Wuxuu ku maalgeliyay malaayiin doollar, isaga ayaana cuntada kariya

Xigashada Sawirka, Jennifer Reindl/Facebook
Wiil 13 jir ah oo ku sugan gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa soo naaxay waxyar uun ka dib markii ay waalidkii sixiixeen waraaqo ay ku caddaynayaan in ay si mutadawacnimo ah u bixiyeen xubnaha jirkiisa si looga faa'iideeyo bukaanno kale.
Trenton McKinley ayuu dhaawac culus ka soo gaaray maskaxda ka dib markii uu dhulka ku dhuftay madaxa.
Dhakhaatiirta ayaa waalidkii u sheegay in uusan ka kacaynin dhaawaca soo gaaray oo uu u dhiman doono, waxayna intaas ku dareen in xubnaha jirkiisa ay is waafaqeen shan carruur ah oo xannuunsan oo sugaya in xubno loogu deeqo.
Maalin ka hor markii la qorsheeyay in laga saaro qalabkii uu ku neefsanayay ayuu billaabay in uu dareen muujiyo.
Wiilkan yar ayaa aad uga dhaawacmay madaxa.
Trenton McKinley hooyadii ayaa sheegtay in wixii intaas ka dambeeyay uu wiilkeedu galay qalliino kala duwan markaas ka dibna ay kalyihii hawlgabeen wadno xannuunna uu soo wajahay.
Reindl ayaa sheegtay in wiilku uu mayd ahaan u saarnaa miiska 15 daqiiyo, dhakhatiirtuna ay ku wargaliyeen "in uusan waligii caadi ku soo noqon doonin".
Reindl ayaa CBS News u sheegtay in ay markaas ogolaatay in ay sixiido in ay si mutadawacnimo ah u bixiso xubnaha jirka wiilkeeda laguna wareejiyo shan carruur ah.
"Waxaan sidoo kale ogolaanay in Trenton lagu sii rakibo qalabka uu ku neefsanayo si uu u sii neefsado xubnaha jirkiisana loo bixiyo"
Intaas ka dibna Reindl ayaa ka sheekaysay sidii uu wiilkeedu u soo naaxay ama u soo miyirsaday bishii Maarso.
Waxay tiri maalinta xigta ayuu lahaa baaritaankii maxkaxeed ee ugu dambeeyay marka xubnaha jirkiisa ee muhiimka ah ayaa dhaqdhaqaaqay sidaas darteed ayayna u baajiyeen baaritaankii.

Xigashada Sawirka, Jennifer Reindl/Facebook
Trenton ayaa hadda tartiib tartiib u soo kabanaya.
"Madaxa ayaan shub ku dhuftay gaariga alaabta lagu jiido ayaana korka igaga dhacay, intaas wixii ka dambeeyayna waxba kama xasuusto," ayuu yiri.
Wali neerfaha ayaa xanuuna wuuna wareeraa wuxuuna u baahan doonaa qalliin kale.
"Wuu socon karaa, wuuna hadli karaa, waxbuu akhrinkaraa oo xitaa xisaab ayuu ka shaqayn karaa", ayay tiri Reindl waxayna arrintaas ku tilmaantay mucjiso.
Trenton laftirkiisa ayaa WALA u sheegay in uu isu haystay in uu janada joogo intii uu miyir daboolnaa.
"Sidii ruux meel bannaan ah ku lugaynaya ayaan ahaa" ayuu yiri wiilkan 13 jirka ah
"Sharaxaad kale uma baahna ee arrib Illaahay ayay ahayd."
Qoyska wiilka ayaa lacag ku aruurinaya Facebook si ay ugaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka ee uu u baahan yahay.

Waa xilli aroor ah shaqaalaha meheraddan oo ku taal koonfurta magaalada Gaalkacayo ee maamul-goboleedka Galmudug, ayaana diyaarinaya quraac. Balse waxa ay mehraddan kuwa kale uga duwan tahay ayaa ah in milkiilaha uu ka mid yahay dadka cuntada kariya.
Axmed Maxamed Jaamac oo ah mulkiilaha goobtan ganacsi ayaa wuxuu dhinaca kaga jiraa shaqada cunto karinta, isaga oo shiilaya beerkii lagu quraacan lahaa.
Axmed waa 52 sano jir ka soo laabtay qurbaha, laakiin xirfaddiisa cunto karintu xilligan ma bilaaban oo waxay ku sidkanayada geeddi socodka noloshiisa. Sanadkii 1999 ayuu galay kuleej lagu barto cilmiga cunna karinta oo ku yaal magaalada Birmingham ee dalka UK. Isla xilligaas ayuu billaabay isaga oo waxbarashada wada in uu xirfaddan ku shaqaysto markii uu dhammeeyayna waxa uu bilaabay in uu furo goobo cunnada lagu iibiyo.
"Markaan dhammeeyay kuleejka ayaan ganacsi ka bilaabay London oo aan ka furay meelo cuntada lagu iibiyo, sababtaan u sameeyayna waxay ahayd in aan tuso dadka Soomaaliyeed sida wax loola qaybsado ummadaha kale,'' ayuu yiri Axmed.

Axmed wuxuu sheegay in xilligaas uu meheradda furayay ay dadka Soomaalida ah wax ka cuni jireen maqaayadaha dadka kale oo sidooda dalka qaxooti ku ah sida Aasiyaanka, Hindida iyo xitaa Afrikaanka kale.''Waxaan lacagta u geyn jirey dadka kale laakiin markii aan London ka furaty goobo cunnada lagu kariyo waxaan soo jiidannay dad badan oo cunnada dhaqanka Soomaalida jeclaystay kaddibna dad badan oo Soomaali ah ayaa meherado furay,'' ayuu yiri.Muddo kadib sanadkii 2008 ayuu dalka dib ugu soo laabtay isaga oo yimi caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu ka bilaabay halgan kale.
''Xamar markaan imid waxaan sii watay in aan horumariyo xirafaddaydii aniga oo meherad ka furay guriga hooyooyinka, iyada oo xilligaa Muqdisho ay ahayd meel khatar ah ayaan magaalada ka degey dhawr goobood,'' ayuu yiri.
Balse Axmed maqaayaddiisa kama aysan badbaadin amni darrada ka jirtay Muqdisho. Waxaana dhowr jeer lala beegsaday qarax ay dad ku dhinteen. Kii ugu darnaa wuxuu ka dhacay bishii September sanadkii 2013.
Sida ay booliisku xilligaas BBC-da u sheegeenna waxaa ku dhintay 15 qof oo isugu jiray dad maqaayadda ka qadeynayay iyo shaqaalaha maqaayadda. Alshabaab ayaana sheegatay qaraxaas.

Dhowr jeer oo kale oo ay qaraxyo ka dhaceen dibadda maqaayadda, Axmed wuu sii ballaariyay ganacsigiisa isagoo sanadkii 2017 magaalada Gaalkacyo ka hirgeliyay goob ganacsi oo magaalada ka yara baxasan, wuxuuna ku bixiyay lacag dhan labo milyan oo doollar.
Sidoo kale wuxuu Axmed magaalada ka bilaabay howlo samafal ah. ''Halkan waxaan ka qoday ceel ilaa boqol kun oo doollar iiga baxday, kaddibna waxaan beeray dhir oo iyadana boqol kun kor u dhaafaysa inta ku baxday, sidoo kale waxaan dhisay ilaa soddon qol oo hoteel hurdo ah'' ayuu yiri mulkiiluhu.Axmed Jamac Maxamed haddii uu hirgeliyey goobtaas gacansi ee intaasi gashay ma fariisan meel, laakiin subaxdan wax uu ku lebisan yahay funaanad gacmo gaab ah oo ay shaqaaluhu xirtaan marka ay shaqada ku jiraan, isaguna hawshaas ayuu dhankiisa hayaa, oo marna wuxuu ku jiraa jikada kolna wuxuu waraabinaya dhir goobta ku taal.

"Hiigsigaygu waxaa weeye lacagta meeshan aan geliyey in ay shaqayso midda kale shaqadan waa shaqadaan soo bartay, sidaa u jeeddaan kushiinka anigaa ku jira, dhirta anigaa waraabinaya, waxaa laga yaabaa in aan anigu shaqaalaha nadaafadda uga horreeyo,' ayuu yiri. Inta uu howsha cunno karinta la wado shaqaalaha kula jira kushiinka waxa uu sheegay in ay dhacdo marar isaga shaqo loo diro oo uu aqblo. taas oo uu kutilmaamay in ay dhiirigelin u tahay shaqaalaha. Laakiin Axmed wuxuu mararka qaar dadka macaamisha ah ee ku xiran meheradda iyo xitaa saaxiibaddiisa qaar kala kulmaa kuwo hawshan la dhacsan iyo sidoo kale kuwo Axmed u soo jeediyey in uu shaqadda jikada ka dhex baxo oo uu iska nasto balse taas kama yeelin. ''Waxaa laygu yiri xilligaan waxaa la joogaa markii aad tayga xiran lahayd ee fariiso oo shaqaalaha shaqada u dhaaf laakiin shaqadu waxay u baahantahay waa muhiimadda,'' ayuu yiri.

Axmed wuxuu sheegay in dadka xoolaha leh oo jikada iyo xitaa shaqada ka faana ay tahay isla weyni isaga oo sheegay in uu ku raaxaysto marka uu jikada ku jiro ee uu cunnada karinayo.
''Waa caafimaad qab wax dhib ah ima hayaan shaqadana waan ku raaxaystaa.'' Ayuu Axmed yiri.
Axmed wuxuu sidoo kale ku raaxeystaa inuu quudinyo xayawaannada jooga mehraddiisa Village oo ay ka mid tahay goroyada. Wuxuu Axmed rajeynayaa inuu sii ballaariyo ganacsigiisa, isagoo dadka kalena ugu baaqay inay sidiisa oo kale dalka maalgashadaan.












