Miltariga Israa'iil oo ka hadlay tirada ay ku dileen Qaza

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay, iyagoo soo xiganaya ilo amni oo sare oo dalkaas ka tirsan, in ciidanka Israa’iil ay qirteen in ku dhowaad 70,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalkii ka socday Qasa.
Israaiil ayaa horey dhowr jeer su'aal u galisay saxnaanta tirakoobka ay soo saarto wasaaradda caafimaadka Qasa, oo ay maamusho Xamaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn.
Iyadoo ka jawaabaysa warbixin uu daabacay The Times of Israel, militariga Israa’iil ayaa sheegay in tiradaasi aysan ahayn qiyaas rasmi ah oo ay iyagu soo saareen.
Isha amniga ah ayaa u sheegtay suxufiyiinta Israa’iil in tirada ay shaacisay Xamaas, oo muujinaysa in ka badan 71,000 oo qof ay dhinteen, ay inta badan sax tahay, balse ciidanka Israa’iil aysan weli awoodin inay xaqiijiyaan inta ka mid ah dadka la dilay ee ahaa dagaalyahanno Xamaas ah ama rayid.
Warbixintan ayaa timid wax yar kaddib bilowga wejiga labaad ee qorshaha xabbad-joojinta Qasa, kaas oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka iyo dalal kale oo gobolka ah. Qorshuhu wuxuu ka kooban yahay dib-u-dhis buuxa iyo hub-ka-dhigis lagu sameeyo Marinka Qasa, oo ay ku jirto hub ka qaadista Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ah.

















