Siday dadkani noloshoodu ugu maareeyaan sabuulka?

Qoraalka Muuqaalka, sabuul

Xilliyadan oo kale marka ay beeraleydu goosato tacabka beeraha gaar ahaan galleyda, waxaa suuqyada magaalooyinka qaar ee Soomaalida lagu arkaa dad dakhli ka samaynaya Sabuulka ama Xasiidda oo ay ku dubaan hareeraha waddooyinka.

Magaalooyinkaasna waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho oo lagu arko dadka ka ganacsada sabuulka ama xasiidda oo ku dubaya kuna iibinaya hareeraha waddooyinkaas, si ay u helaan dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda iyo midda reerahoodaba.