Rooble oo soo saaray amarro cusub oo uu uga jawaabayo xiisadda ka taagan madaxtooyada
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu wado "isku day bareer ah oo lagu afgembinayo dowladnimada"
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in uu ku xaadgudbay shuruucda dalka isla markaana saaka uu weerar ciidan ku qaaday xafikiisa.
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ra'iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay "tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed."


