Dowlad Muslim ah oo ka hadashay muuqaal "anshax-xumo ah" oo laga faafiyay

sawir booliska Iraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Muqaal galmo ah oo lagu duubay gudaha Iiraan ayaa sababay in shaqada laga joojiyo sarkaal u qaabilsanaa horumarinta qiyamka Islaamka - waxayna mas'uuliyiinta ku kalliftay in ay dafiraan in ay hab-dhanqankan lagu soo edeeyay masuulkan ay ka sii war haayeen.

Muuqaal la soo dhigay internet-ka ayaa la sheegay inuu muujinayo madaxa dhaqanka iyo hanuuninta Islaamka ee gobolka Gilan, Reza Tsaghati, oo galmo la sameynaya nin kale.

Si dhab ah looma xaqiijin sax ahaanshiyaha muqaalka iyo dadka muqaalka kujiro.

Mr Tsaghati ayaa xilka laga xayuubiyay iyadoo mas'uuliyiinta ay arrintan baarayaan.

In dadka isku jinsiga ah wax iska doonaan waa sharci darro gudaha Iiraan, iyadoo dadka LGBT+ ay halis ugu jiraan dhibaatayn, xadgudub iyo in rabshado lagula kaco.

Muuqaalka – oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada – ayaa caro ka dhaliyay dhanka internet-ka. Mr Tsaghati waa aasaasaha xarun dhaqameed oo diiradda saaraysa cibaadada iyo xijaabka.

Sabtidii, wasiirka dhaqanka ee Iiraan Mohammad Mehdi Esmaili ayaa sheegay in aysan jirin warbixinno sheegaya in Mr Tsaghati dhaqankiisa xun yahay wixii ka horreeyay muqaalkan hadda la faafiyay.

Qaar ka mid ah shacabka Iiraan ayaa sheegay in xil ka qaadistii Mr Tsaghati ay muujineyso farqiga u dhexeeya sida saraakiisha Iiraan loola dhaqmo marka lagu eedeeyo dambi marka loo eego bulshada LGBT+, ama haweenka aan u hoggaansamin xeerarka Islaamka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu qabo sharciga Iiraan, ee ku saleysan shareecada Islaamka, xiriirka isku jinsiga ah waxaa loo arkaa dembiyo oo qofka lagu helo uu mudan karo xukun dil.

Ciqaabtan adag ayaa ah mid si dhif ah loo isticmaalo, laakiin bulshada LGBT+ waxay la kulmaan takoor maalinle ah.

Dumarka ayaa sidoo kale lagu ciqaabaa Iiraan sababo la xiriira in aysan qaadan xijaabka.

Mudaaharaadyo ka socda dalka oo dhan oo looga soo horjeedo xirashada qasabka ah ayaa qarxay Sebtembar, kaasoo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini oo 22 jir ah. Waxay dhimatay saddex maalmood ka dib markii ay xidheen booliska anshaxa ee Iran oo lagu eedeeyay inay ku xad-gudbtay xeerarka haweenka ee ah inay timaha daboolaan.

Saraakiisha Iiraan ayaa markii hore ka aamusay muqaalkan ka soo muuqaday baraha bulshada. Laakiin waaxda dhaqanka iyo hanuuninta Islaamka ee Gilan ayaa ugu dambayntii soo saartay bayaan 22 Luulyo. Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska loo gudbiyay ‘’hay’adaha garsoorka si si taxadar leh looga fiirsado’’, waxayna ka digtay adeegsiga muuqaalka “si loo wiiqo dhaqanka iyo sharafta leh Kacaanka Islaamiga ah”.

Waxay sheegtay in kiiska loo gudbiyay si taxadar leh looga fiirsado hay’adaha garsoorka, waxayna ka digtay adeegsiga muuqaalka “si loo wiiqo horgallada dhaqanka ee sharafta leh ee Kacaanka Islaamiga ah”.

Muuqaalka waxaa markii hore la soo geliyey barta Telegramka ee Radio Gilan.

Tifaftiraha ugu sarreeya warbaahinta Gilan, Peyman Behboudi, ayaa sheegay in kanaalka uu sii wadi doono soo bandhigidda "musuqmaasuqa ka dhex jira saraakiisha taliska." Iran.

Sawrka Mozhgan

Xigashada Sawirka, MOZHGAN KESHAVARZ/INSTAGRAM

Iiraan oo horay loogu eedeeyay inay haweenka ku qaawiso kaamirada horteeda

Haweenka ka soo baxay xabsiyada Iran ayaa ka sheekeyay arimo naxdin leh oo ku qabsaday xabsiyadii ay ku jireen, taas oo ah in lagu qaawiyay kaamirada horteeda.

‘Hawenka qaar way isaga tageen waddanka sababo la xariira ciqaabtii ay ku mareen xabsiyada Iran’ sidaas waxaa u sheegtay mid kamid ah haweenka oo BBC u warrantay.

Sida ay sheegtay, xabsiyada Iiraan maxaabiista dumarka ah waxaa lagu qasbaa inay bixiyaan suufka caadada loo xirto iyo maryaha kale ee ay ka xirtaan dhiigga, waxaana loo shegaa inay taagnaadaan.

Mozgan Keshvarz oo ah haweeneey saddex sano ku qaadatay xabsiyada Evin iyo Qarchak ee Iran ayaa tiri: “Waxyaabaha qaar waxaa loo sameeyay si naloo qab jabiyo,”.

Mozgan saddex mar ayaa dharka looga hor bixiyay kaamirada si loo baaro. Xataa gabdhihii booliska ahaa ayaa sawiro ka qaaday iyada oo dhar la’. Waxaa xabsiga laga sii daayay sanadkii 2022 kii.

Mozgan waxay isku dayday in ay diido dharbixinta. Balse taliyaasha xabsiga ayaa u sheegay in ay qasab tahay in sidaas la sameeyo.

Waxay sheegeen maamulka xabsiyadu in sawirada loo qaado si haweenka qaar aysan u dhihin hadhaw waa nala jirdilay.

“Yaa daawada muuqaallada iyo sawiradaas? Dawladdu ma waxay u isticmaali doontaa hadhoow in nala aamusiyo?” ayay tiri Mozgan oo cabsi dareemeysa.

Mozgan sawiro badan oo aysan xijaab xiranayn ayaa ku jira Insgram keeda. Waxaa lagu eedeeyay inay wax u dhintay amniga waddanka, Islaamka bahdishay, sidoo kalana ay faafineysay borobogaando ka dhan ah Iiraan iyo sidoo kale musuqmaasuq.

Waxaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah. Sidoo dhawaan waxaa lagu xukumay eedeymo la xariira musuq. Balse ugu danbayn waa ay isaga soo tagtay Iran, iyada oo la hadashay BBC.Sanado badan maxaabiista loo soo xiro dambiyada la xiriira daroogada waa la qaawinaya si loo baaro, sidaas waxaa BBC u sheegtaay haweeneey laga soo daayay xabsi ku yaalla Iiraan.

Balse waxay sheegtay in haweenka si wanaagsan u dhaqma arrintaas laga dayn jiray. Waxay sheegtay in waligeed aan maryaha looga hor bixin kaamirada horteeda.

Dhanka kale bilowgii 2023 garsoorka dalka Iiraan ayaa sheegay in arrintaan ay borobogaando tahay, loogana soo horjeedo dawladda.

Balse dhammaadkii June, madaxa cadaaladda Iiraan ayaa qiray in muuqaalo laga duubo maxaabiista dumarka ah balse ay shaqadaas qabtaan haween kale oo boolis ah.