Alexander the Great: Waa kuma ninka sameeyay boqortooyadii awoodda badneyd isaga oo 32 jir ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu yaraa wuxuu lahaa awoodda ah in uu hoggaamiyo boqortooyo, dadkii goob joogaa ahaa xilliggaas waxay rumeysnaayeen in Alexander mar uun taariikhda lagu xusi doono.
Alexander markii uu 12 jir ahaa wuxuu si iskii ah u kaxeysan jiray fardaha, wuxuu ku caanbaxay markii uu yaraa in uu wato faras lagu magacaabi jiray Bucephalus.
Wuxuu ku dhashay dalka Macedonia sanadka marka uu ahaa 356 BC.
Dalkaas wuxuu dhacaa waqooyiga Giriigga ilaa iyo gobollada la isku yiraahdo Balkans.
Alexander aabihii waxaa dilay mid kamid ah ilaaladiisa, arrintaas oo horseeday in dagaal loo galo cidda xukunka la wareegaysa mar haddii la dilay boqorkii.
Dadaal dheer ayuu u galay sidii uu boqortooyada ula wareegi lahaa, wuxuu ciribtiray dhammaan dadkii isaga kasoo horjeeday, sidaas ayuu boqor ku noqday isaga oo 20 jir ah.
Alexander wuxuu boqor ahaa muddo 12 sano ah, wuxuu ciidamadiisa la safray ilaa 19,000 kiilo mitar.
Dhaqamadii Giriigga ee bartamaha Aasiya
Wuxuu cagta mariyay maamulkii boqorkii la oran jiray Darius III ee ka arrimin jiray halkaas, wuxuu dhaqankii Giriigga ku fidiyay bartamaha qaaradda Asia.
Markii dambe wuxuu la wareegay gobolladii dhici jiray galbeedka Giriigga dhulkaas oo maanta ah Pakistaan, Afghanistaan, Iran iyo Masar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Alexander waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah raggii ugu saameynta badnaa, gaar ahaan marka ay timaaddo hogaaminta militeriga.
Alexander hooyadii Olympias ayaa lagu tilmaamaa inay ka qeyb qaadatay in uu xilka qabto.
Waxbarashadiisa
Rachel Myers oo ah bare ka tirsan jaamacadda Reading oo ku taalla UK ayaa sheegtay in Alexander uu xilliggaas helay waxbarashadii ugu wanaagsaneyd.
Markii uu 13 jir ahaa waxaa macalimiintiisa kamid ahaa macalimiinta sida weyn ugu takhasusay cilmiga falsafadda sida Aristotle.
"Alexander wuxuu dhaqanka Giriigga ka bartay Aristotle, markaa waa sababta loo baray cilmiga falsafadda iyo suugaanta Giriigga" ayay tiri Rachel Myers.
Cilmigii falsafadda
Alexander, waxaa noloshiisa si weyn u saameeyay cilmigii falsafadda ee ku bartay aqooyahankii falsafadda ee reer Giriig, Aristotle.
"Waxaa la rumeysan yahay in Aristotle uu helay fursad ah in uu wax ka beddalo maskaxda ninka da'da yar, wuxuuna ka dhigay hoggaamiye kaligii talis ah oo aanan naxeynin" ayay tiri Rachel Myers.
Waxay intaas ku dartay in cilmiga Aristotle uu Alexander si weyn u saameeyay sida uu maamulayay gobolladii Giriigga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Wuxuu u safray magaalada Giriigga ku taalla ee Corinth si uu ula kulmo ninkii caanka ku ahaa culuumta falsafada Diogenes sii uu uga mahadceliyo shaqada u hayo"
Ciidamadii Alexander
Aabihii Philip II ayaa hirgeliyay ciidamada Macedonia, wuxuu ka dhigay ciidamo awood leh oo si weyn looga cabsado.
Philip wuxuu dhammaan reer Macedonia siiyay fursad ah inay ciidamada ku biiri karaan.
Kadib markii uu geeriyooday aabihii, wuxuu la wareegay hoggaaminta ciidamada. Alexander wuxuu ahaa nin caqli leh oo si weyn u yaqaanno istaraatiijiyadda dagaalka.

Xigashada Sawirka, Alamy

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu weerar ku qaaday maamulkii Persia, wuxuuna sanadkii 324 BC gaaray magaalada Susa ee Persia. Wuxuu doonayay in uu mideeyo dadkii ku nool Persia iyo Macedonia si ay daacad ugu noqdaan.
Geeridii ku timid Alexander
Markii uu qabsaday boqortooyadii Persia , ciidamadiisa waxay billaabeen inay qabsadaan deegaannada dhaca bariga markii dambe waxay gaareen Hindiya.
Wixii markaa ka dambeeyay Alexander wuxuu billaabay in uu dib ugu laabto Macedonia.
Sanadkii 323 BC, isaga 32 jir ah markii uu gaaray gobolka Babylon oo maanta ah halka ay ku taallo Ciraaq, ayaa waxaa uu u dhintay cudur aanan la aqoon.
Taariikhyahannada waxay rumeysan yihiin in uu u dhintay dhaawac soo gaaray, halka qaarna kalena ay aaminsan yihiin in uu u dhintay cudurka Malaariyada.










