Iran, Mareykanka iyo Koobka Adduunka ee bilaabanaya saddex bilood gudaheed

Xigashada Sawirka, EPA

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

In ka yar 100 maalmood, Maraykanka waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah dalalka martigelinaya Koobka Adduunka ee sanadkan 2026, waa tartan ay xulka qaranka Iran u soo baxeen.

Sabtidii, Maraykanka iyo Israa'iil waxay weerar ku qaadeen Iran, taasna waxay dhalisay weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe.

Haddaba maxay dagaalladani uga dhigan yihiin FIFA iyo dalalka ka qeybgalaya Koobka Adduunka oo horeyba si weyn loo siyaasadeeyay? BBC qeybta isboortiga ayaa isku dayday in ay arrintan si dhow u eegto.

Maka qeybgaleysaa Iran Koobka Adduunka?

Iran waxay qeyb kula jirtaa dalal ya ka mid yihiin New Zealand, Belgium iyo Masar. waxay Los Angeles kula ciyaareysaa dalalka New Zealand iyo Belgium, kaddibna Masar ayey isku arkayaan magaalada Seattle.

Iran kama bixin tartanka sanadkii hore markii Maraykanku duqeeyey xarumaha nukliyeerka ee dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha iyo qalalaasaha hadda jira oo aad uga sii daray awgood, madaxda xiriirka kubadda cagta Iran ayaa la sheegay in ay shaki geliyeen ka-qaybgalka tartanka.

"Wixii dhacay… iyo weerarka uu Maraykanku qaaday kaddib, uma muuqato in aan si rajo leh u eegi karno Koobka Adduunka, balse madaxda ciyaaraha ayaa go'aankaas leh," ayuu ka soo wariyay telefishinka Iran Mehdi Taj oo ah madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Iran.

Dilka Hoggaamiyihii Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, iyo hubaanti la'aanta weyn ee ka taagan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, waa wax aan macquul ahayn in la saadaaliyo go'aan noocaas ah cidda qaadan doonta.

"Tehran, uma ahan dagaal gaaban oo 12 maalmood ah ama xiisad kooban oo la hakin karo kaddibna dib loo bilaabi karo," ayay tiri Dr Sanam Vakil, oo ah agaasimaha Barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee machadka Chatham House.

"Marxaladdan cusub ee colaadda waa mid ku saabsan jiritaanka nidaamka, mana u muuqato mid si degdeg ah ku dhammaan doonta."

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka, FIFA, waxay sheegeen in ay la socdaan xaaladda, balse mas'uuliyiin ayaa si gaar ah u sheegay in ay filayaan in Iran ka soo qaybgasho Koobka Adduunka. Sabtidii, xoghayaha guud ee FIFA, Mattias Grafstrom, ayaa sheegay, "Diiraddayadu waa in aan helno Koob Adduun oo ammaan ah iyadoo qof walba ka qaybgalayo."

Sida xeerka FIFA uu dhigayo, haddii koox ka baxdo ama laga reebo, FIFA waxay "qaadi kartaa tallaabo kasta oo loo arko mid lagama maarmaan ah," waxayna "go'aansan kartaa in dal kale lagu beddelo kan ka baxay."

Ciraaq iyo Imaraadka Carabta ayaa noqon kara in lagu baddelo Iran hadii ay booska baneyso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaan ku jirnaa xaalad aan hore loo arkin

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sanadkii hore saxiixay amar madaxweyne oo mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal oo ay ku jirto Iran in ay soo galaan Maraykanka, isagoo ku sababeeyey arrimo amni. Inkastoo ciyaartoyda iyo tababarayaasha Koobka Adduunka laga dhaafay xayiraadda, Iran waxay ku hanjabtay in ay qaadacdo isku aadka bishii Desember ee Washington kaddib markii fiiso loo diiday qaar ka mid ah mas'uuliyiinteeda.

Haddii Iran ay ka qeybgasho tartanka, waxaa la filayaa in si aad ah loo adkeeyo amniga kulamada iyo xerada tababarka ee Arizona.

Koobka Adduunka 2022 ee lagu qabtay Qatar, Iran waxay la ciyaartay Maraykanka, waxaana xilligaas dalka ka dhacay bannaanbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda.

Los Angeles, oo Iran laba jeer ku ciyaari doonto, waxay hoyi u tahay Iraniyiinta ugu badan ee ku nool Mareykanka.

"Waxaan ku jirnaa xaalad aan hore noo soo marin, iyadoo ay ka harsan in ka yar 100 maalmood bilaabashada Koobka Adduunka, isla markaana Mareykanku uu bilaabay dagaal ka dhan ah dal ka qaybgalaya ciyaaraha," ayuu yiri Nick McGeehan oo ka tirsan ururka xuquuqda aadanaha ee FairSquare.

"Haddii Iran ka baxdo tartanka, taas oo suuragal ah, FIFA waxay dareemi doontaa nafis maadaama ay yarayneyso bannaanbaxyo iyo qalalaasaha dhici kara."

Saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa ka digay in ay jiri karaan cawaaqib amni oo "musiibo ah" haddii 11-ka magaalo ee martigelinaya ciyaaraha aan la siin maalgelintii hakadka ku jirtay sababo la xiriira xiritaanka qayb ka mid ah dowladda.

Waxaa sidoo kale jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan in la adeegsado saraakiisha waaxda socdaalka ee ICE iyo rabshado ka dhaca Mexico oo ah dalka labaad ee martigelinaya ciyaaraha.

Maxay noqoneysaa 'Abaalmarinta Nabadda' FIFA?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii December, FIFA waxay Trump ku guddoonsiisay 'Abaalmarinta Nabadda' markii ugu horreysay xafladdii isku aadka Koobka Adduunka 2026, waxayna sheegeen in uu "door muhiim ah" ka qaatay heshiis xabbad-joojin ah ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta, isla markaana uu isku dayay in uu soo afjaro colaado kale.

Toddobaadyadii xigay, Maraykanku wuxuu qaaday tallaabooyin militari oo ka dhan ah Venezuela, Nigeria iyo Iran, wuxuuna muujiyey suurtagalnimada dagaallo kale oo ka dhici kara Greenland, Mexico iyo Colombia. Bishii January, Trump wuxuu sidoo kale Cuba ugu baaqay in ay "heshiis la gasho" ama la kulanto cawaaqib.

Trump si adag ayuu u difaacay siyaasaddiisa arrimaha dibadda, isagoo ku adkaysanaya in uu ku shaqeynayo danaha Maraykanka.

Go'aanka Trump ee weerarka Iran ayaa la kulmay taageero iyo cambaareyn labadaba, balse waxaa hubaal ah in ay kordhin doonto su'aalaha laga qabo go'aanka FIFA ee ku dhawaanshaha Trump, iyadoo dhaleeceeyayaashu ku doodaan in ay khatar ku tahay dhexdhexaadnimada hay'adda.

Bishii January, 27 xildhibaan oo ka kala socday xisbiyada UK ee Labour, Liberal Democrats, Green Party iyo Plaid Cymru ayaa saxiixay mooshin baarlamaan oo ku baaqaya in laga saaro Maraykanka tartamada waaweyn ee caalamiga ah, oo uu ku jiro Koobka Adduunka.

FIFA waxay ku adkaysanaysaa in ay sharci ahaan waajib ku tahay dhexdhexaadnimo. Sanadkii hore, Infantino wuxuu sheegay in FIFA "aysan xallin karin dhibaatooyinka juqraafi-siyaasadeed" kadib cadaadis lagu saaray in la cunaqabateeyo Israel.

2018, Koobka Adduunka waxaa lagu qabtay Ruushka oo afar sano markaas ka hor ku darsaday Crimea dhulkiisa. Ruushka waxaa sidoo kale lagu eedeeyey weerarro internetka ah iyo faragelin doorashooyin.

Ugu dambeyn, FIFA ayaa Ruushka ka mamnuucday 2022 kaddib duullaankii Ukraine, markii dalal badan oo Yurub ah diideen in ay la ciyaaraan.

Waxa cad in 48-kii saac ee la soo dhaafay, xaalad siyaasadeed oo horeba u adkayd in ay sii noqotay mid aad uga sii dareysa marka loo eego Koobka Adduunka.