Wax ka ogow shan arrimood oo uu ka hadlay raysal wasaare Xamse
Xigashada Sawirka, Sonna
- Author, Nimaan Osman
- Role, BBC Somali
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Raysalwasaaraha Soomaaliya oo xalay madal furan oo su'aalo toos ah loo weyddiinayay la qaatay qaybo ka mid ah dadweynaha Muqdisho ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay arrimaha hannaanka doorashada ee lagu muransan yahay, khilaafka dawladda federaalka kala dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland, sharciga cusub ee dal-ku-galka iyo hankiisa siyaasadeed ee ku aaddan in uu isu soo taagi karo jagada ugu sarraysa dalka.
Arinta Jubbaland iyo Puntland
Xigashada Sawirka, Sonna
Raysalwasaare Barre oo ka jawaabayay su'aal laga weydiiyay khilaafka aan muddada dheer loo maaro heli ee ka dhex aloosan dawladda federaalka iyo mamaullada Jubbalanad iyo Puntland ayaa ku dooday in labadaas maamul tabashooyinka ay qabaan ay kala duwan yihiin.
"Puntland iyo Jubbaland isku kiis ma ah. Way kala duwan yihiin, gaar ahaan marka ay arrimaha doorashada timaaddo. Puntland way ka horraysaa dalka intiisa kale. Markii aan soo gaadhno ayaan ka wada hadli doonnaa. Tan [doorashada] maxalliga ah, iyadu waa ay u samaysan tahay, midda maamul-gobleedkana xilligeedii lama gaadhin. Waxaan isugu iman doonnaa midda federaalka," ayaa uu yidhi.
Raysalwasaaraha ayaa intaasi raaciyay in ay Puntland la fadhiisan doonaan oo ay kala hadli doonaan arrimaha doorashada.
"Markii aan tan dhammaynno, Puntland waan la fadhiisan doonnaa. Waxaan kala hadli doonnaa arrimaha doorasahda soo socota ee qof iyo codka ah. Lagama boodi karo Puntland, annaguna way naga go'an tahay in aan la fadhiisanno," ayuu hadalkiis araaciyay.
Raysalwasaaruhu waxa uu carrabka ku dhuftay khilaafka Jubbaland kala dhaxeeya dawladda federaalka.
"Jubballand waxa ay la kiis tahay koonfurta. Iyaga waxa waajib ku ah in ay la jaanqaadaan oo diiwaangelinta laga bilaabo. Heshiisyada oo dhan qayb ayay ka ahaayeen, go'aannadana way ku jireen."
Qorshaha doorasho qof iyo cod ah
Xigashada Sawirka, SONNA
Dhinaca kale Raysalwsaare Barre jawaab celin ka bixiyay su'aalo furan oo ay bulshadu si toos ah u weyddiinayeen ayaa ka hadlay arrimaha ku aaddan hannaanka la isku mari laya'ay ee doorashooyinka soo socda. Waxa uu gaanshaanka dhuftay nidaamka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ay ku dhaqmaysay muddada dheer.
"Wax teendho la yidhaahdaa ma jiraan. Dunida waddamda nidaamka baarlamaanka ku dhaqma iyo doorashaada qof iyo codka ah ma ah wax is diiddan. Xildhibaannadu waxay ka soo baxayaan xisbiyada. Baarlamaanka waxa lagu fadhiisan doonaa axsaab. Madaxweynaha waxa lagu dooran doonaa waa xisbiyada. Haddii laga guuro nidaamka madaxweynaha oo loo guuro nidaam baarlamaani ah kama dhigna in teendhadii lagu laabtay," ayaa uu raysalwasaaruhu uu hadlkiisa raaciyay.
Nidaamka cusub ee dal-ku-galka
Xigashada Sawirka, Horn Diplomat
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raysalwsaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrinta hadal-haynta dhalisay ee ku saabsan nidaamka cusub ee dal-ku-gallada Soomaaliya (E-visa). Qorshahan ayaa waxa qaadacay Soomalilaand iyo Puntlaand.
"Puntland iyo Soomaliland isku kiis ma ay ahaan jirin. Laakiin, si guud dadka oo dhan waxa ay og yihiin dawladda federaalka ayaa matasha dadka oo dhan. Iyada ayaa dastuurku siinayaan maamulidda xaduudaha laga soo galo dalka. Ciiddi ku haysata waa in ay iyada iyo dastuurku soo heshiiyaan. Dhinaca kale waa tallaabo kale oo aan dunida kula jaanqaadaynno, dhinaca fududaynta iyo amniga. Kuma aannaan talagelin in waddanka labo lacagood laga qaado.
Waxa se aan qaadaynaa lacago la mid ah kuwa dunida kale ay qaadaan. Waxaan rabnaa in aan ka heshiinno oo arrintani aanay muran gelin. Sida aan sheegay arrin ay dawladda federaalku leedahay. Soomalilaand waa kiis gaar ah, Puntlaand-na waxa aan rajaynayaanaa ugu dambayn in ay xaqiiqada timaaddo oo aan la heshiinno," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Damaciisa in uu Madaxweyne noqdo
Xigashada Sawirka, SONNA
Xamse Cabdi Barre, Raysalwsaaraha Soomaaliya ayaa geesta kale waxa uu caddeeyay in xilligan aanu damacsanayn in uu iska garab sharraxo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Isaga oo ka jawaabaya in uu han ka leeyahay jagada ugu sarraysa oo uu rabo in uu isu soo taago xilka madaxtinnimo ayaa waxa uu yidhi:
"Aniga, waxa laga yaabaa dhaqan ahaan in aan ka duwan ahay dad badan. Anigu madaxweynihii i magacaabay isla ma sharraxayo. Dadka oo dhan waan u sheegaa middaas. Way iska caddahY. Haddii uu isagu iska daayo ma garan karo waxa aan samayn doono. Madaxweynihii furasadda ii siiyay in aan caawa idin hor fadhiyo ee dadka Soomalaiyeed i baray. Laga ma yaabo in aan soo garab fadhiisto oo aan iska garab sharraxo. Taas ma aha mid aan qarsanayo."
Doodda dhulka dadweynaha
Qodob kale oo ku jiray su'aalihii la weydiiyay raysalwasaaha intii ay socotay madashan oo qaatay in ka badan laba saacadood, waxa raysalwsaaraha wax laga weyddiiyay muranka in muddo ka taagnaa qaabka ay dawladdu u maamulayso dhulka dadweynaha.
Raysalwasaaraha oo si kulul uga jawaabay ayaa yidhi:
"Qofnaba dhulkiisa laguma xadgudbi karo. Haddii ay dhacdana waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwoodo. Maxkamadaheennu sumcad ayay leeyihiin hadda. Dawladdu kuma xadgudbi karto. Haddii uu jiro qof dhul la siiyay oo ku darsaday dhul kale oo dadweyne, waa dambiile waana in tallaabo laga qaadaa."
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo