Waa kuwee dalalka taageerada u muujiyay Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Caalamka ayaa u muuqda mid labo u kala qeybsan, kadib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerar ku qaadeen Iran.

Inkastoo waddamo badan ay taageereen Israa'iil iyo Maraykanka, haddana waxaa jira kuwo taageeray Iran.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira dalal badan oo aan dhexdhexaad ahayn, oo si taxadar leh uga hadlay dagaalka. Waxay ka hadlaan nabadda laakiin ma sheegaan inay taageeraan dhinacna.

Hoggaamiyeyaal badan oo Iran ah ayaa la dilay oo uu ku jiro Ayatollah Ali Khamenei. Iran oo aargoosi ka dhiganeysa ayaa bartilmaansatay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalalka Khaliijka.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa dareenkooda muujiyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hindiya maxay tiri?

Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu kula hadlay qadka telefoonka Axaddii waxayna ka hadleen xaaladda.

Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in "Hindiya ay ka walaacsantahay dhacdooyinkii u dambeeyay, badqabka muwaadiniinteedana ay tahay in mudnaanta la siiyo."

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Kahor maalintaas, Modi wuxuu la hadlay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Modi ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday boqortooyooyinka Carabta, wuxuuna Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan uga mahadceliyay ilaalinta muwaadiniinta Hindiya ee ku nool dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda gobolka Khaliijka.

"Hindiya waxay aad uga walaacsan tahay is-bedellada cusub ee ka dhacay Iran iyo gobolka Khaliijka, waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay taxaddar muujiyaan oo ay wax walba ka hormariyaan badqabka muwaadiniintooda, kana fogaadaan inay sii huriyaan colaadaha," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Xigashada Sawirka, X / Keir Starmer

Britain ayaa sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin weerarka Iran

Britain ayaa aqbashay codsiga Mareykanka ee ah inuu adeegsado saldhigga milatariga Britain si uu isaga difaaco weerarrada gantaalaha Iiraan.

Raysal Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa warkaas sheegay wuxuuna intaa ku daray in lagu saleeyay cashar laga bartay dagaalkii Ciraaq.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dalkiisa uusan ku lug yeelan doonin weerarka Iiraan.

Starmer ayaa sheegay inuu oggolaaday codsiga Mareykanka sababo la xiriira iskaashiga dhanka milatariga.

Waxaa intaa dheer, Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo saaray war ay ku cambaareynayaan falalka Iran ee la xiriira weerarrada Galbeedka Aasiya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Yey dalalka Yurub taageereen?

Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu horey cunaqabateyn ugu soo rogay maamulka Iran.

"Dhammaan dhinacyadu waa inay muujiyaan dulqaad si loo ilaaliyo nolosha dadka, waa in la ixtiraamaa sharciga caalamiga ah," ayay tiri.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegay inay taageerayaan muwaadiniinta Iran.

"Waxaan garab taagannahay shacabka Iran, kuwaas oo la dagaallamaya dulmiga" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese. Waxa uu intaasi ku daray inuu taageersan yahay dadaalka Maraykanka ee looga hortagayo inay Iran hesho hubka nukliyeerka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalalka Gacanka oo digniin u diray Iran

Waddamada xubnaha ka ah golaha iskaashiga Khaliijka ayaa Axaddii kulan ka yeeshay khasaaraha ka dhashay weerarradii Iran. Goluhu wuxuu sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay goobaha la deggan yahay iyo kaabayaasha rayidka.

Waddamada ayaa sheegay in Iran ay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah.

GCC waxaa ka mid ah Imaaraadka Carabta (UAE), Bahrain, Saudi Arabia, Oman, Qatar, iyo Kuwait.

War saxaafadeed ay soo saartay GCC ayaa Iran ugu baaqday inay joojiso weerarada, iyagoo ka digay inay isticmaali doonaan dhammaan ciidamada ay awoodaan si ay u ilaaliyaan ammaankooda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay beegsanayaan dalalka deriska la ah.

"Annaga kuma weerareyno dalalka deriska nala ah ee Khaliijka, waxaan beegsaneynaa saldhigyada Mareykanka ee dalalkan, deriska waa in ay cabashadooda u gudbiyaan kuwa dagaalkan bilaabay" ayuu u sheegay Aljazeera.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Pakistan oo u baroor-diiqday Khamenei

Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid hoggaamiyihii ugu sarreeyay diinta Iran Ayatollah Ali Khamenei.

"Dowladda Pakistan waxay garab taagan tahay shacabka Iran saacaddan murugada leh, waxaan u tacsiyeynayaa shahiiday Ayatullah Sayyed Ali Khamenei," ayuu Ra'iisul Wasaare Shahbaz Sharif ku soo qoray X.com.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shiinaha oo taageeray Iran

Shiinaha ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iran iyo dilkii Ayatollah Khamenei.

Shiinaha ayaa sheegay in weerarradu ay ka soo horjeedaan ujeeddada iyo sharciga axdiga Qaramada Midoobay.

"Weerarka lagu qaaday Iran, iyo dilkii Hoggaamiyihii ugu sarreeyay, waa xad-gudub weyn oo ka dhan ah madax-bannaanida Iran, madax-bannaanida iyo amniga, Shiinaha si adag ayuu u cambaareynayaa weerarradaas," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Shiinaha ayaa sidoo kale ku baaqay in nabadda la ilaaliyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ruushka oo cambaareeyay weerarrada Mareykanka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa tacsi diray ka dib markii lagu dhawaaqay geerida hoggaamiyihii sare ee Iran Ali Khamenei.

"Dhimashada Ali Khamenei iyo qoyskiisu waa dil xadgudub ku ah qiyamka aadanaha iyo sharciga caalamiga ah," BBC Persian ayaa werisay.