Sababta aan magacyada dadka u ilowno iyo sida looga hor tago
Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Tom Stafford
- Role, Author
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Translation
Ilowshaha magacyada dadku waa mid ka mid ah meelaha ay xusuusteennu innaga gabto, balse waxaa jira siyaabo kuu sahlaya in aadan magacyada iloobin, ayuu yiri Tom Stafford oo ku takhasusay cilminafsiga.
Akhriste lagu magacaabo Dan, ayaa yiri, ”Maxaan u ilownaa magacyada dadka marka ugu horreysa ee aan kulanno? Waxaan xasuusan karaa xogta kale ee qofka ku saabsan oo dhan, balse waxaan iloobaa magaca qofka gebi ahaanba. Xitaa annaga oo yeelannay wada sheekaysi dheer oo waliba qoto dheer leh. Waan yaxyaxaa runtii.”
Nasiib wanaag jawaabtu waxay ku xiran tahay in aan baranno wax ku saabsan aasaaska dabiiciga ah ee xusuusteenna. Waxay sidoo kale kaa ilaalin doontaa ceebta kaa soo gaaraysa bulshada, sida in aad qof saacado dhan la sheekaysato balse aad magacoodii iska ilowdo, taas oo qofku u fasiran karo in aadan danaynayn sheekada amaba qofka laftiisa.
Si aad u ogaato sababta tan ka dambeysa, waa in aad fahanto in maskaxdeenu aysan ahayn nidaam qolladeysan oo shay walba meel u gaar ah leeyahay kadibna magacyo iyo calaamado lagu kala garto leh oo aysan jirin meel ku calaamadaysan ”magacyo”.
Balse maskaxdeennu waxay u shaqaysa qaab isla xiriirin ah. Waxay ka samaysan tahay qaabab macluumaad isla xiriira. Tani waa sababta aan riyo-maalmeed u riyoonno, tusaale: waxaad aragtay in buugga aad akhrinayso lagu daabacay Muqdisho, iyo in Muqdisho ay hoy u tahay xeebta liido, in ina-adeertaa Maryan ay xeebta liido joogtay toddobaad ka hore, Maryan-na waxay jeceshahay jalaatada. Kadibna waxay maskaxdaadu is weydiinaysaa, tolow Maryan ma biyaha badda ayey jalaato la gashay? Qaabka ay xusuusteenno u shaqayso waa isku xiristaas waxayna welogeed wadaysaa in waxba wax ay kusii xirto, ma aha sida macquul u yahay waxa aad ku fikirayso ee waa wakhtiga, goobta, sida aad u baratay macluumaadka iyo macnaha.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Isla shabakaddan wax isla xiriirisa ayaa ka dhigan inaad jawaabta ka qiyaasi kartid su’aal. Jawaab: "Xeebta Liido?" Su'aal: "Meel caan ka ah Muqdisho." Tani waxay ka dhigaysaa xusuustaada mid faa'iido leh, sababtoo ah inta badan waxaad si fudud uga bixi kartaa nuxurka adiga oo u gudbaya magac: "maxaa ku jira khaanadda sare?" ma aha su'aal aad u xiiso badan, laakiin waxay noqonaysaa marka aad u baahan tahay jawaabta "away furayaashaydii?".
Haddaba si loogu talagalay ayey xusuustu qaabkan ugu sameysan tahay, hadda waxaynu arki karnaa sababta aynu magacyada u ilowno. Xusuusteena waa cajiib, waxay maskaxdeennu ka jawaabtaa inta jeer ee aynu wax kale kusii xirnay xigta aan helnay, ee micnaheedu ma aha in aynu doonayno in aan ilowno magaca.
Marka ugu horraysa ee aad qof la kulanto waxa aad barataa magaciisa, laakiin xusuustaadu waxay magaca u aragtaa in uu yahay xog aan loo baahnayn oo aan ku xidhnayn wax kale oo aad sii garanaysay, kaas oo aan ku xidhnayn dhammaan waxyaabaha kale ee aad hadhow ka baranayso qofkan. Wada sheekaysiga ka dib, oo ay u badan tahay inaad qofka wax ka barato,sida shaqadiisa, iyo waxyabaha uu jecel yahay, iyo qoyskooda ama wax uun kale, macluumaadkan oo dhan waxay maskaxdaadu u aragtaa kuwa iskuwada xiran.
Ka soo qaad inaad la hadlayso nin shaati buluug ah sita oo jecel kalluumaysiga oo ka shaqeeya iibinta baabuurta, laakiin doorbidaya inuu iska daayo inuu iibiyo qalabka kalluumaysiga. Hadda haddii aad wax yar oo xog ah ka xasuusan karto wada sheekaysigii sida, ("baabuurta iibiya") waxaad raaci kartaa silsiladda si aad u gaarto kuwa kale (" baabuurta iibiya laakiin wuxuu rabaa inuu iska dhaafo ", "wuxuu rabaa inuu iska daayo inuu iibiyo qalabka kalluumeysiga", "jecel kalluumeysiga". "iyo wixii la mid ah).
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhibaatadu waxay tahay in magaca saaxiibkaaga cusub aanu helin wax muhiimad siin ah sababtoo ah waa xog yar oo aan oo gooni u taagan taas oo aadan ku xirin wax kale oo ka mid ah macluumaadkii aad ka baratay.
Nasiib wanaag, waxaa jira habab lagu xoojinayo isku-xiryadaas si xog waliba oo aad hesho ay u noqoto mid si toos ah ugu xiran kuwa kale. Waa kuwan sida loo xasuusto magaca, adigoo isticmaalaya mabaadi'da aasaasiga ah ee xusuusta.
Marka hore, waa inaad ka daba dhahdaa magaca marka uu qofku kuu sheego. Ku celintu waa mid ka mid ah xeerarka dahabiga ah ee waxbarashada: ku celcelinta badan waxay keentaa xasuus adag.
Intaa waxaa dheer, markaad isticmaasho qof magaciisa waxaad la xiriirinaysaa naftaada, ficil ahaan marka aad ku dhawaaqayso magaca, laakiin sidoo kale waxaad la xiriirinaysaa waxa aad markaas ka hadlaysaan ("Marka, Yaxyeow, maxay tahay waxa xiisaha badan ee ku saabsan kalluumaysiga ee aad sidan oo dhan ugu jeclaatay?").
Marka labaad, waa inaad isku daydaa inaad ku xidho magaca aad hadda baratay wax aad hore u taqaanay. Dhib malaha haddii isla xiriirintu ay kuula muuqato mid aan micno ku fadhin, waxa kaliya oo muhiim ah inaad hesho xiriir si aad magaca ugu dhejiso xusuusta.
Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in ninka la yiraahdo Yaxye, saaxiibkaagii dugsiga sarena waxaa la oran jiray Yaxye, inkastoo ninkani uu xiran yahay shaati buluug ah, Yaxyihii dugsiga sare wuxuu mar waliba xiran jiray mid madow, sidaas darteed waligiis ma xiran buluug. Waa isla xiriirin doqonnimo ah oo la sameeyay, laakiin waxay kaa caawin kartaa inaad xasuusato.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu dambeyntii, waxaad u baahan tahay inaad isku daydo inaad ku xirto magaca qofka, wax kale oo isaga ku saabsan. Haddii ay aniga ahaan lahayd waxa aan qaban lahaa waxa ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhaca si aan u kala saaro magaca iyo waxa aan isaga ka bartay. Tusaale ahaan, Yaxye waa mid ka mid ah nabiyada, Yacquub oo isna nabi kale ah wuxuu magaciisu ka bilowdaa Y, sida Yuunis oo kale, oo uu nibiri badda dhexdeeda ku liqay, Yaxye-hanna wuxuu jecel yahay kalluumeysiga, laakiin waxaan hubaa in uu jecelyahay qabashada kaluunka inta uu kaluunku isaga qaban lahaa.
Dhib ma laha haddii isku-xiryada aad sameysid ay yihiin kuwo aan fiicneyn ama la yaab leh. Uma baahnid inaad qofna u sheegto. Dhab ahaantii, malaha way fiicantahay haddii aanad cidna u sheegin, gaar ahaan saaxiibkaaga cusub! Laakin isku xiriddu waxay kaa caawin doontaa in aad shabakad isku wada xiran ka samayso maskaxdaada, shabakaddaasina waxay magaca saaxiibkaaga cusub ka ilaalinaysaa in uu ka boxo kaydka xasuustaada si aadan waji gabax ula kulmin marka aad qof kale baraysid Yaxye ee uu magciisu kuu gambiyo.
Haddii aad ka shakisan tahay, tijaabi tijaabadan degdegga ah. Saddex magac ayaan ku sheegay intii maqaalkan socday. Waxaan sharad ku gali karaa inaad xasuusato Yaxye, oo aan ahayn Yuunis. Waxaana laga yaabaa inaad xasuusato inaadeertii Maryan (ama ugu yaraan in ay jalaatada jeceshahay). Laakiin ma xasuusan kartaa magaca akhristaha su'aasha waydiiyay? Taasi waa ta kaliya ee aan soo bandhigay aniga oo aan faahfaahin ka bixin qaar ka mid ah lifaaqyada ku xeeran magaca, waana sababta aan sharadka ugu galayo in uu yahay kan kaliya ee aad illowday.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo