War deg deg ah, Lix ku dhumatay isqarxin ka dhacday Muqdisho
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay afar kalana
way ku dhaawacantay weerar isqarxin ah oo ka dhacay mukhaayad ku taalla
caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho caawa fiidkii.
Qaraxa ayaa ka dhacay mukhaayad shaaha lagu cabbo oo ku
taalla degmada Shingaani.
Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiray will yar
oo saqiir ah iyo qofkii is qarxiyay isagoo adeegsanaya jaakad.
Ruushka oo digniin u diray xulufada gaashaanbuurta Nato
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ruushka ayaa dhaqdhaqaaq militeri ka waday gobolka Crimea
Ruushka ayaa dalalka ka tirsan gaashaanbuurta uga digay inay ciidamo u diraan dalka Ukraine xilli ay soo baxayaan wararka sheegayo in Ruushka uu ciidan uruursi ka wado deegaannada dhaca xadka.
Afahayeen u hadlay aqalka looga arrimiyo ee Kremlin ayaa sheegay in Ruushka uu qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah waa haddii Nato ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.
Xiisad ayaa laga soo sheegayo bariga Ukraine iyadoo uu dagaal dhexmaray ciidamada Ukraine iyo kooxaha gooni u goosadka ee uu taageero Ruushka.
Waxaa heegan la geliyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Yurub kadib waxa lagu tilmaamay dandaansiga sii kordhayo ee gobolka uu ka wado Ruushka.
Sarkaal ka tirsan Nato ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in Ruushka in uu faragelin ku hayo dadaallada lagu xoojinayo amniga bariga Ukraine isla markaana safiirada Nato ay Khamiistii kulan ka yeesheen xaaladda.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay tallaabada Ruushka, wuxuu sheegay in Ruushka ay dhaqan u tahay dandaansiga iyo dhoolatuska ciidan ee ku sameynayo xadka.
Maxay tahay dawadan ay adeegsadaan dhalinyarada Soomaalida ee la hadal hayo?
Waxa maalmahan ba isa soo taraysay hadal haynta ah in dhaliyarada Soomaaliya qaarkood ay isku mudaan dawo xanuun baabiiye xoogan ah oo loogu talo galay dadka ay gaadhaan dhaawacyada culusi.
Dawadaas ayaa marka si qaldan loo adeegsado ee isku rogta maan dooriye qofku qabatimo oo halis caafimaad keenta dhakhaatiirtuna aa uga digaal halisteeda.
Dr Maxamed Nuur Salaad oo ka mid ah dhakhaatiirta magaalada Muqdisho ayaa BBC uga warramay halista dawadan daroogada ah.
Kooxda Jabuuti ee soo iibsatay laacibkii Yurub ka dheeli jiray oo guul soo hoyisay
Qoraalka sawirka, Alex Song oo u dheelayo mid kamid ah kooxihii ay ciyaarta dhexmartay ee Jabuuti
Waxaa dalka Jabuuti lagu soo gabagabeeyay ciyaaraha horyaalka
qaran ee heerka koowaad, waxaana ku guuleysatay kooxda Carte Solar.
Kooxda
Carte Solar ayaa 4 iyo 2 kaga badisay kooxda As Port.
Guusha
Carte Solar ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda ay kharash badan gelisay
tababarada ciyaartoyda iyadoo ciyaartoy caalami ah kasoo iibsatay dibadda.
Waxaa kamid ah ciyaartoyda caalamiga ah ee u dheesha Carte Solar, Alex Song oo
horraan u dheeli jiray kooxaha Arsenal iyo Barcelona.
Alex Song
oo kasoo jeedo dalka Cameroon wuxuu kooxdan ka dhisan Jabuuti la galay heshiis
2 sano ah.
Dowladda oo ka hadashay weerarka lagu qaaday saldhigyo ku yaalla Shabeellaha Hoose
Xigashada Sawirka, SONNA
Qoraalka sawirka, Taliyaha militeriga Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashilyay weerar ay Al Shabaab kusoo qaaday saldhigyo ay ciidamada ku leeyihiin deegaanada Bariirre iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ciidamada militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday.
Milatariga wuxuu sheegay inay wali ku
raad joogaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka dagaal culus ku qaaday dhawr
saldhig oo ku yaala gobolka Shabeellada Hoose.
Al Shabaab waxay mar sii horreysay sheegtay inay 'cagta marisay' labo saldhig oo ciidamada Soomaaliya ay ku leeyihiin Bariirre iyo Awdheegle.
Waxay sidoo kale sheegeen in ay dileen askar ka tirsan militeriga Soomaaliya, sida laga soo xigtay bogag taageera kooxda.
Labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray ayaa midba
midka kale sheegay inuu ka dilay dhawr iyo afartan qof, kana furtay saanad
ciidan.
Maxaa haatan sahlay in madaxda Puntland iyo Jubaland ay ogolaadaan ka qeybgalka shirka?
Xilli la filayo in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shir lagu wado in uu dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadaba isweydiintu waxay tahay waa kuwii muddo is mari la'aa madaxdaasi, maxaa haatan sahlay isu imaanshahooda?
Dr. Cabdi Maxamuud Xirsi oo ah cilmibaare ka tirsan machadka Daraasaadka Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Griffs ee daka Australia ayaa BBC u sheegay in cadaadis ka yimid beesha caalamka uu fudeeyay in madaxda ay maanta ku heshiiyeen in la qabto shirka.
“Is rabitaan iyo is ogolaansho
xagooda ka yimid ma aha..waa culeys kaga imanayo ajaaniibta iyaga howlahooda
hadda ku dhex jirta"
Qoraalka Codka, Shirka lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho
Arrinta amniga iyo shirka la filayo in maanta uu Muqdisho ka furmo
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaa shirkii dhawaan ka dhacay Afisyoone
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalad Muqsiho uu ka furmo shir
u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuw maamul goboleedyada.
Shirkan ayaa ah mid kalsooni dhisid ah, wuxuu horudhac u
yahay shirka kale ee la filayo in maalmaha soo socda uu dhexmaro madaxda maamul
goboleedyada iyo madaxda dowladda kaas looga hadli sidii looga gudbi lahaa
khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada.
Puntland iyo Jubaland oo horraan ka maqnaa shirarkii ka
dhacay xerada Afisyoone ayaa sheegay in shirkan ay ku baaqeen waakiilada beesha
caalamka isla markaana ay ka qeybgalayaan.
Waxaana tan iyo xaley ilaa shaley laga wadahadlayay amniga
goobta uu shirka ka dhacayo oo ah teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee
Afisyoone.
Waxayna u muuqataa in heshiis laga gaaray cidda sugi doonto
amniga goobta kulanka lagu qabanayo.
Waxaana toddobaadyadii amniga goobta gacanta ku hayay ciidamada
ilaalada madaxtooyada.
Wuxuu khilaafka ka taagan yahay ajandaha shirka iyadoo in
kulanka lagu gorfeeyo shirka weyn ee la filayo in uu dhexmaro madaxda dowlad
goboleedyada iyo kuwa dowladda.
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.