Boqolaal ku dhimatay xeebaha Liibiya
Xigashada Sawirka, AFP
In ka badan 239 muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen laba doonyood oo ku degay meel ka baxsan xeebaha Liibiya, sida ay sheegeen saraakiil muhaajiriinta ku howlan.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa waxaa warkan u sheegay laba qof oo ka badbaaday doonyahaasi, isla markaana gaaray jasiiradda Talyaaniga ku taalla ee Lampedusa.
Ilaa iyo hadda ma jiraan meydad laga helay doonyahaasi.
Sida uu sheegay ururka caalamiga ah ee socdaalka, in ka badan 4,200 oo qof ayaa ku dhintay badda Mediterranean sanadkan oo keliya.
Qaar badan oo ka mid ah dadka dhawaan ku dhintay baddaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka tageen Galbeedka Afrika.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}