Ursashada cadeyga ma lagu ogaan karaa kansarka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxyaabaha udgoon sida cadarrada ay banii'daanka isticmaalaan ayaa waxay kamid yihiin waxyaabaha uu isbeddalka u horseedayo garaadka macmalka ah ee loo yaqaanno Artificial Intelligence (AI) si tayadooda iyo waxtarkooda loo xoojiyo.
Dadaal badan ayaa la geliyay sidii lagu soo saari lahaa waxyaabaha udgoon ay banii'aadanka jecel yihiin iyadoo la adeegsanayo kombiyuutaro awood leh oo xog sugan kasoo saaro arrintaas.
Dhinaca kale, garaadka casriga ah ee macmalka ah ee AI waxaa lagu sameynayaa teknooloojiyad lagu ogaan karo cudurrada marka wax la ursado si sare loogu qaado caafimaadka banii'aadanka.
Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa sida urta loogu ogaan karo cudurrada iyadoo la adeegsanayo garaadka macmalka ah ee AI.
Sida lagu ogaan karo dhibaatooyinka ka dhasha urta
Shirkadda qaabilsan teknooloojiyadda ee sida xowliga ah ku socota ee Aryballe ayaa qiimeyn ku sameysay sida urta ay u saameyn karto caafimaadka.
Waxaa adag in la ogaado waxa ay ka turjumayso urta, mana ahan arrin fudud in la cabbiro.
"Waxaan u baahanahay garaadka macmalka ah ee AI maadama aanan faahfaahin ka bixin karin waxa ay ka dhigan tahay urta, waxa aan koombiyuutarada bareyna ayaa ah sida kani Farmaajo ama Cheese ama mirta Liinta" ayuu yiri Sam Gilume oo ah madaxa fullinta shirkaddan.
Waxyaabaha la ogaaday waxaa kamid ah in urta lagu ogaan karo cudurrada , tusaale ahaan, sanadkii la soo dhaafay garoonka diyaaradaha ee Helsinki dalka Finland waxaa la sameeyay tijaabo iyadoo eeyga loo adeegsanayo in lagu ogaado qofka inu qaba cudurka Covid-19 iyo in kale.
Waxay tijaabadan horseedi kartaa in lasoo saaro qalabka ogaan kara urta iyadoo lagula soconayo cudurrada gaar ahaan xilliyada ay soo ifbaxaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaa laga yaabaa in marka aan isticmaalayo cadeyga, in lagu xiri karo qalab digniin bixinaya oo la socon kara caafimaadka kaas oo kuu sheegi kara cudurka ku haya sida Kansaraka ama sokorta, qalabkan oo la ursanayo" ayuu yiri Sam Gilume.
Guilumi wuxuu rumeysan yahay in qalabyada casriga ah loo adeegsan karo garaadka macmalka ah ee AI si loola socdo xaaladda caafimaad ee qofka.
Wuxuu intaa ku daray in cadeyga (Toothbrush) lagu rakibi karo AI marka la isticmaalo kadib loogu ogaado cudurrada sida kansarka iyadoo la ursanayo.
Garaadka macmalka ah ee AI ayaa sidoo kale loo isticmaalaa marka la soo saarayo noocyo kamid ah cadarrada udgoonka leh , waxaa la darsayaa heerka iyo tayada carafta cadarka.












