Guddoomiye Mursal: Meel ay ku qoran tahay doorasho dadban in la aadayo ma jirto

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Itoobiya oo xaqiijisay buuxinta biyo xireenka muranka badan dhaliyay

    .

    Xigashada Sawirka, Maxar Technologies via Reuters

    Xukuumadda Itoobiya ayaa shaacisay in ay bilowday buuxinta biyo xireenka weyn ee dalkaasi ka dhisayo webiga Niil, Sida laga soo xigtay Telefishanka dawladda.

    Wasiirka biyaha,waraabka iyo tamarta, Sileshi Bekele ayaa sheegay in muuqaalladii dayaxgacmeedku qaaday ee muujinayey xaddiga biyaha haradaas ee kordhayaa ay run yihiin isla markaana la buuxinayo haradaas.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli uu guuldarro ku dhammaaday wadahadallo u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan kaas oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

    Guddiga farsamada ee wadahadallada ayaa warbixin u gudbinayaa Midowga Afrika oo garwadeen ka ah dhexdhexaadinta dalalkan.

    Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xireenka uu ka qeyb ka yahay dhaqaalaheeda halka Masar ay cabsi ka qabto in saameyn uu ku yeesho heerka biyaha webiga Nile oo ku tiirsan yihiin shacabkeeda.

  2. Guddoomiye Mursal: Meel ay ku qoran tahay doorasho dadban in la aadayo ma jirto

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,ayaa ku gacan seyray go'aankii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxaanu sheegay in aanay aqbalayn doorasho dadban iyada oo goluhu ansixiyey sharcigii doorashooyinka.

    Wuxuu sheegay in aanay u suurtagal aheyn in doorasho aan waafaqsaneyn shuruucda dalka laga qabto.

    "Ma aqbalayno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashooyinka" ayuu yiri guddoomiyaha.

    Mursal ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu ka hadlayay fadhi ay yeesheen golaha oo ka doodayay akhrinta labaad ee sharciga axsaabta.

    Hadalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa daba joogaa war murtiyeed kasoo baxay shirka Dhuusamareeb ee lagu sheegay in dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho "qof iyo cod ah" loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay "nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan".

    Dhawaan ayay aheyd markii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu soo dhaweeyay go'aanadii kasoo baxay shirkii madaxda Maamul Goboleedyada ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

  3. Magaalo Soomaaliyeed oo saddex dameer isku xirta si culaysku uga yaraado

    Qoraalka Muuqaalka, Dameeraha Mandheera
  4. Dal u tababaraya eeyaha sidii ay u urin lahaayeen dadka qaba cudurka Corona

    Haatan ilaa afar eey ayaa lagu bilaabay tababarka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Haatan ilaa afar eey ayaa lagu bilaabay tababarka

    Booliska waddanka Chile ayaa bilaabay in eeyo ay u tababaraan sidii ay u urin lahaayeen dadka qaba cudurka Covid-19.

    Eeyaha wax uriyo ayaa loo adeegsadaa howlgallada ka dhanka ah daroogada iyo qaraxyada iyo sidoo kale baadi goobka dadka lagu raad joogo.

    Qorshaha ayaa ah in meesha lagu gaaro bisha Agosto in eeyaha la geeyo goobaha laga raaco tareenada iyo garoomada diyaaradaha si ay u uriyaan dadka qaba cudurka isla markaana loo ogaado.

    Sidoo kale, waxaa tijaabadan bilaabay ha'yad samafal ah oo fadhigeedu yahay UK taas oo sheegtay in haatan ay tijaabadu meel wanaagsan u mareyso.

  5. Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubaland oo gaaray Garoowe

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo madaxweyanaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Puntland, waxay ka qeyb galeen aaska halkaas loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi.

    Madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashia ayaa maanta lagu aasay Garoowe kaas oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi.

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

  6. Biyo yari ka taagan magaalada Jigjiga

    Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa in muddo ahba waxaa ka taagan biyo yari saameysay shacabka halkaa ku nool.Qoysaska danyarta ah ayaa inta badan ku qasbanaada inay biyo gaari dameerro lagu keenay ku iibsadaan qiimo sarreeya.

    Madax xafiiseedka biyaha ee deegaanka, Cabdiraxmaan Hurre ayaa BBC-da u sheegay in dowladda ay wado dedaal wax looga qabanayo biyo yarida. Waxaa uu khadka telefoonka ugu warramay Samiira Cabdullahi Jaamac.

    Qoraalka Codka, Biyo yari laga soo sheegayo Jigjiga
  7. Internetka oo dib loogu soo celiyey Itoobiya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Itoobiya waxaa dib u soo laabtay Internetka oo laga jaray labo toddobaad ka hor kaddib rabshadihii ka dhashay dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundesa.

    Dowladda ayaa haatan dib u fasaxday qeyb kamid ah adeegga Internetka ee dalkaas.

    Rabshadahaas waxaa ku dhintay in ka badan 200 qof.

    In ka badan 5,00 qof oo isugu jiro siyaasiyiin, weriyeyaal iyo dad kaleba ayay dowladdu xirtay.

    Qaar kamid dadkaas ayaa shaley kasoo hor muuqday maxkamad.

  8. Gabadhii ugu horreysay ee duuliye ka noqota diyaaradaha dagaalka Nigeria oo geeriyootay

    Tolulope Arotile waxaa la bogaadiyay howlgallada ay ka qeyb qaadatay

    Xigashada Sawirka, Nigerian Air Force

    Qoraalka sawirka, Tolulope Arotile waxaa la bogaadiyay howlgallada ay ka qeyb qaadatay

    Gabadhii ugu horreysay ee duuliye ka noqota diyaaradaha dagaalka ee ciidammada Nigeria ayaa geeriyootay kaddib markii dhawaan ay shil baabuur gashay, sida ay shaaciyeen ciidammada cirka ee Nigeria.

    Gabadhan oo la yirhaado Tolulope Arotile waxay ka tirsaneyd ciidammada cirka oo ay ku biirtay sannadkii 2017-kii.

    Shilka ayaa ka dhacay waddo ku taalla agagaarka saldhigga ciidammada cirka ee ku yaalla Kaduna.

    Ciidammada waxay sheegeen in gabadhan ay kaalin weyn ka qaadatay howlgallada ka dhan ah koox fallaago ah iyo kooxo kale oo hubeysan.

  9. Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku wajahan Garoowe

    Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan Garowe si ay uga qeybgalaan aaska halkaasi loogu sameynayo marxuumiinta kala ah Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

    Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed oo ku magac dheer Falagle ayaa sheegay in wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb uu dhici doono marka laga soo laabto duugta.

    Wasiirka wuxuu u warramay Kowsar Maxamed Cabdullaahi.

    Qoraalka Codka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra'iisul wasaaraha
  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .