Tuulada aan la oggoleyn inay dadku kabo xirtaan

Way adag tahay in la qiyaaso sida ay noqonayso in kabo la'aan la socdo meel aqalka ka baxsan, laakin tuuladan ku taal dalka Hindiya ayey caadi ka tahay in lagu arko dad aan kabo gashanayn, taasoo ah inaanu qofna wadan ama xirnayn wax kabo ah haba yaraatee, xitaa marka ay ka baxaan tuulada waxaa la arkayaa iyaga oo soconaya kabo la'aan.
Intaa kaliya maaha, xitaa haddii qofku uu bukoodo cisbitaal ma tago si uu isu dabiibo, haddii uu jiro safar ay ku soo salaamayaan eheladooda meel ka baxsan tuuladooda, dadkani wax ma cunaan, biyona ma cabbaan inta ay maqan yihiin.
Aad bay u adag tahay in la rumaysto, laakiin tuuladan ayaa 50 km u jirta magaalada Tirupati ee gobolka Andhra Pradesh.
Dadka reer miyiga ah ee halkan ku nool, ayaa sheegaya in waxyaalahan ay yihiin dhaqankoodii hore, oo ay wali ku dhagan yihiin.
Ixtiraamista caadooyinka iyo dhaqamada soo jireenka ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka ku nool tuuladan Vemena, ayaa sheegaya in aysan ahayn kuwa kaliya ee ilaaliya dhaqamadaas, xitaa marka uu Garsooraha degmadu yimaado tuuladooda, waa inuu iska siibaa kabaha.
Erabba, oo ah madaxa tuulada, ayaa sheegay in dhaqankan uu soo socday tan iyo intii ay soo jireen tolkiis ee ay tuuladan daganaayeen.
Wuxuu u sheegay BBC laanta afka Telugu, "Marka aan dibadda u baxno, waxaa naloo oggol yahay inaan guryaha gudaha u galno ka dib markii aan qubeysanno oo kaliya , ka dibna aan wax cunno, marar badan ayaan ka soo safarnay tuuladan, waxaa jirtay xilli aan awoodin in aan baxo muddo shan maalmood ah shaqo darteed. Waxaan ku khasbanaaday inaan halkaas jooggo, shantaas maalmood weligay dibadda waxba kuma cunin, waxna kama cabbin.
Erbba oo sii sharraxaya waxa uu yiri "Muddo hadda laga joogo 47 sano ayaan tuuladan uga baxayay shaqo si aan maxkamadda u tago, laakin weligay xitaa ma cabin biyaha meesha aan tago, had iyo jeer waxaan ka sii qaataa biyaha halkan, mar waliba oo aan dareemo haraadna, biyahaas ayaan cabbaa, in tuulo kale laga cabbo ma bannaana, biyo keliya maaha, ee sidoo kalana cuntadana waa la mid".
Tuulada dadka kunool aanay kabo xiran

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Vemana Indlu waa tuulo ku taal Pakala Mandal, oo katirsan Degmada Tirupati ee Andhra Pradesh.
Waxay leedahay 25 guri, dadkeeduna waa 80. Tuuladan waxa ku nool 52 codbixiye. In yar oo iyaga kamid ah, ayaa nasiib u yeeshay inay dhammeeyaan waxbarashadooda oo ay qalin jabiyaan. Dadka halkan jooga ma haystaan waxbarasho aad u sarraysa, waxayna inta badan ku tiirsan yihiin beeraha.
Ilaa xad, dhaqanka iyo caadooyinka tuuladan, ayaa ah mid aad u xiiso badan, sababtoo ah xitaa haddii ay eheladooda u yimaadaan, si ay u soo salaamaan, sidoo kale waa in ay raacaan dhaqanka iyo caadada halkan, taasoo ah in ay kabaha iska siibaan oo ku socdaan caga-la'aan.
Mahesh oo u yimid ruux ay qaraabo yihiin oo tuuladan dagan, ayaa sheegay in walaashii ay halkan ku guursatay, sidaas darteed dadka Vemana ay yihiin qaraabadooda, mar kasta oo uu halkan yimaadana uu dhawro dhaqanka iyo caadooyinka dadka u dhashay goobtan, isna taasi dhib uma arko.
Mahesh wuxuu sharxayaa, "Waxaan kabaha isaga soo siibnay meel ka baxsan tuuladan, haddii aad rabto inaad gasho guri halkan ku yaalla, waa inaad marka hore qubeysato, ka hor inta aan laguu oggolaan" waxbarashadu maaha mid ka mid ah shuruudaha tuuladan, sababtoo ah xitaa kuwa yaqaana sida wax loo akhriyo iyo qorista, marka ay timaado in aan kabaha la xiran, si fiican ayay u raacaan dhaqankan" ayuu yiri.
Dadka tuuladan waxay isku haystaan inay ka tirsan yihiin qowmiyadda Palvekari.
Dadka halkan joogga, ayaa waxa lagu tiriyaa inay yihiin kuwo aan la jaan qaadin caalamiyaynta oo ka dib dhacay horumarka.
Dhammaan dadka tuuladan deggan waxay ka tirsan yihiin hal qabiil, waxayna xiriir la leeyihiin meel ka baxsan tuuladooda ee maaha dad kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadku ma tagaan cisbitaalka marka ay jiran yihiin
Dadkani waxay had iyo jeer ku tukadaan salaadda Puja iyo macbadka qadiimiga ah. Iyagoo aaminsan in 'Ilaah uu wax walba ilaalin doono', dadka tuuladan ma tagaan isbitaalka.
Madaxa tuulada Erabba ayaa sharaxaya, "Xitaa haddii masku na qaniino, waxaan aaminsanahay in Ilaaheen uu bogsiin doono, ma tagno wax isbitaal ah, waxaan ku wareegnaa buurta loo yaqaan buurta masduulaaga ah iyo hareeraheedaa."
Marka ay timaado in caruurtu iskuulada tagayaan iyaga oo wata direys dhameestiran, kabana ma xirtaan, kabo la’aan ayay dhigtaan, mana cunaan qadada iskuulka laga bixiyo, hadii uu ku yimaado shilna waa ay ka baxaan. Qofka u yimaada bulshadani, waxaa loo ogol yahay inuu galo oo keliya tuuladani, ka dib marka uu ruuxu qubaysto.
Bhavita, oo ah haweeney ka timid tuulo deris ah la ah tuuladani, ayaa sheegtay in dadka tuuladan aysan haweenka uurka leh geynin isbitaalka. Wax walba waxaa lagu dhameeyaa guriga, xitaa haddii ay tahay umulid, waxay leeyihiin umulisooyin takhasus leh oo joogga tuulada.
Bhavita ayaa intaa ku dartay "Carruurta aadday dugsiga ma cunaan qadada halkaas lagu siiyo. Waxay u soo noqdaan guriga, si ay u qadeeyaan, ka dibna waxay ku noqdaan dugsiga."
Qowmiyadda Dalit-ka looma ogola inay galaan tuuladan

Gelista qowmiyadda Dalit-ka ee tuuladani waa mamnuuc. Dadka tuuladaasi xataa lama hadlaan dadka u dhashay qowmiyadda Dalit-ka.
Arrinta la yaabka leh, ayaa ah in tuuladan dumarka lagu qasbo inay joogaan meel ka baxsan tuulada, xilliyada ay tahay dharaarta cad, dadka halkan joogana aad uma isticmaalaan Shabakadaha Bulshada, amaba lama socdaan waxa ka socda warbaahinta.
Babu Reddy oo ah maamulaha kaydka raashinka, ayaa sheegay in xitaa haddii qofka imanaya uu yahay sarkaal ama xildhibaan, waa inuu kabaha isaga siibo meel ka baxsan tuulada.
Dadka loo qorsheeyay inay tuuladan yimaadaan, looma ogola inay tuulada soo galaan ama la hadlaan dadka deegaankan, haweenkana waxaa ku adag inay joogaan meel ka baxsan tuuladooda, ugu yaraan shan maalmood inta ay caadada qabaan.
“Waxa jira qolal gaar ah oo tuulada bannaankeeda laga dhisay, oo ay dumarku maalmaha ay caadada qabaan ay tahay iney halkaasi ku jiraan, dhammaantoodna waa inay habeen iyo maalinba hal qol ku wada jiraan, qolalkaasi lacag la’aan maaha, shantii maalmoodba lacag ayaa la qaadayaa, lacagtana waa loo isticmaalayaa horumarka tuulada.
















