Diyaarad siday gargaar oo ku dhacday Beledweyne
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Qoraalka Muuqaalka, Masaajidda oo dib loo furay Maxaa ka khaldanaa sida Trump uu u xirtay maaskarada?

Xigashada Sawirka, Twitter
Sawir tobonaan kun oo jeer lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya madaxweyne Trump oo aanan si wanaagsan u xiran maaskarada isla markaasna uusan u xirneyn sanka xilli uu booqanayay isbitaal militari.
Balse waxaa jiraa arrimo dhowr ah oo shaki gelinayaa xaqiijinta arrintani.
Ma jirto warbaahin tebisay sawirka iyo muuqaalka ku saabsan arrintani, waxaa laga yaabaa in madaxweynaha ay hoos uga dhacday maaskarada sidaasna sawir looga qaaday balse lama xaqiijin karo sawirkan.
Waxyaabaha shakiga abuuraya waxaa kamid ah tayada sawirka oo aad u liita.
Waxaan sawirkan u gudbinay dadka ku xeeldheer xaqiijinta sawirrada balse waxaa la ogaaday in sawirka aysan cidna horey u tebin, waa mid lagu baahiyay baraha bulshada, sida ay qortay BBC-da qeybta war qabadka.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu markii ugu horraysay meel fagaare ah uu ku xirtay mask tan iyo markii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee fayraska Corona.
Silsilad maanseed la magac baxday (Iphone11)
Iran oo sheegtay inay daldashay nin Mareykanka u dusinayay xogta gantaalladeeda

Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Iran waxay heysataa hubka ugu awoodda badan Bariga Dhexe Iran ayaa daldashay shaqaale hore oo ka tirsanaan jiray wasaaradda gaashaandhigga dalkaas oo la sheegay in uu xog u dusinayay Mareykanka.
Ninkan oo lagu magacaabo Reza Asgari ayaa la daldalay toddobaadkii lasoo dhaafay, sida uu weriyeyaasha u sheegay Gholamhossein Esmaili oo ah afahayeen u hadlay garsoorka dalkaas.
Wuxuu sheegay in Reza Asgari uu xog u gudbiyay ha'yadda sirddoonka Mareykanka ee CIA-da, xogtaas oo ku saabsaneyd hubkeeda ama gantaalladeeda.
Reza Asgari wuxuu ka tirsanaa cutubka militariga u qaabilsan arrimaha hawada iyo diyaaradaha, wuxuu howlgab noqday sannadkii 2016-kii.
Afahayeenka u hadlay dowladda ma uusan sheegin xilliga la xiray Reza Asgari iyo sidoo kale waqtiga ay socotay dacwaddiisa ama xilligga xukunka lagu riday.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Mareykanka oo ku saabsan arrintani.
Bishii July ee sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii wasaaradda sirddoonka Iran ay sheegtay inay xireen 17 qof oo lagu eedeeyay in xogta barnaamijkeeda Nukliyerka ay u dusinayeen CIA-da Mareykanka, wasaaradda waxay sheegtay in qaar kamid ah raggaas dil lagu xukumay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadalkaas ku timaamay mid been ah.
War deg deg ah, Diyaarad siday gargaar oo ku dhacday Beledweyne
Warrarka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka ku dhuftay ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.
Diyaarada oo ka tagtay dalka Jabuuti ayaa shaqaalihii saarnaa oo saddex ahaa laga badbaadiyay, sida uu BBC-da u sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneyl Cabdillahi Muuse.
Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda oo dooneysay inay cago dhigato garoonka balse dhacday dabadeedna uu dab ka kacay.
Itoobiya iyo Masar oo heshiis ku kala kacay

Xigashada Sawirka, Maxar Technologies via Reuters
Sawirro satellite lagu qaaday ayaa muujinayaa in Itoobiya ay bilowday inay buuxiso biyo xireenka ay ka dhiseyso webga Nile.
Sawirkan oo la qaaday intii u dhexeeysay 27-kii bishii Juun iyo 12-ka bishan ayaa muujinayaa in biyo xireenka uu buux dhaafay, Dowladda Itoobiya wey ka gaabsatay inay ka hadasho arrintani.
Balse waxay ku adkeysatay in biyo xireenka ay buuxineyso bishan oo la galayo xilli roobaadka.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli shaley uu guuldarro ku dhammaaday wadahadallo u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan kaas oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.
Guddiga farsamada ee wadahadallada ayaa warbixin u gudbinayaa Midowga Afrika oo garwadeen ka ah dhexdhexaadinta dalalkan.
Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xireenka uu ka qeyb ka yahay dhaqaalaheeda halka Masar ay cabsi ka qabto in saameyn uu ku yeesho heerka biyaha webiga Nile oo ku tiirsan yihiin shacabkeeda.
Mali: Hogaamiye horey uga tirsanaa urur islaami ah oo maanta hortagaya maxkamadda ICC

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhageysiga dacwadda loo heysta Al Xasan Ag Cabdul Caziiz ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee u fadhigeedu yahay magaalada Hague.
Al Xasan Cabdul Caziiz ayaa lagu eedeeyay in uu geystay dambiyo dagaal iyo tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Waxaa uu 8 sanno ka hor ahaa madaxii booliska urur islaami ah oo ka talin jiray magaalada qaddiimiga ah ee Timbuktu ee Mali, waxaa uu hoostagi jiray maamulkii kooxaha islaamiyiinta ee Maqrib.
Al Xasan Ag Cabdul Caziiz oo haatan ah 43 jir, waa qofkii labaad oo loo heysto dagaalladii toban sanno ka hor ka dhacay Mali oo dacwaddiisa ay dhageysato maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC.
Markii uu ahaa taliyihii booliska, waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa tacaddiyo iyo falal kufsi ah oo ka dhacay halkaas.
Waxaa la sheegay in gabdho iyo dumar badan lagu qasbay inay guursadaan raggii ka tirsanaa maleeshiyaadka markii ay kooxdan heysatay magaalada Timbuktu.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu kasoo fulay amar lagu burburiyay goobo taariikhi ah oo ku yaalla magaalada.
Mas'uuliyiinta Mali ayaa sannadkii 2018-kii Al Xasan Cabdul Caziiz ku wareejiyay maxkamadda ICC.
Cudurka Covid-19 oo dhulka la galay dhaqaalaha Jabuuti
Wasiirka Maaliyadda Djibouti, ayaa kulan uu la yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka fadhigoodu yahay iyo danjireyaasha dalalka Shisheeye uga warramay saamaynta fayraska Corona ku yeeshay guud ahaan dalka iyo gaar ahaan sida uu u taabtay dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara hadii xaaladdu sidan sii ahaato.
Wasiirka maaliyadda Ilyaas Dawaale, ayaa shirkaa ka dib waxa waraysi la yeeshay weriye Maxamuud Cismaan Bulxan oo waydiiyey waxa uu u soo bandhigay hay’adaha uu la kulmay.
Qoraalka Codka, Dhaqaalaha Jabuuti iyo Covid-19 Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen madaxda maamul goboleedyada isla markaana kaga arinsanayeen doorashada soo socota.
Wararka ayaa sidookale sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu isna ka daba tegi doono ra'iisal wasaaraha.
Shirka Dhuusamaree waxaa kasoo baxay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii wadatashiga loo ballaarin lahaa, madaxda dowladda federaalkana waxay ugu baaqeen inay Dhuusamareeb yimadaan.
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

