Israa'iil oo duqeymo cirka ah ku dishay 28 Falastiiniyiin ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay mowjado diyaaradeed oo Israa’iil ay ka geysatay Marinka Qasa Sabtidii, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.
Hay’adda difaaca madaniga ah oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in carruur iyo haween ay ku jiraan dadka la dilay. Waxa ay intaa ku dartay in hal weerar ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ay garaaceen teendho ay gabbaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa magaalada Khan Younis ee koonfurta dalkaasi.
Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay duqaymahan kuwii ugu cuslaa tan iyo wejigii labaad ee xabbad joojinta, oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweyne Trump bishii Oktoobar, isla markaana hirgashay horaantii bishan.
Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in tiro duqeymo ah ay fuliyeen, taasoo jawaab u ah waxa ay ku sheegeen in Xamaas ay jabisay heshiiskii Jimcihii.
Israa'iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabbad joojinta tan iyo markii uu dhaqan galay sannadkii hore.

















