Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Arsenal oo sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier halka Mancity lagu dhegay

    arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Arsenal ayaa 1-0 ku garaacday Brighton oo ku ciyaaraysa garoonkeeda Amex Stadium, goolka waxaa u dhaliyay xidigooda Bukayo Saka. Sidaas darteed Manchester City hadda waxay toddobo dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka kadib markii ciyaartii ay la dheeleen kooxda Nottingham Forest ay barbaro kusoo dhammaatay.

    Tanina waa natiijo walaac ba'an ku abuuraysa taageerayaasha kooxda Man City halka kuwa Arsenal ay u abuurayso yididiilo ku aadan hanashada horyaalka oo ay muddo ka soomanaayeen.

    Man City 2-2 Forest: Semenyo ayaa dhaliyay goolka furitaanka; Gibbs-White ayaa si xeelad leh u dhaliyay goolka barbarraha ka hor inta uusan Rodri mar kale hoggaanka soo celin. Anderson ayaa haddana barbarreeyey.

  2. War deg deg ah, Xisbullah “ma is dhiibi doonto” iyadoo dagaalka Israa’iil uu sii xoogaysanayo

    gs

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem, ayaa sheegay in kooxda ay Iiraan taageerto “aysan is dhiibi doonin” iyadoo dagaalka ay la galayso Israa’iil uu sii xoogaysanayo.

    Khudbaddiisii ugu horreysay ee dadweyne tan iyo markii colaadda gobolka ay ku fiday Lubnaan Isniintii, Qassem wuxuu sheegay in Xisbullah ay u hoggaansantay heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaray dabayaaqadii 2024, balse Israa’iil “aysan u hoggaansamin mid ka mid ah qodobadiisa”.

    “Waxaan oggolaanay xal diblomaasiyadeed oo aan u aragnay fursad ay dowladdu ku qaadato mas’uuliyaddeeda, balse marar badan ayaan sheegnay in dulqaadku xad leeyahay,” ayuu ku yidhi khudbadda laga sii daayay telefishanka.

    “Doorashadeennu waa inaan ka hortagno ilaa heerka ugu sarreeya ee naf-huridda, ilaa xadka ugu dambeeya, mana is dhiibi doonno,” ayuu yidhi.

    Xisbullah ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil Isniintii, ka dib markii weerarro ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil lagu dilay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei.

    Israa’iil ayaa kaga jawaabtay duqeymo ballaadhan oo cirka ah waxayna ciidamo u dirtay koonfurta Lubnaan, taasoo sababtay in tobannaan kun oo rayid ah ay ka barakacaan guryahooda.

    Sidoo kale akhriso:

  3. War deg deg ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo ka dalbaday dhiggiisa Iiraan in si “degdeg ah looga joojiyo” weerarrada ah,

    Abbas Araghchi.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu khilaafku bilowday la xiriiray dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi.

    Saraakiisha Carabta ayaa aad uga cadhooday in Iiraan ay boqolaal gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku ridday dalalka deriska la ah oo ay ku jirto Qadar iyada oo bartilmaameedsanaysa saldhigyada milatari ee Maraykanka, balse sidoo kale ku dhacday kaabayaal rayid iyo kuwo tamar.

    Al-Thani ayaa “si buuxda u diiday” hadalka Araghchi ee ahaa in weerarrada Iiraan ee maalmahan dambe ay beegsanayeen danaha Maraykanka oo keliya, balse aysan ku jeedin dawladda Qadar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Qadar.

    Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay “isku dayayso inay waxyeello u geysato deriskeeda isla markaana ku jiido dagaal aan iyaga u gaar ahayn,” wuxuuna dalbaday “in si degdeg ah loo joojiyo” weerarrada.

    Sidoo kale akhriso:

  4. War deg deg ah, Spain: “Mowqifkeenna ah ‘maya dagaal’ weli waa mid cad oo aan laba macne lahayn.”

    “Mowqifkeenna ma isbeddelin” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain oo beeniyey hadalladii Aqalka Cad ee sheegay in dalku la shaqayn doono milatariga Maraykanka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda, José Manuel Albares, ayaa sheegay in mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan dagaalka “uusan waxba iska beddelin” ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in Isbayn oggolaatay inay la shaqeeyaan milatariga Maraykanka.

    Shalay, Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan ganacsiga uu la leeyahay Isbaanishka ka dib markii dalku ka mamnuucay Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyadiisa milatari qayb ka mid ah hawlgalkiisa Iiraan.

    Albares ayaa u sheegay idaacadda Isbaanishka ee Cadena SER: “Mowqifka dowladda Isbaanishka ee ku aaddan dagaalka Bariga Dhexe, duqeynta Iiraan iyo adeegsiga saldhigyadeenna waxba iskama beddelin.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Mowqifkeenna ah ‘maya dagaal’ weli waa mid cad oo aan laba macne lahayn.”

    Sidoo kale akhriso:

  5. War deg deg ah, Maraykanka iyo Israa’iil waxay burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awoodda militari ee Iiraan, Paul Adams Wariyaha arrimaha diblomaasiyadd

    iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jawaabtii kululayd ee bilowga ahayd ee Iiraan ka bixisay weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil iyo Maraykanku waxay dhalisay su’aalo.

    Miyaan xulafada Maraykanku sii wadi karin inay is difaacaan? Ma u adkeysan karaan nidaamyadooda difaaca cirka ee qaaliga ah weerarro isdaba-joog ah oo ay fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo jaban?

    Cabsidaas waxay u muuqdaan kuwo yaraaday.

    Maraykanku waxay sheegeen in tirada gantaallada ballistic-ga ah ee ay Iiraan ridday ay hoos u dhacday 86% tan iyo Sabtidii, halka tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay hoos u dhacday 73%.

    Maraykanka iyo Israa’iil waxay burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awoodda Iiraan, inkastoo saraakiil reer galbeed ahi ay qirayaan in ay suurtagal tahay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay qarsanayaan hubka qaar si ay dagaalka u sii wadaan muddo dheer.

    Kadib markii ay heleen sarreynta hawada, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil iyo Maraykanku hadda si xor ah oo aan lala tartamayn ayay ugu dul duuli karaan hawada Iiraan.

    Tani waxay ka dhigan tahay in aysan mar dambe ku tiirsanaan doonin hubka loo yaqaan “Weerarka masaafada dheer” gantaallo aad qaali u ah oo laga rido meel fog oo ammaan ah balse ay hadda bilaabi karaan inay adeegsadaan kaydkooda ballaaran ee bambooyinka jaban ee lagu hago nidaamka GPS-ka.

  6. War deg deg ah, BBC-da oo xoghaya warfaafinta Maraykanka ku cadaadisay ka jawaabida weerar la sheegay in lagu qaaday dugsi

    ,,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wariyaha BBC-da ee Washington, Daniel Bush, ayaa weydiiyay arrin ku saabsan waxa mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen inay ahayd weerar ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil oo lagu qaaday dugsi ku yaalla koonfurta Iiraan kaas oo ay sheegeen in ay ku dhinteen in ka badan 160 qof.

    BBC News si madax-bannaan uma xaqiijin karto tirada dhimashada ee ay sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan.

    “Ma sheegi kartaa in ay jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in uusan ahayn weerar Maraykan ah, sidoo kale ma jiraa qiimeyn ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Israa’iil haddii uu jiroba?” ayuu weydiiyay.

    Leavitt ayaa ku jawaabtay in Wasaaradda Difaaca ay “baadhayso arrintan”, balse waxay ku celisay hadallo hore oo ay jeediyeen mas’uuliyiin Maraykan ah oo ahaa: “Ciidamada qalabka sida ee Maraykanku ma bartilmaameedsadaan rayidka.”

  7. War deg deg ah, Iiraan “waxay dooratay jidkan rabshadda,” ayay tidhi xoghayaha warfaafinta Maraykanka

    Leavitt

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Leavitt

    Leavitt waxay sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu doorbido inuu nabadda iyo diblomaasiyadda hormariyo marka hore, halka Iiraan “ay dooratay jidkan rabshadda iyo burburka, isla markaana ay hadda la kulmayaan cawaaqibka ka dhashay”.

    Waxay sidoo kale sheegtay in nidaamka Iiraan “uu been sheegay, dib u dhigay, isla markaana isku dayay inuu sii jiitamiyo intii ay socdeen wada-xaajoodyadii ka horreeyay weerarkii bilowga ahaa ee Maraykanka iyo Israa’iil, si ay waqti ugu helaan inay dhistaan hub gantaallo ballistic ah iyo hub nukliyeer ah.

    Sidoo kale akhriso:

  8. Iran oo gantaallo kale ku ridday Israa'iil, sida ay sheegtay IDF

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen gantaallo kale oo laga soo riday dalka Iiraan oo ku wajahan Israa’iil.

    Bayaan ka soo baxay IDF ayaa intaas ku daray in nidaamyada difaaca ay ka shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen gantaallada.

    Sidoo kale akhriso:

  9. Maraykanka oo markii ugu horreysay u adeegsaday Iran diyaarad aan duuliye lahayn oo u ek "Shahed"

  10. Iiraan oo weerartay saldhigyo ay Kurdidu leeyihiin

    Iiraan ayaa weerartay saldhigyo ay leeyihiin mucaarad Iiraan u dhashay oo Kurdi ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii Maraykanka, Donald Trump, uu doonayay in kooxahan ay ku lug yeeshaan colaadda ka jirta Iiraan.

    Mid ka mid ah saldhigyadaas ayaa la weeraray 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah. Afar dagaalyahan oo ka tirsan Peshmerga-da Kurdida ah ayaa ku dhaawacmay weerarka. Mid ka mid ah ayaa ku geeriyooday isbitaalkii la geeyay.

    Gantaalku wuxuu dhulka ka sameeyay god weyn. Bur-burka dhisme la dumiyay ayaa la arki karaa, isagoo ku fidsan aag ballaaran.

    Sidoo kale akhriso:

  11. Madaxa amniga Iran oo Trump waydiiyay: 'Maraykanku wali ma ka horreeyaa - mise Israa'iil?'

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxa amniga ee Iran, Cali Larijani, ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in dhimashada Ayatollah Khamenei ay "wax weyn kaa gooyn doonto," ka dib markii hoggaamiyaha Iran lagu dilay weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran.

    Qoraal uu soo dhigay barta X, Larijani wuxuu sheegay in Trump "uu dadka Mareykanka geliyay dagaal aan caddaalad ahayn oo ay la galaan Iran," ka dib markii ay "saameeyeen" wax uu ugu yeeray "ciyaar-dhaqameedka maadeyska ah" ee Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

    "Miyey weli Mareykanka wax walba ka horreeyaan - mise Israa'iil?" ayuu is weydiiyay.

    Xusuusin ahaan, Mareykanka iyo Israa'iil ayaa weeraro ballaaran ku qaaday Iran 28-kii Febraayo, waxayna tan iyo markaas sii wadeen beegsiga goobaha ku yaalla dalkaas oo dhan.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Mareykanku uu ogaa in ay jiri doonaan tallaabooyin ay qaaddo Israa'iil, taas oo ka dhigan in Mareykanku ay ahayd inuu "horey u qaado tallaabo ka hortag ah" maaddaama la filayay weeraro ay Iran ku qaaddo ciidamada Mareykanka.

    Sidoo kale akhriso:

  12. Sawirro: Gantaal ku dhacay xadka Turkiga iyo Suuriya

    Sawirro ayaa lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya gantaal ku dhacay magaalada Qamishli ee waqooyi-bari Suuriya, taas oo ku taalla meel u dhow xadka Turkiga.

    Weli lama oga goorta uu gantaalku ku dhacay. Turkiga horey ayuu u sheegay in difaacyada hawada ee NATO ay soo rideen gantaal Iiraan laga leeyahay oo galay hawada Turkiga.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

    Gantaal

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Gantaal

    Xigashada Sawirka, Reuters

  13. War deg deg ah, Milateriga Israa'iil oo galay tuulooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

    Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan, ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL), ayaa BBC u sheegay in milatariga Israa’iil ay galeen tuulooyin dhowr ah oo Lubnaan ku yaal oo u dhow Khadka Buluugga ah, oo ah xadka ay Qaramada Midoobay calaamadisay ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.

    Ciidamada nabad ilaalinta ayaan islamarkiiba tafaasiil ka bixin baaxadda iyo muddada ay soo duuleen.

  14. Calan madow oo laga taagay xadka Iran iyo Turkiga

    Iran

    Xigashada Sawirka, Maarten Lernout/BBC

    Calankii Iran ee ka taagnaa xuduudka Razi ee Iran, ee dhanka Turkiga, ayaa lagu beddelay mid madow.

    Tani waxay u badan tahay in lagu xusayo geerida Ayatullah Ali Khamenei.

  15. Ciidamada Cirka ee Israa’iil oo sheegay in ay Iran ku soo rideen in ka badan 5,000 oo gantaal

    Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa sheegay in ay Iran ku rideen in ka badan 5,000 oo rasaas ah tan iyo markii uu dagaalka bilowday Sabtidii.

    Xogtan lagu soo dhigay baraha bulshada, ayay lagu sheegay in ay xoogga saarayso aagga Tehran.

    Dhanka kale, ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay aqoonsadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socday Israa’iil wax yar ka hor intaan lasoo dirin.

    Qoraalka lasoo dhigay barta X, ayaa intaa ku daray in nidaamyada difaaca ay u shaqeynayaan si ay uga hortagaan khatarta.

  16. War deg deg ah, Siddeetan meydad oo la helay kadib markabka Iran ee quusay

    Ilaa 80 mayd ayaa la helay kadib markii uu quusay markab Iran laga leeyahay, sida loo sheegay BBC.

    Meydadka 80 qof oo saarnaa markab laga leeyahay Iran oo ku degay badweynta Hindiya ayaa la helay, sida uu BBC Sinhala u sheegay xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Air Vice Marshal Sampath Thuyyakontha.

  17. Raysal wasaare Abiy oo digniin diray maahmaahyada adeegsaday

    Abiy

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxda kooxda TPLF iyo dowladda Eritrea inay u dhaqaaqeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dagaalladii ka dhacay dalkaasi.

    Wuxuu ku dhaleeceeyay madaxda TPLF ee Tigray-ga inay door ku leeyihiin ka hortagga isbedellada siyaasadeed iyo kuwa horumarka ee Tigray-ga.

    Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay dhibaato weyn u geysatay dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha intii lagu jiray dagaalkii Tigray ee 2022 .

    Waa markii labaad oo dowladda Itoobiya ay ku eedeyso ciidamada Eritrea xadgudubyada noocaan ah.

    Eritrea ayaa mar sii horreysay cambaareysay hadallada la midka ah ee ra’iisul wasaaraha oo ku tilmaamay “wax laga xishoodo oo laga yaqyaqsado”.

    Sidoo kale akhri:

  18. "Iraan waxay isku dayday in ay disho Trump"

    Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth oo hadda wariyeyaasha kula hadlayay Pentagon-ka, oo uu weheliyo Madaxa Ciidammada Isku-dhafka Mareykanka Dan Caine ayaa yidhi:

    "Iiraan waxay isku dayday in ay disho Madaxweyne Trump," ayuu yiri Hegseth, wuxuuna intaa ku daray, "Madaxweyne Trump waa uu ku qoslay arrintaasi."

    Wuxuu sheegay in Salaasadii, Mareykanku uu "uu ugaadhsaday oo uu dilay" "hoggaamiyihii unugga ee isku dayay inuu dilo Madaxweynaha Trump".

  19. Iiraan Soomaaliya ma u weerari kartaa Mareykanka dartii?

  20. Waa kuwee dalalka taageerada u muujiyay Iiraan?