Maxay ku qotontaa booqashada Rooble ee Qadar?

.

Xigashada Sawirka, SONNA

Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Wafddi u hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray dalka Qadar kadib markii uu casuumaad ka helay amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, sida ay sheegtay dowladda.

Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama aysan bixin waxa ay ku qotonto booqashada Ra'iisul Wasaaraha ee Qadar, balse dowladda waxay sheegtay in ujeedka booqashada xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas uu kaga qeybgalayo caleema saarka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Khilaafka madaxda

"Ujeedada booqashada Ra'isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Qadar, Ra'iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu.

Lama ogo in Qadar ay Ra'iisul Wasaaraha kala hadli doonto khilaafka siyaasadeed ee cirka isku shareeray ee kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Dolwadda Qadar ayaa lagu yaqaanaa inay si weyn u taagersan tahay dowladda madaxweyne Farmaajo.

Qadar waxay bishii May ee sanadkan kaalin weyn ka geysatay dib usoo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhex taagnaa khilaaf diblumaasiyadeed.

Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa dadaal ka geystay inay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu xilliggaas xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya. Waxay ka dmabeysay markii Amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, uu dadaal ka geystay in ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya

Qadar ayaa bilooyinkii la so dhaafay ku howlanayd xallinta khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex taagnaa Soomaaliya iyo Kenya.

.

Xigashada Sawirka, State House Kenya

Rashiid Cabdi oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika ayaa bartiisa Twitter-ka oso dhigay in Qadar ay ku tallaabsaneyso dadaallo ay ku dooneyso in wadahadal ay dhax dhigto Kenya iyo Soomaaliya ka hor go'aanka la filayo inay gaarto maxkamadda caddaaladda ee adduunka 12 Oktoobar kaas oo ku saabsan muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

"Qadar waxay bilaabeysaa wadahadal u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ka hor inta aanan la shaacin go'aanka dacwadda badda 12-ka Oktoobar"

"Xukuumadda Doha waxay ka tahay hor-deg diblumaasiyadeed oo ay ku baajineyso inuu mar kale uu sii xumaado Nairobi iyo Muqdisho."

Rashiid ayaa intaas ku daray in Doxa ay kaashaneyso xiriirka iyo maalgelinta labada dal ay la leedahay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dowladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay go'aanka dib loogu soo celiyay xiriirka labada dal uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin arrinta dacwadda badda ee labada dal.

Qadar iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeyaa xiriir qoto dheer, Qadar waxay Soomaaliya ka caawisaa mashruucyo horumarineed oo ay dalka ka fulineyso sida dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.