Muqdisho: Xasiloonida maanta maxaa ka horeeyey ee dhacay?

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib qalalaasihii shalay ka dhacay halkaas. Isu socodka gaadiidka ayaa si caadi ah ku soo laabtay, hase yeeshee mucaaradka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Halka dowladda ay ku adkeysatay in aan la qaban karin isu soo baxyada arrimo ay kamid yiiin amniga iyo cudurka Covid-19 dartood.
Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya in xasiloonida iyo nabadda ay ka shaqeeyaan.
Hadaba 24 saacadood ee la soo dhaafay sidii ay wax u dhaceen oo faahfaahsan halkan kaga bogo:
Waddooyin la xidhay
Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka ayaa 19 bishan xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la filayey in mucaaradka ay magaalada ku qabtaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.
Ciidammo farabdan ayaa la dhigay waddooyinka caasimadda gaar ahaan agagaarka taalada Daljirka Daahsoon.
Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ciidanku ay dadweynaha u diidayaan in ay isticmaaalaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Taallada.
Midowga musharrixiinta ayaa ku adkeysanaya inuu dhici doono muddaaharaadka ay ku baaqeen in la qabto maanta o Jimce ah inkastoo dowladda ay mamnuucday sababa la xiriira xannuunka Covid19 oo soo laba kacleeyay.
Goobta Daljirka Dahsoon maxaa mudaharaadka loogu doortay?
Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay Mucaaradka Dibadbaxooda ugu xusheen Daljirka Dahdoon, halkaasoo ah meel ay dad badan ku adkaan karto in ay tagaan, amnigeedana si weyn isha loogu hayo.

Xigashada Sawirka, WIKIPEDIA
Waxayse u muuqataa in sababta lagu doortay ay tahay maadaama ay u dhowdahay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee saldhigga u ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalena ay ku dhowdahay bar koontarool oo laga ilaaliyo Villa Somalia.
Xiisad abuurantay
Xiisad ayaa ka taaganayd magaalada ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidammada dowladda iyo ilaalada madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda inay weerar ku soo qaadeen Hotelka ay degan yihiin ee Maa'ida oo ku dhow agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon.
Xasan Sheekh ayaa nasiib darro ku tilmaamay in "Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu daadinayo dhiigga muwaadiniin isu diyaarinaya bannaan baxa nabadeed".
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan, iyadoo dhinacyada dagaalamayeen muddo saacad ka badan, sida ay goobjoogayaal u sheegeen BBC-da.

Xigashada Sawirka, SM
"Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa'ida oo aniga, Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay," ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed oo bartiisa facebook soo dhigay qoraalka.
"Weerarka waxaa amray madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah."
Dowlada Soomaaliya ayaa war ay soo saartay eedda dusha uga tuurtay mucaaradka waxayna sheegtay in dagaalka uu billowday markii "maleeshiyaad mucaaradka ka amar qaata ay weerareen fariisimha ciidammada dowladda".
"Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1-dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho" ayaa lagu sheegay war qoraal oo uu saaray Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale."Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday."
Ma jirana ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sida uu ku biloowday dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay toona.
Ra'isal wasaarahu muxuu ka yidhi shaqaaqada dhacday?
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay ilaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mudane Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay "in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in aysan dowlad jirin".

Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA
Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka xalay uu ku bilowday weerar lala beegsaday ciidamada dowladda.
Iska horimaad u dhexeeya ciidanka dowladda iyo xoogag taabacsan musharraxiinta mucaaradka ayaa xalay iyo saaka ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka hor joogsatay dibedbax ay si nabdood u qaban lahaayeen.
Ra'iisal wasaare Rooble ayaa tilmaamay inuu "dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay, balse laga dhaga adeygay".
Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ogoshahay mudaharaad si nabdoon u dhaca oo ay ilaalinayaan ciidamada dowladda, balse dibedbaxa mucaraadka ay doonayeen "inay horkacaan ciidamo ka soo horjeeda ciidamada dowladda".
Ra'iisal wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho "xor iyo xalaa ah".
Shirkii wada tashiga ee la filayey oo baaqday
Shirkii la sheegay in uu ka dhici doono Muqdisho ee lagaa wadahadli lahaa arimaha doorashada ee la isku seegan yahay ayaanay weli caddayn goorta uu qabsoomayo.
Madaxweynaha Hirshaballe Cali Guudlaawe ayaa gaadhay shalay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ee looga hadlaya heshiiska doorashada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna maalin ka hor sii gaadhay Muqdisho balse dhiggiisa Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaan wali u safrin Muqdisho. Ma cadda goorta ay halkaa gaari doonaan.

Xigashada Sawirka, GALMUDUG STATE HOUSE
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa BBC-du la xidhiidhay si aan waxa uga ogaanno waxa baajiyey dhaankooda. Maxamuud Sayid ayaa sheegay in xaaladaha amni ee taagan ay baajiyeen.
'Mar walba annaga Jubbaland waxaan hoosta ka xarriiqaynaa Soomaalidu in ay wada hadasho, waxa aan meesha ku jirinna cidda soo gelinaysaa ka bixiso, si degganna doorashada loo qabto.'
"Meel kasta oo lagu qabanayana Jubbaland diyaar bay u ahayd, soo jeedintoodii u danbaysayna waxa ay ahayd in Muqdisho lagu qabto. Iyada oo saamilaydii siyaasaddana ay ku dhan yihiin"
Shirkaasi ayaa lagu waday in la soo gabgabeeyo shalay oo Jimce ah, waxaana Jubbaland caqabadaha helay ku qeexday in xaalkii Muqdisho ay shalay ahayd, dibna u qiimayn doonaan xaalka oo xilliga danbe ee uu qabsoomayo ay ka fiirsan doonaan.










