Waa maxay "sharciga awoodaha dagaalka" Kongaressku-se ma xaddidi karaa weerarrada Trump ee Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Nadia Al-Harimi
    • Role, Weriye BBC Arabic
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Kongresska Mareykanka ayaa isku diyaarinaya usbuucan inuu u codeeyo qaraar qabyo ah oo xakameyn kara awoodda madaxweyne Donald Trump inuu sii wado howlgallada militari ee ka dhanka ah Iiraan isagoo aan ogolaansho cad ka helin sharci dajiyayaasha.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii ciidamada Maraykanka oo ay wehliyaan kuwa Israa'iil ay duqeymo ka fuliyeen gudaha Iiraan. Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay hanjabaad ku soo wajahan, halka qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ay u arkaan fal dagaal oo aan sharci dastuuri ah loo haysan.

Xuddunta murankan ayaa ah sharci soo jiray ilaa 1970-meeyadii oo loo yaqaan "Xeerka Awoodaha Dagaalka".

Muxuu yahay sharciga awoodaha ee xilliga dagaalka?

Kongresska ayaa ansixiyay sharcigan 1973 ka dib dagaalkii Vietnam, isaga oo isku dayey in uu soo celiyo doorkiisa dastuuriga ah ee go'aamada dagaalka iyo nabadda.

Sida uu qabo dastuurka Mareykanka, Kongress-ka ayaa awood u leh inuu ku dhawaaqo dagaal ee ma aha madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, iyadoo madaxweynayaasha Mareykanka ay taariikh ahaan adeegsan jireen awoodo ballaaran si ay ciidammo dibadda ah u geeyaan, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah ee amniga qaranka.

Sharcigii 1973 kii ayaa xayiraad saaray arrintan. Waxa ay u ogolaataa madaxweynaha in uu ciidamo u diro dagaalka isaga oo aan ogolaanshiyo ka hor Kongress-ka marka laga reebo xaalado gaar ah oo klaiya, gaar ahaan haddii Maraykanka la soo weeraro ama uu la kulmo khatar ku soo fool leh.

Sharcigu waxa kale oo uu dhigayaa in haddii ciidamada Maraykanku ay dagaal galaan fasax la'aan, madaxweynuhu waa inuu ku wargeliyaa Kongresska oo uu ciidamada kala baxo muddo 60 maalmood gudahood ah haddii aanay sharci dajiyayaashu oggolaansho rasmi ah siinin.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in Maraykanku uu si dhif ah u iclaamiyay dagaal tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, maadaama madaxweynayaashu ay inta badan ku tiirsan yihiin tafsiir ballaaran oo ku saabsan awoodahooda dastuuriga ah si ay u fuliyaan hawlgallo milatari iyada oo aan si cad loogu dhawaaqin dagaal.

Muxuu koongareesku hadda u codeynayaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababta degdegta ah ayaa ah go'aanka madaxweyne Trump uu ku weeraray Iiraan isagoo aan oggolaansho ka dalban Kongresska.

Saraakiisha maamulka oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in qorshaha Israa'iil ee ah inay qaado tillaabo militari iyo filashada jawaabta Iiraan ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ay ka dhigan tahay "khatar soo fool leh".

Hogaamiyayaasha Jamhuuriga, oo uu ku jiro afhayeenka aqalka Mike Johnson, ayaa ku doodaya in madaxwaynuhu uu ku dhaqmay awoodiisa isagoo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, iyo in weeraradu ay ahaayeen kuwo xadidan oo dabeecad ahaan difaac ah.

Laakin tiro badan oo dimuqraadiyiinta ah ayaa diiday arrintaas.

Senator Tim Kaine, oo hogaaminaya dadaalka lagu doonayo in xal looga gaaro awoodaha dagaalka ee golaha Senate-ka, ayaa sheegay in Kongresska ay saaran tahay mas'uuliyad dastuuri ah si ay u codeeyaan marka ay timaado in ciidamo loo diro colaad socon karta muddo toddobaadyo ah oo ay horay ugu dhinteen Maraykanka.

Dimuqraadiyiinta ayaa sidoo kale ku eedeeya maamulka in ay bixinayaan cudurdaar kala duwan oo hawlgalka ah, laga bilaabo bartilmaameedsiga barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ilaa iyo in la burburiyo gantaalaha ballistic-ga ama xitaa ka hadlaan isbeddelka nidaamka, iyaga oo aan bixin caddayn cad oo khatar degdeg ah ku ah danaha Maraykanka.

Muxuu maamulka Trump ka yiri?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo ujeeddooyinkooda, wuxuuna intaa ku daray in ololahan uu socon karo dhowr toddobaad.

Maamulka ayaa ku doodaya in gadoodka uusan ahayn mid rasmi ah oo dagaal lagu iclaamiyay, sidaas darteedna aysan jirin waajibaad dastuuri ah oo ah in la helo oggolaansho ka hor inta uusan Kongaresku ansixin.

Jamhuuriyiinta ayaa sidoo kale ku doodaya in nooca khatarta ah ay u baahan tahay tallaabo degdeg ah, iyo in wadaagga sirta xasaasiga ah ee si weyn loo wadaago ka hor inta aan la weerarin ay daaha ka qaadi lahayd khatarta ah in sirtu fakato.

Sidee Koongareesku ugu kala qaybsan yahay?

Kala qaybsanaantu way caddahay, inkasta oo aanay gebi ahaanba dhinac u janjeerin.

Inta badan Dimuqraadiyiinta waxay taageeraan qaraarka awoodaha dagaalka, iyagoo ku doodaya in Congress-ku uu si rasmi ah u qaato doorkiisa marka nolosha askarta Mareykanka ay khatar gasho.

Laakiin qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa aaminsan in go'aanku yahay astaan oo uusan si dhab ah waxba u beddelayn.

Dhanka Jamhuuriga, inta badan waxaa la filayaa inay ka soo horjeestaan sharciga oo ay taageeraan madaxweynaha, iyadoo tiro kooban ay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin fikradda ah in arrinta cod loo qaado.

Jamhuuriyiintu waxay haystaan aqlabiyad sare balse aad u yar labada Aqal ee Wakiilada iyo Senatka, taasoo ka dhigaysa meel marinta qaraarka mid aan la hubin.

Qaraar la gaaro ma joojin karaa dagaalka?

Xitaa haddii go'aanka labada gole laga soo saaro, madaxweynuhu wuxuu adeegsan karaa awoodiisa diidmada qayaxan si uu u diido.

Si loo baabi'iyo diidmada qayaxan, Koongarasku wuxuu u baahan yahay saddex-meelood laba-meel aqlabiyadda labada Aqal ee Wakiilada iyo senetka, waa tiro ay adag tahay in lagu gaaro qaabka dheelitirka xisbiyada ee wakhti xaadirkan.

Tani waxay la macno tahay in go'aanka, xitaa haddii uu helo taageero ballaaran, laga yaabo inuusan isla markiiba wax ka beddelin habka hawlgallada milatari.

Laakiin dadka taageersan arrintan ayaa sheegaya in muhiimaddeedu ay tahay mid siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo la taaban karo. Waxa ay ku qasbeysaa xildhibaanada in ay meel fagaare ah ka istaagaan, oo ay cadaadis ku saaraan maamulka in ay soo gudbiyaan caddeymo tafatiran, waxa ayna dib u soo celineysaa dooda ku saabsan xadka uu madaxweynaha u leeyahay in uu isticmaalo awood ciidan.

Hadduu xalku sidaa noqdo iyo haddii kaleba, hawlgalladu uma badna inay isla markiiba joogsanayaan, balse waxa ay si cad u daaha ka qaadi doontaa arrintan heerka uu gaarsiisan yahay in Koongareeska uu doonayo in uu madaxweynaha kula xisaabtamo arrinta dagaalka, taasoo in muddo ahba ahayd mid muran ka dhex dhalisay siyaasadda Mareykanka.