Maxaa ka jira in TikTok xogtaada la wadaagto sirdoonka Shiinaha?

Shiinuhu waxaa laga sheegaa qatar amni oo laga badbadiyay taas oo ah dacaayado laga sameeyo shirkadda TikTok ee Shiineyska ah. Hay’adaha dawladda Maraykanka ayaa la amray in dhamaan shaqaalahoodu ay aaladahooda ka tiraan App ka TikTok muddo soddon cisho gudaheed ah, sababo la xiriira cabsi laga qabo amniga internetka. Talaabooyin kuwaas lamid ah ayaa waxaa qaaday dawladdaha Canada iyo Midowga Yurub.
Sanadkii 2020 kii shirkadda TikTok waxay ka badbaaday in app kooda suuqa leh laga mamnuuca Maraykanka, waqtigaas oo uu joogay madaxweyne Donald Trump, maalin walba waxay la kulmi jireen su’aalo aad u fara badan oo ku saabsan sida lagu aamini karo app kooda.
Waxaa mahad leh doodii si balaaran Meesha uga saartay caqabadihii sharci ee isku qasnaa – taas oo ugu dambeyn dhamaatay sanadkii 2021 kii, markii madaxweyne Joe Biden uu Meesha ka saaray soo jeedintii madaxweyne hore Trump.
Hadaba maxay yihiin walwalka amni ee dhinaca internet ka ah eel aga qabo shirkadda TikTok, sideese uga jawaabtay shirkaddu?

Xigashada Sawirka, Getty Images
1.TikTok waxay aruurisaa caddad aad u tiro badan oo xogo ah.
Dadka dhaliila inta badan waxay ku eedeeyaan TikTok in ay aruuriso caddad badan oo ah xogta dadka isticmaala. Warbixin la xriirta amniga internet ka oo la daabacay sanadkii 2022 kii oo ay sameysay shirkadda Cilmibaarayaasha Internet ka ee 2.0 oo fadhigeedu yahay Australia, ayaa inta badan loo soo xigta cadayn ahaan.
Cilmibaarayaasha ayaa ogaaday in app ku uu sido “xogo aad u culus”. Falanqeeyayaal ayaa Iyana sheegay in TikTok ay aruursato xogo daqiiq ah oo ku saabsan halka uu joogo qofka isticmaala, aaladda saxda ah ee uu isticmaalayo iyo madalaha kale ee aaladiisa ku jira.
Si walba, tijaabo tan lamid ah oo ay sameeyeen hay’adda lagu magacaabo Sheybaarka Muwaadinka, ayaa ku soo gabangabowday: “Marka la barbardhigo baraha kale ee bulshado ku kulanto, TikTok waxay aruuriyaan xogo lamid kuwa ay shirkadahu ku tixraacaan dhaqanka dadka macaamiishooda ah”.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si lamid ah, warbixin ay dhawaan daabaceen Machadka Tiknoolajiyadda ee Georgia bishii January ayay ku sheegeen: “Xaqiiqada ayaa ah in inta badan baraha bulshada iyo madalaha kale ee taleefanada in ay sameeyaan inta TikTok lagu dhaliilo oo kale”.
2.TikTok waxaa isticmaali kara dawladda Shiinaha oo ku basaasi karta macaamiisha.
Haweeneyda afhayeenka u ah TikTok ayaa BBC da u sheegtay in Shirkaddu ay si buuxda u madaxbanana tahay aysanna dawladda la wadaagan xog macaamiishoodu leedahay, waliba hadii la waydiisto xataa aysan la wadaagi lahayn.
Inkasta oo ay halis ku tahay xogta gaarka ah ee qofka, inta badan dadka ayaa aqbala in ay gacan galiyaan xogohooda gaarka ah, waana heshiis ay la galaan baraha internet ka.
Si aan uga badalano in ay adeegyadooda bilaash nagu siiyaan, waxay aruursadaan xogaheenna taas oo ay u isticmaalaan xayaysiimaha ay ku sameeyaan madalahooda, ama ay uga iibsadaan shirkado kale oo doonaya in ay xayaysiin ku sameeyaan bare kale oo internet.
Arrinta inta bada lagu dhaliilo TikTok ayaa ah in ay leedahay Shirkaddda saldhigeedu yahay Beijing ee ByteDance, taas oo wax aan horay loo arag ka dhigaysa in app kaan wayn uusan ahayn mid laga leeyahay Maraykanka. Facebook, Instagram, Snapchat iyo Youtube, dhamaantood caddad ballaaran oo xogaha dadka isticmaala ah ayay aruursadaan, balse iyaga Maraykan ayaa laga leeyahay.
3. TikTok waxaa loo isticmaali karaa qaab “lagu marin-habaabiyo dadka”
Bishii Nofeember ee sanadkii 2022 kii, Christopher Wray oo ah agaasimaha FBI da Maraykanka ayaa u sheegay baarlamaanka: “Dawladda Shiinaha waxay kontorooli kartaa nidaamka talo bixinta, kaas oo loo isticmaali karo in saamayn lagu yeesho hawlgaladda.”
Walwalkaas waxaa dab ku sii shiday xaqiiqada ah in TikTok ay la mataan tahay app ka, Douyin – oo laga isticmaali karo kaliya gudaha shiinaha – kaas oo si wayn loo faafreebo sida la sheegayna loo qaabeeyay in lagu dhiiri galiyo waxbarashada iyo in muuqaallo caafimaadka u wanaagsan ay caan ka dhex noqdaan.
Bilowgii markii uu TikTok dardarta ku qabsaday internet ka, waxaa jiray kiisas aad u sareeya oo la xariiray faafreeb lagu sameynayay app ka: Qof Maraykan jooga oo isticmaalayay TikTok ayaa laga xanibay ciwaankiisii maadaama uu ka dooday sida uu Shiinuhu ula dhaqmo muslimiinta Xinjiang; kadib kacdoon culus oo ka yimid bulshada isticmaasha, TikTok raali galin ayay ka bixisay arintaas, ciwaankiina dib ayay u soo celisay.
App kaan ayaa horay looga mamnuucay India, taas oo talaabo ka qaaday app kaan iyo kuwo kale oo laga lahaa shiinaha.
Laakiin sidoo kale hadii laga mamnuuci lahaa Maraykanka ayay saameyn aad u xoogan ku yeelan lahayd madashaan, maadaama xulufada Maraykanka ay qaadaan talaabooyin lamid ah kuwa uu go’aansado Maraykanku.










