Hoggaamiyaha gobolka Amxaarada oo dadkiisa ugu baaqay inay hubka qaataan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mareykankana oo ciidammada Afgaanistaan ku booriyay inay hakiyaan awoodda Taalibaan

    Taliban waxay haatan ay la wareegeen  kala bar dalka Afghanistan.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Taliban waxay haatan la wareegeen kala bar dalka Afghanistan.

    Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Ausin, ayaa ciidammada ammaanka ee Afghaanistaan ugu baaqay in mudnaan gaar ah ay siiyaan sidii ay u dejin lahaayeen dhaqdhaqaaqa kooxda Taalibaan, ka hor inta aanay isku dayin inay dhul kala wareegaan maleeshiyaadka.

    Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Afghanistan ay ku mashqulsan yihiin sidii ay u aruurin lahaayeen ciidamo oo ay u geyn lahaayeen agaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, si looga hor tago in Taliban ay soo galaan magaalooyinkaasi.

    Hadalkan ayaa imanaya xilli ururka Taalibaan uu wado guluf uu kula wareegayo dalkaasi Afgaanistaan, maadaama ay ciidammada shisheeye isaga baxayaan dalkaasi.

    Ururku haatan waxa uu la wareegay kala bar dalkaasi walow aanay qabsan magaalooyinka waa wayn.

  2. Arday laga afduubtay Nigeria oo la soo siidaayay.

    Ardayda la so siidaayay ayaa maanta dib ula midoobay waalidiintooda.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ardayda la so siidaayay ayaa maanta dib ula midoobay waalidiintooda.

    Waxaa la soo siidaayay qaar kamid ah ardaydii laga af-duubtay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Kaduna ee waqooyiga dalka Nigeria.

    Rag hubeysan ayaa bishii la soo dhaafay af-dubay 121 arday, kuwaas oo dhigan jiraydugsiga sare ee Bathel Babtist ee gobolkaasi Kaduna, waxaana afduub loogu heystay 21 maalmood.

    Mid kamid ah asaasayaashii iskuulkaasi, Reverend John Joseph, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in haatan la soo siidaayay28 arday, kaddib wadahadal dhex maray afduubayaasha iyo walidiinta dhalay ardayda la afduubtay.

    Reverend ma uusan cadeyn in la dhiibay lacag madax furasho ah iyo in kale balse waxaa uu yiri “waa laga yaabaa".

    Ardaydaasi ayaa gelinkii hore ee maanta dib ula midoobay waalidiintooda kaddib markii la mariyay baaritaan caafimaad.

  3. Warbixinta BBC kadib: Jubaland oo ka hadashay tacaddiyada ka dhanka ah dameeraha

    Maamulka Jubaland ayaa guddi u xilsaaray in baaritaan ay kusoo sameeyaan tacadiyadda loo geysanyo dameeraha gaar ahaan in la siiyo daroogo si saacado badan ay u shaqeeyaan.

    Wasiirka xanaanada xoolaha Jubaland Maxamed Nuur Cali wuxuu sheegay in marnaba aysan aqbali doono tacadiyadda ka dhanka ah dameeraha isla markaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi dooni cidda lagu helo arrintaas.

    Wuxuu ugu baaqay dadka ku shaqeysta dameeraha in xuquuqdooda ay ilaaliyaan.

    “Waxaan soo saarnay guddi ka kooban lix xubnood arrintaas baari doono, qof kasta oo ku nool Jubaland waxaa la faraya in uu ilaaliyo xuquuqda xayawaanka sida dameeraha la rarto, dibida la rarto iyo awrta”

    Dhawaan ayay aheyd markii BBC-da ay baahisay tacadiyadda iyo jirddilka loo geystay dameeraha ku nool magaalada Kismaayo.

  4. Dowladda Soomaaliya oo tallaabo u qaaday xaqiijinta qoondada haweenka ee baarlamaanka

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo magacaabay guddi loo xil saaray xaqiijinta qoondada haweenka ee baarlamaanka.

    Guddigan ayaa ka kooban 13 xubnood waxay "u qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya"

    .

    Xigashada Sawirka, OPM

  5. Hoggaamiyaha gobolka Amxaarada oo dadkiisa ugu baaqay inay hubka qaataan

    Agenehu Teshager

    Xigashada Sawirka, AMHARA MEDIA CORPORATION

    Qoraalka sawirka, Agenehu Teshager

    Hoggaamiyaha gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa shacabka gobolka ugu baaqay inay hubka qaataan si dagaal loogu qaado fallaagada ka dagaallanta gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

    Hadalkan ayaa imaanaya xilli Jimcihii madaxweynaha gobolka Canfarta uu jeediyay baaq kan lamid ah.

    Waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka 8 bilood ka socday Tigray uu ku fido deegaannada kale.

    Afhayeen u hadlay jabhadda Tigray ayaa wacad ku maray inay xoreyn doonaan taako kasta oo ka tirsan dhulka Tigray oo ay kamid yihiin deegaanada lagu muransan yahay oo ay ku sugan yihiin ciidamada gobolka Amxaarada tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

  6. Booliska Soomaaliya oo yeeshay afhayeen cusub

    Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xuseen ayaa loo magacaabay afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya.

    Xilkan waxaa horey u hayay afhayeenkii hore ee booliska Soomaaliya Colonel Sadiiq Duudisho.

    .

    Xigashada Sawirka, Sonna

  7. Dadka baahiyaha gaarka qaba oo dadaal ugu jiro sidiI ay door ugu yeelan lahaayeen doorashada Soomaaliya

    Dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa dadaal ugu jira sidii ay kaalintooda siyaasadeed uga qaadan lahaayeen doorashada iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya waxayna hadda walaac ka muujinayaan suurtagalnimada ah helista doorkooda sida ergada wax dooranaysa ama in iyagu la doorto.

    Haddaba, iyadoo taa laga duulayo ayaa wakiillo ka socday hay'addaha u dooda dadka Naafada ah waxay la kulmeen Guddiga dorashooyinka Soomaaliya ee heer federal waxaana xubnaha ka socday dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay guddiga u gudbiyeen walaaca ay qabaan iyaga oo sida oo kale baaq u diray Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Maxamed Cabdisalaan Diiriye, guddoomiye ku xigeenka hay'adda awoodsiinta naafada Soomaaliyeed SODEN ayaa BBC-da uga warrmay kulankaasi iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la isla soo qaaday.

    Qoraalka Codka, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo doorashada Soomaaliya
  8. Gabadhan laga raadinayay Britain oo dhan oo la helay

    Fatuma Kadir

    Xigashada Sawirka, GMP

    Qoraalka sawirka, Fatuma Kadir

    Waxaa guud ahaan dalka Britain ka socday baaritaano lagu raadinayay gabadh yar oo 11 jir ah oo maalmo la la’aa.

    Gabadhan oo lagu magacaabo Faadumo Kadir ayaa markii dambe la helay iyadoo badqabta.

    Waalidiinteeda waxay sheegeen inay farxeen markii ay maqleen in la helay gabadhooda.

    Booliska waxay sheegeen in shaley la helay gabadha isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii ay dib ula midoobi laheyd ehelkeeda.

    Faadumo qoyskeeda waxay kasoo jeedaan Itoobiya , waxay markii ka baxday gurigooda iyadoo aanan laga warqabin xilli ay tareen u raacday dhinaca Bolton.

  9. Maamulka Koonfur Galbeed oo soo gudbiyay guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare

    Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo magacaabay guddiga baarlamaanka ee qaban doono doorashada Aqalka Sare.

    Iyadoo maanta uu qorshaha ahaa inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayay u muuqataa in dib u dhac uu ku yimid qabashada doorashada.

    Jubaland ayaa maanta lagu wadaa inay soo gudbiso liiska musharraxiinta u tartameyso 8 kursi ee Aqalka Sare ee taalla maamulkaas.

    .

    Xigashada Sawirka, ..

  10. Ninkii lacagta madaxfurashada u geeyay ayay isagii afduubteen

    .

    Dhacdo dhif ah ayaa laga soo tebiyay waqooyiga Nigeria kadib markii koox hubeysan ay afduubteen ninkii loogu dhiibay lacag madaxfurasho ah si ay usoo sii daayaan in ka badan 100 ardey ah oo ay dableydaas ka afduubteen dugsi sare oo islaami ah.

    Wararka waxay sheegayaan in sababta kooxda ay u qafaalatay ninka lacagta u siday ay aheyd in aysan ku qanacsaneyn lacagta madaxfurashada ah ay codsadeen in la siiyo sidaas darteedna aanan lasoo dhameystirin.

    Waalidiinta ardeyda maqan ee wax ka baraneysay iskuulka islaamiga ee Salihu Tanku ayaa iska aruuriyay kumanaan kun oo doolar si ay usoo daayaan carruurtooda maqan.

    Carruurtan ayaa muddo labo bilood ah maqan, waxaana la rumeysan yahay in kooxaha ay ku hayaan keymo ku yaalla halkaas.

    Maamulaha iskuulka ayaa BBC u sheegay in rajadooda ay aheyd in marka ay bixiyaan madaxfurasho dhan 75,000 oo doolar in carruurta ay xoriyaddooda ay dib u helayaan balse haatan ay jahwareersan yihiin maadama ninkii loo dhiibay lacagta madaxfurashada ah in isagii la afduubtay.

  11. Dib u dhac ku yimid qabashada doorashadii Aqalka Sare

    Sida uu qorshuhu ahaa waxay maanta ahayd inay billaabato doorashada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya si loo soo gabagabeeyo 28-ka bishan, waxaase muuqata inuu dib u dhac jiro.

    Waxaana socda dadaallo ay wadaan guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer gobol oo ay ku doonayaan in madaxda maamul goboleedyada ku soo gudbiyaan liiska murashaxiinta Aqalka Sare.

    Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafadka doorashada dadban ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya .

    Wuxuuna guddigu warqadda uu soo saaray uu ku sheegay 4 shuruudood oo looga baahan yahay ciddi guddiga cabashada u soo gudbineysa.

    Shuruudahaasi oo ay ka mid tahay qofka cabshada qabo inuu bixiyo lacagta diiwaangelinta cabshada oo dhan 3,000 oo doolar.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  12. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.