ay tahay in ay cunaan maalinkii iyo waxa aanan u banaanayn in ay cunaan, iyo waliba xilliga ay tahay in ay wax cunaan.

Gabadhan ayaa ku jirtay nolol damaashaad leh oo casri ah, waxa ay xitaa ka qeyb qaadan jirtay bandhigyada heesaha ee da'yarta lagu tijaabiyo codkooda.

Kaligeed ma ahan kuwa xulanaya in ay gebi ahaanba adduunyada dhalaalkeeda ka tanaasulaan, waxaa jira boqolaal kale, tiradooduna waa ay sii kordheysaa.

Waxa ay dadka xeeldheeraasha ah sheegayaan in da'yarta oo u dulqaadan la' culeesyada adduunka ay ugu wacantahay in ay u leexanayaan dhanka dhaqamadii hore iyo diimaha.

Dr Joshi ayaa yiri "Waxa ka dhacaya New York ama Yurub waxa aan arkaynaa isla markiiba, markii hore nolosha aan tartanka kula jirno waxa ay ahayd tan nagu xeeran balse hadda adduunka dhan ayaan tartan kula jirtaa", waxa uu sheegay in taas ugu wacantahay in da'yarta ay la tiiraanyoodaan waxyaabaha aysan haysanin ee ay arkayaan.

Macbad

Gabadha lagu magacaabo Pooja Binakhiya oo ka mid ah kuwa baadariyiinta noqday ayaa sheegtay in hadda aysan ka fikirin sida ay u arki karaan saaxiibadeed. "Waxaan kaliya ka fikirnaa ruuxdeena" ayay tiri.

Xafladdii sagootinta

Inkasta oo wadaada diintan aysan isticmaalin aaladaha casriga ah, haddana fidinteeda waxaa loo isticmaalayaa baraha bulshada, waxaa laga samaynayaa muuqaalo kooban, iyada oo xitaa diintan lagu turjumay luuqado badan oo uu English-ka ka mid yahay.

Muni Jinvatsalya Vijay Maharajsaheb oo ka mid ah wadaada diintan ayaa BBC-da u sheegay in uu isticmaalo shabakada YouTube si uu muxaadarooyinkiisa ugu faafiyo, kuwa qaarna waxaaba daawatay illaa hal milyan oo qof.

.
Qoraalka sawirka, .