Madaxweyne ku xigeenka Jubaland: Waxaan ka walaacsanahay maamul dowladda federaalku ka dhisayso Garbahaarey
Xigashada Sawirka, Madaxweyne ku xigeenka Jubaland
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo
Maamulka Jubaland ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ay ka waddo abaaul ay maamul ugu sameynayso deegaannada Jubaland maadama dowladdu aaney aqoonsaneyn maamulka hadda jira sida marar badan ay sheegeen madaxda sare ee dowladda federaalka.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in Garbahaarey ay joogaan howl-wadeenno ay dowladdu soo dirtay isla markaana magaalada ku dhejinayaan boorar ka turjumaya maamulka la doonayo in halkaa laga yagleelo
Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan wax uga waydiino arrintaan, weli wax jawaab ah kamaana helin.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}