Sadiiq Khan waxaa uu tacsi u diray dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Injineerka.
Waxaa uu sidoo kale la kulmay qurba joogta soomaalida ee ku sugan London isla markaasna waxaa uu ka hadlay doorka bulshada Soomaalida ay ku leeyihiin horumarada dalkaas.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster.
Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.
Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008.
Hogaamiyaha Shiicada Nigeria oo sun jirkiisa laga helay
Qoraalka sawirka, Ibrahim Zakzaky waxaa uu xirnaa muddo afar sanno ah
Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria oo xaalad caafimaad u joogo
dalka Hindiya ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib
markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC..
Waxaa isbitaalka ku sugan ciidammo boolis ah oo ilaalinayo.
Ibrahim Zakzaky
ayaa kamid ahaa boqolaal ka tirsan Shiicada Nigeria oo xabsiga loo taxaabay
sanadkii 2015-kii kaddib markii ay rabshado dhexmareen taageerayaashiisa iyo
booliska dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay 350 qof.
Wadaadka iyo
xaaskiisa ayaa in muddo xirnaa waxaana dhawaan xabsiga laga sii daayay
oo loo ogolaaday in xaalad caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.
Gabadha uu dhalay wadaadka, Suheyla Zakzaky ayaa sheegtay in sunta
ay ku baahday jirkiisa kaddib markii
rasaas ciidammada militariga Nigeria ay ku fureen gurigiisa sanadkii 2015-kii.
Waxay intaas ku
dartay in aabaheed ay isha kaga jirto sunta isla markaasna uu maray qalliin si
looga saaro.
Kooxaha fallaagada Suuriya oo soo riday diyaarad ay leedahay dowladda
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dagaalyahanada mucaaradka oo soo bandhigay burburka diyaaradda
Diyaarad ay leedahay xukuumadda Suuriya ayaa lagu soo warramaya
in la soo riday markii uu dagaal ka dhacay deegannada ay mucaaradka ku xooggan yihiin
ee dhaca gobolka Idlib.
ilo
wareedyo taabacsan mucaaradka waxay sheegeen in diyaaradda lagu soo riday meel
u dhaw magaalada Khan Sheikhoun.
Warar horraan soo
baxayay, waxay sheegayaan in ciidammada Suuriya oo taageero ka helayo Ruushka
ay gaareen meel u dhaw goobta uu dagaalka ka dhacay.
Ku
dhawaad 30 dagaalyahan ayaa ku dhintay dagaalka shalay ka dhacay halkaas.
Kooxda dusha kala
socoto xaaladda xuquuqda aadanaha Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa ku warrantay in duuliyihii saarnaa diyaaradda
ay gacanta ku hayaan kooxda Taxriir Al Shaam ee ku xooggan gobolka Idlib.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay gobolka halka boqolaal kun ay ka qaxeen guryahoodii.
Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo roggay madixii hore ee sirddoonka Suudaan
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Saalax Gosh ayaa xilka iska casilay saacado un kaddib markii la afgembiyay Cumar Al Bashiir
Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo roggay madaxii hore ee ciidammada
sirddoonka Suudaan Saalax Gosh oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa tacaddiyo ka
dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalkaas,
Cunaqabateynta ayaa ah in Saalax Gosh uusan u safri karin
Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay
in la hayo caddeymo muujinayo in Gosh uu ku lug lahaa dhacdooyin lagu
dhibaateeyay dad rayid ah markii uu ahaa madaxii ciidammada sirddoonka Suudaan.
Saalax Gosh waxaa uu xilkan hayay xilliggii dalka ka talinayay
madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan Cumar Al Bashiir.
Soomaali lagu boobay Koonfur Afrika
Xigashada Sawirka, CABDIXAKIIN BIIF
Qoraalka sawirka, Dukaamada dhaca loo geeystay
Warar aan ka helnay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburgee
dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay,
halkaasi boob,dhac iyo dhawacaba, loogu geeystay Soomaalida ganacsatada ah,waxaa
boob loo geestay boqolaal dukaan, sida uu BBC sheegay Cabdixakiim Biif oo ku
sugan halkaas.
Arrintan
ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay isku dhaceen ganacsade
iyo macamiilkiisa isla markaasna ay ka caroodeen dadka degaanka.
Cabdixakiin Ibraahim oo ku magac dheer Cabdixakiin
Biif,oo dhacdadaasi uga waramay BBC-da ayaa sheegay inuu arkay, Soomaali iyo
Itoobiyaan ganacsato ah uu dhaawac kasoo gaaray iska hor imaadkaas.
‘’waxaa
bililiqo loo geeystay dhaamaan dukaanadoodi iyagoo ay geesteen dadka u dhashay
deegaankaa” ayuu yiri CabdiXakiin
Waxaa dalka Koonfur Afrika horey uga dhacay
dhacdooyin noocan ah oo ku saleysan ajaanib naceybka oo ay dad badan dhibaato
kasoo gaartay.
Toddobo qof ayaa ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka Al Jaziirah ee dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda ee Suna.
"Toddobo qof ayaa ku dhintay halka 2 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dhibaatooyinka ka dhashay roobabka xooggan ee ka da'ay gobolka Jaziirah" ayaa lagu yiri warbixinta.
Tiro shacab ah ayaa ka qaxay guryahooda markii ay daadad ku dhufteen halkaas.
Waxaana barta Twitter-ka lasoo geliyay sawirrada deegaanada ay daadadku ku dhufteen.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Barasaabka gobolka Jaziirah, Janaraal Axmed Hanan Axmed Subeyr ayaa sheegay inay gargaar u fidinayaan dadka ka qaxay fataahadaha.
Boqolaal qof ayaa sidoo kale ka barakacay fatahaado ku dhuftay magaalada Khartuum, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Uganda oo shacabkeeda u qeybineyso Maro Kaneeco laga bilaabo sannadka soo socdo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda caafimaadka dalka Uganda waxay sheegtay in hal milyan
oo qof oo ku nool dalkaas uu ku dhacay cudurka Duumada labadii bilood ee lasoo
dhaafay.
Saraakiisha dowladda waxay sheegeen in isticmaal la’aanta maro
kaneecada iyo roobabkii mahiigaanka ee ka da’ya dalkaas bishii June ay
horseedeen Duumada.
Waxay dowladda sheegtay in 38 milyan oo maro kaneeca ah ay u
qeybiyeen shacabka dalkaas intii u dhexeeysay bishii Febraayo ee sannadkii
2017-kii iyo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii.
“Maro kaneecada waxaa la sameeyay saddexdii sanno ee lasoo
dhaafay, nasiib darro waxaa jiro wax isdabo marin iyo qaar kamid ah Maro
kaneecooyinka la lunsaday” ayuu yiri Jimmy Opigo oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha
laanta qaran ee la dagaalanka Duumada.
“Waxaan kaashaneynaa deeq bixiyeyaasha, laba bilaabo bisha
Febraayo ee sannadka dambe waxaan shacabka u qeybineynaa mara kaneecooyin hor
leh” ayuu yiri Jimmy.
Dad ka badbaaday cudurka Ebola
Qoraalka sawirka, Labada qof ee ka badbaaday Ebola
Labo qof oo laga daweeyay cudurka Ebola kaddib markii ay qaateen
dawooyin tijaabo ah ayaa dib ula midoobay qoysaskoodii kuwaaso oo lagu hayay
xarun ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Dadkan waxay kamid ahaayeen koox bukaan ah oo ku sugnaa
magaalada Goma kuwaas oo lagu tijaabiyay dawooyinka.
Dhaqaatiirta waxay ku rajo weyn yihiin in dhawaan dawo loo heli
doono Ebola.
Madaxweynaha Nigeria oo ku baaqay in la joojiyo cuntooyinka laga soo dhoofiyo dibadda
Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa amar ku siiyay
bangiga dhexe ee Nigeria inuu horjoogsado cid kasta oo dalka soo gelineyso
cuntooyinka laga keeno dibadda.
Waxaa uu tallaabadan uga golleeyahay madaxweynaha in la xoojiyo
wax soo saarka beeraha dalkaas.
Muhammadu Buhari waxaa uu sheegay in arrintani uu doonayo in la
dardargeliyo isku filnaanshaha dhanka wax soo saarka cuntooyinka Nigeria isla markaasna si looga kaaftoomo soo dhoofinta badeecadaha dalalka shisheeye.
Waxaa uu faray bangiga dhexe ee Nigeria “In hal shilin ah aanan
la siin qof kasta oo doonayo in dalka uu soo geliyo cuntooyinka laga keeno
dalka dibaddiisa”
Bangiga dhexe ee Nigeria waa mid madaxbanaan balse ma kala cadda sida uu raaci doono go'aanka kasoo baxay madaxweynaha.
Nigeria waa dalka ugu dhaqaalaha xooggan qaaradda balse 200
milyan qof oo ka tirsan shacabka dalkaas ayaa ku tiirsan cuntooyinka laga soo
dhoofiyo dalalka dibadda.
Maalqabeen u dhashay Israa'iil oo loo heysto eedeymo ah inuu bixiyay laaluush
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Beny Steinmetz waxaa uu beeniyay eedeymaha loo jeediyay
Maalaqabeen u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Beny Steinmetz
iyo labo qof oo kale ayaa hortaggaya maxkamad ku taalla dalka Switzerland sii
loo dhageysto eedeymo laaluush ah oo loo heysto, sida laga soo xigtay dacwad
oogaha.
Ninkan iyo saaxibadiis waxaa lagu eedeeyay inay 10 milyan oo
doolar ay laaluush ahaan u siiyeen labo shirkadood oo macddanta qaabilsan oo ay
leedahay dowladda Guinea si loo siiyo sharciga u ogolanayo in howlaha macaddan
qodista ay ka sameyn karaan dalkaas.
Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha Geneva, Claudio Mascotto ayaa
lagu sheegay in lacagta laaluushka ah lagu heshiiyay inay bixiyaan sannadkii
2005-kii ka hor inta uusan geeriyoon madaxweynihii Guinea, Lansana Conte, sida
ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxaana raggan lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in lacagahan
laaluushka ay siiyaan xaaskii madaxweynihii Guinea ee xilliggaas si qanddaraas
macddan qodis ah looga siiyo shirkaddii Beny Steinmetz gobolka Simandou ee
dalkaas.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, dacwad oogaha
waxaa uu sheegay in qaar kamid ah lacagta ay ku bixiyeen akoonno ay ku
lahaayeen bangiyo ku yaalla Switzerland.
Maalqabeenkan u
dhashay Israa’iil waxaa uu horraan beeniyay eedeymaha loo jeediyay.
BIshii Febraayo ee
sannadkan, mas’uuliyiinta dalka Guinea waxay meesha ka saareen eedeymaha musuq
maasuq ee loo heystay Steinmetz kaddib markii shirkaddiisa lagala noqoday
ruqsaddii ay macddan qodista uga sameyneysay gobolka Simandou.
Balse maxkamadda ku
taalla Geneva ayaa waxay waddaa baaritaanno la xiriira arrintaas.
War deg deg ah, Duulimaadyada gegida diyaaradaha Hong Kong oo maalintii labaad la hakiyay
Hong Kong airport suspends flights for a second day because of anti-government protests.
Waxaa mar labaad hakad galay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hong Kong kaddib markii halkaas ay hareeyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda.
Kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay garoonka diyaaradaha Hong Kong maalmihii lasoo dhaafay, waxaa uu garoonka kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan caalamka.
In ka badan 300 qof oo lagu eedeeyay ugaarsiga Wiyisha oo lagu xiray Koonfur Afrika
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay 366 qof oo looga shakisan
yahay inay ku howlanaayeen ugaarsiga sharci darrada ah ee xayawaanka Wiyisha tan
iyo sannadkii lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay warbaahinta News24 oo soo
xiganeyso wasiirka deegaanka ee dalkaas.
Shan iyo toban kamid ah dadkan la xiray waxay kamid yihiin
shaqaalaha seeraha duurjoogta ee Kruger.
Halka 7 qof oo kale lagu xiray seerayaasha kala ah Pilanesberg
iyo Motala, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha deegaanka ee Koonfur Afrika.
Tijaabo muujineyso in la daweyn karo cudurka Ebola
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, In ka badan 1,800 qof ayaa u geeriyooday cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
Tijaabo la sameeyay
ayaa muujineysa in la daweyn karo bukaanada uu ku dhacay cudurka Ebola, sida
dhakhaatiirta ay sheegayaan.
Afar dawooyin ah ayaa
waxaa lagu tijiaabiyay buukanada Ebola ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda
Dimuqraadiga ee Congo halkaas oo uu ka dilaacay.
Darasaadda ayaa lagu
xusay in boqolkiiba 90 dawada lagu daweyn karo Ebola.
Wixii hadda ka
dambeeyo daawooyinka waxaa lagu daweyn karaa dhammaan bukaanada qabo Ebola,
sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.
Macadka ka hortagga
xaasaasiyadda iyo cudurada oo maaligelisay daraasadda ayaa waxay ku tilmaantay
tallaabo horumar ah oo lagula dagaalamayo Ebola.
Dawooyinkan ayaa lagu
kala magacaaba REGN-EB3 iyo mAb114.
'Labo baarlamaan oo iska soo horjeedo oo looga dhawaaqay Jubaland'
Qaar kamid ah musharraxiinta diiddan tallaabooyinka guddiga doorashooyinka ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay magacyada waxa ay ugu yeereen liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubaland.
Musharraxiinta mucaaradka ah ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin hannaanka guddiga doorashada ay kusoo xuleen xildhibaanada.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli xaley guddiga doorashooyinka Jubaland ay shaaca ka qaadeen liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.
Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashadaas.